.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, November 23, 2011

Eng. Maxamad Xaashi: Hanti-dhawrka Qaranka Waan ka La' ahay Natiijadii Baadhitaanada ay Sameeyeen


- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay inuu Hantidhawrka Guud ee Qaranka ka la’yahay warbixin la xidhiidha goobaha dakhliga ee uu baadhitaannada ku sameeyeey iyo natiijada ka soo baxday toona, isaga oo arrintaasina ku tilmaamay nasiib-darro weyn.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo hadal ka jeediyey kulan lagaga hadlay maamul-wanaagga iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa oo Hargeysa lagu qabtay shalay, waxa uu tilmaamay inuu hay’adaha Hantidhawrka iyo Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ka codsay inay wasaaraddiisa ka bilaabaan toosinta maamulka iyo baadhitaannada ka dhanka ah musuqa, balse aannu ilaa hadda wax jawaab ah ka helin.

“Hay’adda Maamul-wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa waxaan leeyahay malaha halkii aad ka bilaabi lahaydeen la-dagaalanka musuqmaasuqu waa Wasaaradda Maaliyadda, markaa waxaan leeyahay way naga habsaameen. Baahi weyn ayaannu u qabnaa, la dagaalanka musuqmaasuquna wuxuu leeyahay meelo laga bilaabo oo ah meelaha adduunku (kharashku) yaal.

Waxaan idin leeyahay noo kaalaya oo aan isla eegno halkay wax ka xun yihiin, waxana la idiinka baahan yahay ha’yad ahaan inaad daba socotaan dawladda halka ugu sarreysa ilaa halka u hooseysa.

Qolada Hantidhawrka waxaan ku idhi annaga iga bilaaba baadhitaanka, inkasta oo aanan jawaab ka helin oo siddeed meelood oo ay soo baadheen oo weli waxaan ka la’ahay waxaasaa ka soo baxay iyo warbixin, waana nasiib-darro,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.

“Markii aannu shaqaalihii iyo ciidammadii 100% u kordhinay ee aannu siinay bilihii ka maqnaana, waxa jaraa’idka qaarkood qoreen talow halkee ayaa laga keenayaa? Waxay ka dhigeen oo dadkii u tuseen inaannu wax been ah sheegayno oo aanaan suurtogelin karayn wixii aannu ku dhawaaqnay.

Dalkeennu wuu dihin yahay, dal dihinna waa in shaqooyin laga abuuraa, markaa waxaan idiin sheegayaa inaannu tii ku guulaysanay oo aanaan ku khasaarin oo aannu maanta filayno miisaaniyadda sannadkani markuu dhammaado inay ilaa siddeed malyuun (dollarka Maraykanka) noqon karto, halkii ay markii hore ka ahaan jirtay kontan malyuun. Markaa nimankii saadaasha xun wadow sidaa ku abshira oo wax wanaagsan dadka u saadaaliya,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo la hadlayey suxufiyiinta Somaliland.

Waxa kaloo uu Wasiirka Maaliyaddu ka hadlay hawlaha cashuuraha oo uu ku tilmaamay inay lafdhabar u yihiin horumarinta dalka, hase ahaatee aanay dadweynuhu sidaas u fahamsanayn, isagoo sheegay in aanay jirin wax cashuuro ah oo ay kordhiyeen.

“Waxa jira muddadii sannadkan in shan boqol iyo toddobaataneeyo kun oo dollar ay innagaga baxday dad aynu dibadda u dirno si loo soo daweeyo. Innagu dhakhtarkii waynu kiraysan karnaa, qalabkiina waynu iibsan karnaa, dadkiina waynu ka joojin karnaa dhibaatada safarka iyo fiiso doondoonka, arrintaasna waannu wadnaa insha Allaah oo way noo suurtogeli doontaa, taasina waxay ka mid tahay waxtarada dadweynaha lacagtoodii cashuurta lagu bixinayo.

Warbaahintu waxay dadka, gaar ahaan ganacsatada u sheegaan in cashuurtan la doonayo lagu isticmaalayo wixii ummaddu u baahnayd oo ay ugu waaweyn yihiin biyaha, tacliinta, caafimaadka, beeraha iyo wixii la mid ah.”

Eng. Maxamed Xaashi waxa uu sheegay inay sannadkan sii dhammaanaya mushahar u qoreen 1500 macallin oo aan hore mushahar qaadan jirin, isagoo ballanqaaday in sannadka soo socdana mushahar u qori doonaan laba kun macallin oo kale.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: