Arday tiradoodu tahay boqollaal qof oo ka kala tegay Somaliland iyo
Soomaaliya oo toddobaadkii hore waddanka Turkiga u tegay deeq waxbarasho heer
jaamacadeed ah, ayaa waxa soo baxaya warar sheegaya in qaar ka mid ah ardaydaasi ka
baxsadeen goobaha laga dejiyey caasimadda dalkaas ee Istanbul, una baxsadeen
dalalka Yurub ee deriska la ah Turkiga. Sidaana waxa xaqiijiyey xubno ka
mid ah ardaydaas oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay eheladooda oo jooga
magaalada Muqdisho.
Sida xalay lagu baahiyey qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho, gaar ahan bogga
wararka ee Dayniile.com.Mr. Cabdiraxmaan Axmed oo ka mid ah ardayda Soomaalida
ee ku sugan magaalada Istanbul, ayaa sheegay in shan ardaydooda ka mid ah oo
laba saaxiibbadii yihiin laga waayey goobta la dejiyey, kuwaas oo uu xusay inay
u tallaabeen
Mid ka mid ah ardayda baxsatay ayaa la sheegay inuu gaadhay, iskana dhiibay
dalka Holland, siday caddeeyeen eheladiisa oo jooga magaalada Muqdisho, halka
qaar kalena la rumaysan yahay inay weli ku jiraan safarka tahriibka ah ee ay
kaga baxsadeen goobaha dawladda Turkigu dejisay.
Ardayda baxsaday ayaa la sheegay in aanay markii horeba ujeeddadoodu ahayn ka
faa’iidaysiga fursadda deeqda waxbarasho ee dawladda Turkigu u fidisay, balse u
baxeen oo keliya sidii ay heli lahaayeen fursad u suurtogelisa gaadhista
waddamada Yurub ee Soomaalidu sida weyn ugu hammiyaan tegistooda, waxaanay
wararku tibaaxeen in qaar ka mid ah waalidiinta ardaydaasi ogaayeen qorshaha u
qarsoonaa ubadkooda, sidoo kalena isla markiiba ku xidheen carruurtooda
mukhalasiin Soomaali ah oo ka ganacsada tahriibta dhallinyarada doonaya inay si
sharci-darro ah isaga kala gudbaan dalalka Yurub.
Ma jiro ilaa hadda wax war ah ku saabsan arrintan oo ka soo baxay dawladda
Turkiga, lamana sheegin wax tallaabooyin ah oo ka qaadday baadi-goobka ardayda
dalkeedu waxbarashada ugu deeqay ee ka baxsaday goobaha laga dejiyey caasimadda
Istanbul.
Dhinaca kale, waxay wararku intaa ku dareen inay jiraan qaar badan oo ka mid
ah ardaydaas oo ku fekeraya qorshe ay ugu baxsadaan dalalka qaaradda Yurub.
Xigasho: Jamhuuriya
No comments:
Post a Comment