.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, September 21, 2011

Orod-yahanka Caanka ah ee Maxamad Faarax '' Mo Farah'' oo Somaliland yimid!

'' Mo Farah in Somaliland!''

Orodyahanka Caanka ah ee u dhashay Jamhuuriyada somaliland  ee magaciisa la yidhaa Maxamed Faarax, kuse caan baxay “Mo Farah”, Oo maanta ka soo degay Madaarka Caalamiga ah ee magaalada dakada ah ee Berbera, ayaa waxa si diiran u soo dhaweyay oo halkaasi kaga hortagay, raxan wasiiro ah, masuuliyiin sarsare oo ka socota maamulka gobolka Saaxil iyo dadwayne aad u badan oo reer Somaliland ah. Waxa ay dadku si kal iyo laab ah u qaabileen orodyahanka u dhashay Somaliland. Orodyahanka reer somaliland mudane Mo Farah oo haysta dhalashada wadanka Britain, ayaa guulo waawayn iyo bilado badan oo dahab ah ka soo hooyay, tartanka ciyaaraha fudud ee 5000-mitir.

Maxamad Faarax (Mo Farah) oo haatan u orda dalka uu ku nool yahay ee Ingiriiska (UK), ayaa noqday ninkii u horeeyay ee magaca UK ku orda ee abid, orodkan jaadkan ah ''5000-mitir'' ku guulaysta. Waxa kale oo uu soo hooyay intii uu ku jiray tartamada ciyaaraha fudud bilado badan oo jaadad kale leh. Hadaba isaga iyo xaaskiisa iyo gabadh uu dhalay ayaa maanta socdaal ku yimid Somaliland, Waxana uu inta uu joogo ku wareegi doonaa dalka uu u dhashay ee Somaliland.

No comments: