.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, July 24, 2011

Faysal Cali Waraabe oo Xilkii Gudoomiyenimo ee UCID laga Xayuubiyay.

Press release

Warsaxafadeed maanta (24/07/2011) ay soo saareen xubna ka mid ah golaha dhexe ee Xisbiga UCID, ayaa waxa ay xubnahaasi ku sheegeen in ay xilkii guddoomiye-nimo ee xisbiga UCID ka xayuubiyeen Guddoomiyahii xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe. Waxa ay Warsaxafadeedkaasi ku sheegeen inay guddi ku meel gaadh ah u magacaabeen hogaanka xisbiga UCID u sareeya.

Warsaxaafadeedkii ay gudidaasi soo saartay waxa uu u dhignaa sidan,-

“Maanta oo ay taariikhdu tahay July 24, 2011 waxaa xarunta dhexe ee xisbiga UCID shir ku yeeshay Gudidda Fulinta Xisbiga UCID waxaanay soo saareen go’aamadan hoos ku qoran:

- Si loo sugo jiritaanka , midnimada iyo sharcinimada hogaanka Xisbiga in dib loo dhigo qabashada shirweynaha Xisbiga muddo aan ka badnayn shan iyo afartan cisho oo ka bilaabanta maanta oo taaiikhdu tahay 24.7.2011 iyada oo ay ahayd in shirweynaha la qabto ugu dambeyn 27.7.2011.

-  In shirweynihii Xisbiga lagu qabto Hargeysa maalinta Arbacada iyo Khamiista , 7-8 Sept 2011, Sida ku cad Qod. 10 Faq. 4aad ee Xeerka iyo Qaab Dhismeedka Xisbiga UCID.

- In la magacaabo guddida qabanqaabada shirweynaha Xisbiga UCID

- Waxa xubnaha Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga asal u ah liiskii ugu dambeeyey ee ansixiyey Xeerka Xisbiga, Musharaxa Maxwaynaha iyo Ku-xigeenka.

- Maadaama xilka hogaanka Xisbigu dhamaanayo 28 July, 2011 oo ay ku egtahay mudada xilka gudoomiyaha hadda ee Xisbiga UCID isla markaana uu xeerka Xisbigu ku xadeeyey muddo-xileedka Gudoomiyaha laba jeer oo keliya sida ku cad qodobka 25aad faqradiisa 3aad, ay si ku meel-gaadh ah u sii wadayso hawlaha xisbiga Guddi ku meel gaadh ah inta uu qabsoomayo shirweynaha 3aad ee Xisbiga. Gudigaas oo magacyadoodu yihiin sida hoos ku qoran.

Magaca/Xilka

- Aadan Maxamed Mire (Waqaf, Gudoomiye ku meel-gaadh ah

- Axmed Xuseen Fagfagaash, G/X/Koowaad ku meel-gaadh ah

- Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), G/X/labaad ku meel-gaadh ah

- Cabdilaahi Siciid Ismaaciil (Dheere,  G/X/saddexaad ku meel-gaadh ah

- Profisor Abdiraxmaan X. Saalax,  G/X/afraad ku meel-gaadh ah

- Muuse X. Maxamuud Guuleed (Inji),  Xoghayaha Guud

- Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro),  Ku Xigeenka Xoghayaha Guud

Waxa la farayaa dhamaan Hawl-wadeenadda iyo xubnaha Xisbiga ee Gobollada, degmooyinka iyo laamaha Dibaddaba inay ku dhaqmaan una hogaansamaan qodobadan kor ku xusan.

Go’aankan waxa gaadhay xubnaha guddiga fulinta ee magacyadooda dusha ku qoran yihiin.

Guddiga Fulinta.

No comments: