.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, September 18, 2011

Ciyaartoyga Caanka ah ee Mo Faarax oo Booqasho ku Imanaya Somaliland


 Ogaysiis :  Ciyaartooyga caalmiga ah ee u orda dalka Ingiriiska Mr. Maxamed Faarax (Mo Faarax), ayaa lagu wadaa inuu Arbacada toddobadkan booqasho ku yimaad Jamhuuriyadda Somaliland. Mr. Maxamed Faarax oo ay wehelinayaan xaaskiisa iyo fannaanka caanka ah ee Sir Maxamuud Cumar-yare, waxa la filayaa inay ka soo degaan madaarka diyaaradaha ee magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil.

Maxamed Faarax waa orodyahankii ugu horreeyay ee ka tirsan dalka Britain ee ku guuleysta billadda dahabka ee orodka 5000 ee mitir, waxaannu dhalasho ahaan ka soo jeedaa Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxa looga baahan yahay dadweynaha reer Somaliland shacbi iyo xukuumada in aan loo kale hadhin soo dhawaynta ciyaartoyga oo dhiirgalin doonta in aqoonsiga Somaliland in orodyahanku kor u sii qaado magaca iyo maamuuska dalka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ee Somaliland.

Mo Faarax waxa uu bishan September 2011 horaranteedii ku guulaystay billadda dahabka ah ee orodka 5,000 kun ee mitir, isagoo noqday orodyahankii Ingiriis ah ugu horreeyey ee hantiya billaddaas. Waxa kale oo uu ku guulaystay tartanno dhinaca odorka ah oo bilado kala duwan ka qaatay.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: