.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, November 21, 2011

Boorama : Taalo Loo Sameeyey Dugsigii Lagu Yagleelay Dawladnimada Somaliland


''Wuxuu ku dheeraaday in Taariikhda reer Awdal aanay ahayn mid la qarin karo, wuxuuna xusay in dagaalkii qoriga ee SNM uu ahaa Jihaadkii yaraa, balse....''

Kulan lagu qabtay dugsiga sare ee Sheekh Cali Jowhar ee magaalada Boorama oo ay ka soo qaybgaleen xubno wefti wasiiro ah oo ka socday xukuumada Somaliland iyo xldhibaano labada gole ka tirsan iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid C/raxmaan Aw Cali iyo Ardayda wax ka barata dugsigaas sare ee Sheekh Cali ayaa lagu dhagaxdhigay Taalo loogu magacdaray Taalada nabada Somaliland iyo Yagleelkii dawladnimada maanta ka taaba qaaday Somaliland.

Kulankan ayaa waxaa hadal dheer ka jeediyay Madaxweyne ku xigeenkii lagu doortay shirkaasi 1993 lagu qabtay Boorama Mujaahid C/raxmaan Aw Cali Faarax wuxuu ka waramay heerkii loo soo maray xoriyada Somaliland ilaa 1960-1991 doorkii ay ku lahaayeen beelaha Awdal, wuxuuna tilmaamay in ay kaga jireen kaalin lama ilaawaan ah, wuxuu ku dheeraaday in Taariikhda reer Awdal aanay ahayn mid la qarin karo, wuxuuna xusay in dagaalkii qoriga ee SNM uu ahaa Jihaadkii yaraa.

Balse Jihaadkii weynaa ahaa sidii nabad iyo qaranka cagaha loogu taagay oo ay reer Awdal ahaayeen kuwo kaalin hormoodnimo lahaa, waxa kale oo uu intaas ku daray in Waxgaradkii ka soo jeeday Awdal ee gogoshii Boorama dhigay ay ka nool yihiin Afar oday oo uu ka mid yahay X. Daahir Cilmi, Nuur Rayaale, Suleex Madar iyo Xaaji Daauud Warsame. intii kale oo ahayd 20 ay hoydeen Alaha u naxariisto.

Mujaahid C/raxmaan wuxuu madashaas kaga dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan Jagada madaxweynaha doorkan soo socda, waxa kale oo sheegay in loo baahan yahay in reer Awdal ay ilaashadaan doorkii ay ku lahaayeen Somaliland 20 sano ee ay jirtay iyo intii ka horaysayba, wuxuu xukuumada hada jirta ugu baaqay in ay wax ka qabato tabashada jirta ee ay reer Awdal saluugayaan xukuumada dhisan waxaanu yidhi “Madaxweyn Siilaanyo ha dhegaysto shacabka goboladan Awdal iyo Salal tabashadooda.

Mudane C/raxmaan wuxuu ku dheeraaday garnaqsi dheer oo isku jiray taariikh, talo iyo waxsheeg uu u jeediyay beelaha Awdal iyo Salal iyo beelaha kale ee ay wadaagaan Somaliland, wuxuuna ka waramay doorka Siyaasiyiinta iyo waxgaradka kale ee goboladani ay ka geysteen dawladnimada Somaliland wuxuuna tusaale u soo qaatay xiligii isaga la doortay iyo hubkadhigistii ay sameeyeen, Nabadayntii iyo hirgelintii dimuqraadiyada ee M/weyne rayaale oo ka soo jeeday Awdal iyo tan maanta ee saylici kaga jiro kaalinta labaad.

Sidaas si la mid ah waxaa isna halkaas ka hadlay Xildhibaan Axmed yaasiin Sh cali oo isna sheegay in uu doorkan isku sharaxi doono jagada madaxtooyda Somaliland, waxa kale oo uu ka hadlay in dhibweyn uu ku hayo dalka Mr,Mahiga oo uu sheegay in uu sameeyay Awdalstate dalkiina kala googooynayo, wuxuu xukuumada OSmliland ugu baaqay in ay dalka ka joojiyaan ninkaas lacagta siinaya qurbajooga Somaliland e leh sameeya maamul goboleedo la mid ah kuwa Koonfurta ee dawladnimadii Somaliland mijo xaabinaya.

Waxa isna madashaas ka hadlay xoghaya guurtida C/laahi Dheere oo sheegay in beellaha Awdal aanay isku eegin colaadii Isaaqa sidii Majeerteenku iskugu daawaday Hawiyaha, wuxuuna u markhaati furay taariikhda uu ka waramay C/raxmaan Aw cali.

Suldaan C/raxmaan Muuse Geele ayaa isna sheegay in aanay odayda dhaqanka ee Awdal is diidanayn balse xukuumada Somaliland isku dirayso, wuxuuna ku dhaleeceeyay xukuumada Siilaanyo in ay faha kula jirto arimaha dhaqanka ee goboladan, farahana ha kala baxdo ayuu yidhi Suldaan C/raxmaan Muuse Geele oo ka mid salaadiinta goboladan Awdal iyo Salal.

Waxa kale oo isna ka hadlay Xildhibaan Nuur Rayaale oo ku dheeraaday Somaliland iyo Taariikhda Awdal wuxuuna Ardayda ku celceliyay in ay Somaliland difaacaan isla markaana ilaaliyaan.

Madashaas waxa soo gunaanaday Wasiirka H/guud iyo W/xigeenka Waxbarashada, waxaana Taalada dhagax dhigay M/xigeenkii hore C/raxmaan Aw cali iyo X.Daahir Cilmi oo ka joogay waxgaradkii gogosha nabada dhigay.

Xigasho: Isha

No comments: