.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, July 24, 2011

“Shir-Beeleeyada Somaliland laga abaabulayaa Waxay Daba Socdaan Shirkii Gar-Adag”


Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa xukuumadda ku dhaliilay wax ka qabasho la’aanta shir-beeleedyada dalka ku sii badanaya, isla markaana sheegay in shirarkani ay daba socdaan shirkii Gar-adag ay ku qabsatay beesha bariga Burco ee uu ka soo jeedo madaxwayne Axmed Siilaanyo 26-kii July 2008-dii. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa waxa uu tilmaamay in shir-beeleedyada dalka ka bilaabmay ay daba socoto ciidan beeleedyo inay ka dhashaan shirarkaas hadii aan waxba laga qaban. Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sidoo kale sheegay in xukuumadda madaxwayne Axmed Siilaanyo looga fadhiyo inay shacbiga u soo bandhigto sababta keentay in Passport Somalia lagu sameeyo Hargeysa, waxaanu amaan u soo jeediyey ciidanka booliska ee iyagu gacanta ku dhigay qalabkii lagu sameynayey.

Axmed Yuusuf waxa uu ka hadlay mawqifkooda ku aadan xeerka xoryaala golaha wakiiladda Somaliland, kaas oo uu sheegay inay halkii ay markii hore ka taagnaayeen ay hadana ka taagan yihiin. Waxaanu sidaa ku sheegay mar uu shalay waraysi khaas ah Wargeyska Haatuf ku siiyey xafiiskiisa, kaas oo uu kaga hadlay arimo door ah. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya shir-beeleedyadda dalka ka socda oo la sheegay in xisbiyada mucaaridku ay dabada ka riixayaan, waxa uu yidhi “Hadaanu nahay axsaabta mucaaridka Shirbeeleedyada dalka ka socda wax lag ah oo aanu ku leenahay ma jirto.

Laakiin waxa weeyi daartu daar ayey daalibaysaa, shir-beeleedyadanina waxa ay daba socdaan shirkii Gar-Adag nin neceb iyo nin jecelba. Waxa dhacday in inaga oo dawladd ah oo xisbiyo ah waa tii la tagay Gar-adag. Hadii aad maqasho shir-beeleedyo-na waxa ku xiga maleeshiyo beeleedyo, waxaynu ognahay in aynaan xarayn hubkeenii, Taasna waxaan kaga baxayaa oo la dibaaqayaa waa shirkii Gar-adag”.

S: Maxaad kala socataa Passport-ga Somalia ee la sheegay in lagu sameeyo Hargeysa, isla markaana maalintii dhawayd loo xidhay Sh. Almis Yaxye oo hada xoriyadiisii loo soo celiyey?

J: Ciidamada booliska waan u mahad naqayaa inay qabteen qalabkaas, waxaanan ku amaanayaa waajibka saaran ee ay fuliyeen. Arintan mudo-ba waa tii laga hadlayey waana la ogaa oo waa ceeb wayn oo saaran xukuumadda taladda haysa, imikana waxaynu sugaynaa sida ay uga jawaabto dhacdadaas xukuumaddu.

S: Wax ma ka badasheen mawqifkiinii hore ee furista ururadda, mase taageeraysaan waxa ka soo baxa golaha wakiiladda ee uu xeerkaasi horyaalo?

J: Arinkaasi maaha mid cusub, waynu ognahay oo xeerkaas dawladda ayaa baryahanba dabada xoog ugu riixaysay, markii gudida loo saaray madaxwyanuhu dhawr arimooda ayuu yidhi halaga fikiro. Su’aasha meesha taalaa waxa weeyi ma lagu go’aan qaadan karaa oo rabitaanka ummaddan ma matali-karaan 18 qof ayaa go’aan ay gaadheen ay ku go’aan qaateen qaran dhani?, waxaan leeyahay waa maya oo waa arin khaldan sababta oo ah markii aan darsay waxay yidhaahdeen 1700 qof ayaanu rayi ururin ka qaadnay, waxa la is waydiin karaa 1,700 maxay ka noqon karaan qaran dhan oo sadex malyan iyo shanboqol oo qof ah? waxay ka noqon karaan .005, taasina waxay noqonaysaa badd lagu tuuray dhibic biyo ah.

Aduunka saadaasha rayi ururinta waxa ugu hooseeyaa waa 10,000, madaxwaynahana waxa seegtay inuu yidhaahdo markii aan la tashaday wax garad sidaasaan go’aaan saday, laakiin waxa uu yidhi markaan eegay rabitaankii ummadda ayaan sidaas go’aansaday. Waxaan leeyahay madaxwayne rabitaanka ummaddan 17,000 qof ma saadaalin karaan.

Qodobka labaad waxa weeyi sharciga ma loo eegay, garyaqaanadii iyagu ay qorteen waanu ognahay waxay gudidii u gudbiyeen oo lamana soo bandhigin. Waxaas oo dhan ka kaalay oo isku soo wada duub waxaanu ogaanay xeerkanba in dibadda laga wado oo ay ku jiraan gacmo shisheeye. Xeer-baa imika la keenay golaha wakiiladda, waxaan leeyahay oo aan ugu baaqayaa golaha wakiiladda maanta hadii Ilaahay taladii idinku soo celiyey oo uu gacantiina soo galiyey xeerkaas ka fiirsada oo ha ku degdagina una eega sharcigu waxa uu ka qabo.

Xeer 14-kan la idiin keenay anigu markaan eegay laba xeer ayaa is xushan, xeer 20 oo ah kii doorashadda galaha deegaanka lagu galayey iyo xeer 14, waxay ahayd inay ahaadaan laba kala qayaxan sababta oo ah xeer 14 waa xeer loogu talo galay dhamastirka axsaabta, markaa hadii la doonayo in la qarda jeexo waxa idinla gudboon inaad labadan xeer kala saartaan.

Waxaan golaha wakiiladda leeyahay waar dib u eega Xeer Lr 37, kaas oo ahaa in 6 bilood wax walba lagu qabto oo sadexda doorasho-ba ku qabsoomaan. Waxa la soo saaray Diwaan-galintii aynu galnay 2008-dii, waxaanaynu hada galaynaa 2012-kii, waar afar shan jiil baa soo kordhay, isla markaana waxaynu ognahay in hay’adii waxan soo bandhigtay ay tidhi way khaldantahay diwaangalintaas oo mar kale doorasho laguma gali karo. Waxaanay soo xaqiijiyeen in 30% ay khaldan tahay, waxa khaladka intaas leegi ku jirana wax yar maaha run ahaantii”.

S: Waa maxay danta ugu jirta gacmaha shisheeye ee aad sheegtay furista ururadda, arintanise miyaanay jaanis siinayn siyaasiyiin cusub oo ummaddu u baahan tahay, isla markaana xaqooqada siyaasiga ah siinaya?

J: Waxa aynu ognahay in dawladd Somalia ah oo musaqar ahi ay fadhido Nairobi, nin diidan iyo nin ogolba kuwaasina waxa ay doonayaan waa Fadaraal, waxa dhici karta in qas dhaco, qaskaasina marka uu dhamaado ay dhici karto in Somaliland iyo Somalia la isku daro, waxaan leeyahay taasi inaanay dhicin ha laga digtoonaado.

S: Sideed u aragtaa kaalinta qadiyadda Somaliland ay ka ciyaartay dawladda cusub ee Koonfurta Suudaan oo Somaliland ka heshay marti qaad meeqaam sare leh?

J: Waa run oo door wayn ayey ka ciyaartay koonfurta Suudaan arintaas, laakiin waxaan qabaa in sidii ay ahayd aan looga faa’idaysan saaxiibtinimada koonfurta Suudaan. Waxay ahayd in suxufiyiintu ay ugu yaraan todobaad ka sii horeeyaan waftigii madaxwaynaha oo ay qadiyadeena wufuuda kala duwan ee Juba iskugu imanaysay ay ka sii dhaadhiciyaan, isla markaana ay mucaarid iyo muxaafidka gacanta intay is qabsadaan ay ka wada qayb galaan. Taasina waxay muujin lahayd dimuqraadiyadii iyo sidii la iskugu wareejiyey taladda Somaliland ee quruxda badnayd.

S: Sideed u aragtaa dhacdadii khamiistii hore ka dhacday xaafada shacabka ee badhasaabka Maroodi Jeex iyo Wasiirka daakhiligu oo ciidamo wataa ay ku muquuriyeen mujaahidiin iyo qaar ka mid ah agoontii SNM ee xaafaddaahaas daganaa?

J: Mujaahidoow waxa na odhan jirtee waa dawladda faqash ah xukuumaddayadii, markaa dawladii faqashta ahaydna waydinkii ka codeeyey ee u codeeyey Mujaahidiintii, wadaadkan cid-ladda idinku daadiyeyna waa mujaahidkii, markaa waa meesha ka socdaa waa nabsi ee ogaada inaanu anagu mujaahidiin ahayn. Kolay anagu dadka danyarta waanu ilaalin jirnay oo dhawr jeer xaafadda State House-ka markii la yidhi dadka ha laga raro waxaanu nidhi waar inta dadka waxay galaan loo helayo yaan la taabinin.

Waxa xaqiiq in aanu anagu aanu dadka isku wadnay oo ilaa wax loo qabto aan la taaban jirin, waxa la ogaa hawshii aanu bilawnay oo ay ahayd in dawladdan cusubi ay sii wado, taas oo ahayd arinkii dawladdaha hoose ee dadka loogu dhisi jiray guryaha.

Xigasho: Haatuf

No comments: