.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, September 12, 2011

UCID: Aadan Maxamad Mire (waqaf) oo war-saxaafadeed ka soo saaray go'aankii Maxkamada sare ee Somaliland!


War-saxaafadeed!

War-saxaafadeed uu mudane Aadan Maxamad Mire (waqaf) ka soo saaray go'aankii maxkamada sare ee Somaliland ka soo saartay, isku qabsigii gudoomiyaha xisbiga UCID, ayaa u qornaa sidan hoosta ku qoran:-

Maanta oo ay taariikhdu ahayd 11-0-2011 waxa maxkamadda sare ee Somaliland soo saartay jawaabti in muddo ahba laga sugayey ee ku saabsanayd khilaafkii ka dhashay hogaanka Xisbiga UCID.

Waxanu maxkamadda sharafta leh ka sugaynay go’aan cad oo qeexaya hogaanka sharciga ah ee Xisbiga UCID yeelanayo iyo inay nagu kala saarto xeerarka iyo dastuurka dalka u yaala iyadoo raacaysa xeerkii Xisbiga UCID u yaalay.

Hadaba go’aankaas ka soo yeedhay maxkamadda sare waa go’aan yacyacood ah oo aan qeexaynin cida hogaanka sharciga ah noqonaysa, iyo xeerka saxda ah ee Xisbiga UCIDba, waxanay maxkamaddu markale madaxa noo galisay khilaafkii muddo lix bilood oo hore xal laga gaadhiwaayey.

Maxkamaddu waxay u muuqataa inay ku dhiiranwayday xukunka saxda ah iyo inay qeexdo cida hogaanka sharciga ah noqonaysa, waxaanay maxkamaddu soo saartay xukun koox gaar ah u adeegaya waxa kaloo cad inanaay maxkamaddu ridin xukun sharci ee ay riday mid siyaasadi ku kaliftay, waxaanay baabiisay dimuqraadiyadii toban sano halganka loogu jiray.

Anagoo u tudhayna ummadayada iskana ilaalinayna muran dambe oo saameeya nabadgalyada dalka waxanu cadaynaynaa inaanay suurogal ahayn in mar dambe ay wax na dhex maraan faysal, Xisbina anaan wadaagayn, wax shir ah oo aanu la galaynaana aanay jirin.

Hadaba iyadoo maxkamaddu ku guuldaraysatay inay nakala saarto waxaanu go’aan ku gaadhnay inaanu marno waddo siyaasadeed oo cusub tashigeedana ay isaga imanayaan dhamaan golayaashi uu ka koobnaa Xisbiga UCID iyadoo aanu go’aan ku gaadhnay inaanu ka tagno magacaas UCID.

Waxa naga xasuusin ah arrinta maanta dhacday oo ah ceeb qaran inay u taalo xisbi kasta iyo urur kasta oo dalka laga sameeyo cid gaar ahina sheegandoonto, maadaama maxkamadii dalka ugu saraysay arrintaas jidaysay.

Alla Mahad Leh

Md Aadan Maxamed mire Waqaf

No comments: