.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, November 18, 2011

Wasiirka Arrim. Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Waa Diblomaasi Sare iyo Halyey Qaran, Ninkii Hadlayaaba ha iska hadlo!


- Siyaasadda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ee Qaranka Somaliland waxa haga Siyaasad Hufan oo ku qotonta Isku kalsooni, Aqoon casri ah iyo Gobannimo siyaasadeed. Taasoo soo jiidatay dhegaha iyo indhaha beesha caalamka, dalka iyo dadka Jam. Somaliland-na ka saartay go’doonkii ay ku jireen una horseedi doonta ictiraafka bulshada caalamka.”

Marka aynu iska illowno jikaarka, yoon-yootanka, si xun wax u sheega iyo qof isagu dano kale wata, guulaha iyo waxqabadka diblomasiyadeed ee Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar uu muddo kooban ku soo bandhigay waa kuwo aan la iska indho tiri karin.

Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga Jam. Somaliland Prof/Dr. Mohammed Abdillahi Omar, Waa Halyey Qaran iyo Diblomaasi Sare, U adeega Dalkiisa, Balse aan isaga Dadkiisa iyo Dalkiisa midnaba loo Adeegsan karin. Waxa uu mar walba ka tarjumaa Dareenka iyo Doonista Shacabka jamhuuriyadda Somaliland. Tallaabooyinka geesinimada leh ee uu qaaday Wasiirka Arr. Dibeddu waxay magac, maamuus iyo milgo qaranba u yihiin qof kasta oo muwaadin Somalilander ah oo wanaagga iyo horumarka Somaliland jecel. Waana arrin ku dayasho iyo in lagu faanoba inaga mudan. “Waa Wasiir Arrimo-Dibadeedkii ugu Waxtarka iyo Kartidaba Badnaa ee Jam. Somaliland soo mara.”

1. Suxufiga iyo Saxaafadda:

Waxa beryahan dambe saxaafadda iyo goleyaasha lagu gorfeeyo siyaasaddda Somaliland ku soo badanayey dad iyagu gebi ahaanba si qaldan u fahmay muhimadda, macnaha, mihnadda, milgaha iyo hab-dhaqanka Suxufiga iyo Saxaafadda Xorta ah. Dadkaasoo iyagu u dhaqma si gef iyo meel ka dhacba ku ah garashada suuban iyo caqliga feyow ee Suxufiga iyo Saxaafadda Xorta ahba looga baahan yahay. Halkii ay bulshada uga soo gudbin lahaayeen warar dhex-dhexaad ah, hufan, caadifadduna ka maqantahay waxay doorbidaan oo ay bulshada u soo gudbiyaan warar been ah oo xaqiiqada ka fog iyo maqaallo xaalad abuur ah oo bulshada la iskaga horkeenayo.

Cayda, Cambaaraynta, Ceebaynta, af-lagaadada iyo nacaybka shaqsiyadeed ee dadka noocan ahi- (iyaga oo ku dhuumanaya magaca Xorriyadda Saxaafadda)- ay kula kacayaan Masuuliyiin sare oo Sharaf leh oo Xil-Qaran ummadda u haya waxay gef, ceeb iyo maangadba ku tahay dadweynaha ama akhristayaasha ay leeyihiin waanu u adeegnaa.

Haddaba dadka iyagu leh habdhaqanka noocan ah, ma u qalmaan inay adeegsadaan magacyo iyo mihnad ay aqoonteedii, agabkeedii iyo garaadkeediiba ka arradan yihiin sida Suxufi, Weriye, Tifatire….??!! Waxay ila tahay in shakhsiyaadkan oo kale aanay meeli uga bannaanayn Bahda Saxaafadda Xorta ah, kol haddii ay ka maqantahay aqoontii iyo agabkii Suxufinnimo ee hagi lahaa si ay u kala gartaan Saxa iyo Khaladka, Xumaha iyo Samaanta.

2. Suxufinimada Laguma Riyoodo! Waa wax la barto!

Suxufinimadu waa Aqoon, Xirfad iyo Mihnad la barto oo iskuullo iyo Jaamacado loo galo. Maaha wax inta bebeenkii lagu riyoodo subaxdiina lagu shaqo tago.

Suxufigu inta aanu dhex tegin bulshada uu rabo inuu u adeegayo, waxa marka hore la layliyaa oo la carbiyaa shakhsiyaddiisa iyo qaabka fikirkiisa. Waxaa si weyn loogu dhigaa lagana dhaadhiciyaa xeerarka iyo shuruucda ay Saxaafadda Xorta ahi leedahay iyo sifaha ama tilmaamaha looga baahan yahay inuu la yimaado Suxufigu. Suxufiga aqoonta iyo caqligu hagaan waa kii kala saara saxa iyo qaladka, ka garaaba wixii xaqa ah, diida xumaanta, xaqdarrada iyo dulmiga, ka xishooda wixii magaciisa iyo ka bulshadiisaba dheg xumo u soo jiidi kara.

Suxufigu waa kii ah xog-maal xaqiiqada raadiya, doodihiisana ay ka muuqdaan xushmad iyo qadarin uu u hayo ciddii dani ka gasho amaba ay dood-wadaag leeyihiin, isla markaana leh hal-adaygnimo iyo dhiirranaan uu fikirkiisa ku meel marsan karo isagoo kaashanay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Suxufiga ay aqoonta iyo caqligu hagaan waa kii dhexdhexaad ah ee ka feyow caadifadda, qabyaaladda, nacaybka shakhsiyadeed, gobolaysi, iwm. Waa kii garan kara ee miisaami kara saamaynta ay qoraallada iyo wararka uu soo daabaco ku yeelan karaan bulshada uu u adeegayo.

Haddaba, Saxaafadda ku caan baxday Isbaahaysiga-Xumaha, Qabyaaladda, u adeegga danaha shisheeyaha iyo iska horkeenka bulshada Jam. Somaliland iyo shakhsiyaadka ku adeegta ee Aqoon iyo Caqli Suxufinimoba ka madhan, milgihii Suxufinimadana meel kaga dhacay, Su’aasha isweydiinta mudani waxa weeye:

Waa maxay sababta ay Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga Jam. Somaliland ku colaadinayaan ceeb aanu lahayna ula daba socdaan?

Jawaabtu wey fududahay. Waa maxaad ugu tallaabsatay horumarka iyo guulaha dhaxal-galka ah ee uu u soo hooyey Qaranka iyo Qoomiyadda Somaliland, taasoo malaha iyaga uga dhigan guul-darro iyo wanaagga Somaliland u soo kordha oo ay u arkaan inuu cid gaar ah faa’iido u yahay, iyaguse ay ka qadi doonaan. Waana calaamadaha lagu yaqaanno Qaran dumiska aan danta Ummaddu ahayn dantooda, kuwaasoo Dareenkii Waddaninimo iyo ka dhintay Damiirkaba.

3. Siyaasad Hufan oo ku qotonta Isku kalsooni iyo Aqoon casri:

Xidhiidhka diblomaasiyadda ee waqtigan casriga ah waxaa habboon inaanad marnaba ka maqnaan goob ama madal magacaagu yaallo ama lagu falanqaynayo oo ay ku kulmayaan Dawlado, Hay’ado Caalami ah, Khubaro iyo xeeldheerayaal wax laga weydiiyo hannaanka siyaasadda dunida. Bulshada caalamkana in badan oo ka mid ah ayaa weli isku qalada Jam. Somaliland iyo Somaliya, una haysta inay Jam. Somaliland tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, maadaama ayna weli jirin meel la inagu kala jaray iyo heshiis ay bulshada caalamku goob joog iyo markhaatiba ka ahayd oo la inagu kala raray(sida Sudan/South; Ethiopia/Eritrea; Indonesia/East Timor, Rep. of Serbia/Kosovo).

Fikir ahaan waxaan qabaa, soona dhaweynayaa in la qaado tallaabo kasta oo lagu baadi goobayo ictiraafka iyo gooni isu-taagga Qaranka Somaliland, iyadoo aanu marnaba gor-gortan geli karin madaxbannaanida Qaranka Somaliland, lagana duulayo shuruucda iyo xeerarka ku qoran Distoorka Qaranka Jam. Somaliland.

Waxa la yidhi: “haddii lagu mooso, waa la is muujiyaa.” Haddii aynu nahay Jam. Somaliland weynu ku qasbanahay inaynu Soomaaliya wada hadalno, waayo waxa ina dhexyaalla wax aynu ka wada hadli karno, taasi oo ah keliya qadiyadda gooni isu-taagga Jam. Somaliland. Haddaba haddii aynu inagu qadiyaddeena bulshada caalamka ka iibin weyno oo meel walba u mari weyno, ma waxaad filaysaa in cid aan jiritaankeenaba ogolayni ay inoo hadli doonaan, ama wanaag inaga sheegi doonaan, odhanna doonaan reer Somaliland baa maqan ee xaqooga ha loo dhigo?!

Kuwa ku eedaynaya Wasiirka Arr. Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jam. Somaliland inuu ka qayb gelay shirar wax lagu yeelayo ama lagu mijo xaabinayo qaddiyadda madaxbannanida iyo gooni isu-taagga Jam. Somaliland; waxaan leeyahay waa been iyo dacaayad aan sal iyo raad toona lahaynee kama uu qayb gelin shirar lagu heshiisiinayo kooxaha siyaasadda isaga soo horjeeda ee dalka aynu deriska nahay, Soomaaliya. Keliya waxa uu Wasiirku ka tarjumaa Dareenka iyo Doonista Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ah inaynu nahay dal ka madaxbannaan Somaliya.

Waxaa xusid iyo in lagu faanaba mudan sida farshaxannimada leh ee uu Wasiirka Arr. Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jam. Somaliland mudane Prof/Dr. Mohammed Abdillahi Omar uu bulshada caalamka iyo dalalka deriska ahba uga dhaadhiciyey uguna soo bandhigey guud ahaan Muhimadda iyo Qiimaha ay Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay Gobolka Geeska Afrika. Gaar ahaanna , waxa uu wasiirku hoosta ka xariiqay sida ay Jam. Somaliland bulshada caalamka lagama-maarmaanka ugu tahay ee ay wax ugala qaban karto xal u hellidda mushkiladaha ku gedaaman Gobolka Geeska Afrika, sida Budhcad badeedda, qolyaha xag jira iyo arge-gexisada caalimiga ah iyo mashaakilka iyo dagaallada ragaadiyey dalka Soomaaliya ee aynu deriska nahay.

Geba-gabo:

Bulsho weynta samaha iyo wanaagaba jecel ee Jam. Somaliland si weyn ayay ula socdaan, ugu raacsanyihiin kuna taageerayaan tallaabooyinka geesinimada leh ee uu qaaday Wasiirka Arr. Dibedda Somaliland Dr. Mohamed A. Omar. Ummadda Jam. Somaliland gudaha iyo dibeddaba, waxay aaminsanyifiin kuna kalsoonyihiin in Wasiirka Arr. Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga uu yahay Waddani dhab ah iyo Halyey Qaran oo si caaqiibo leh u hoggaamiya Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Qaranka Somaliland.

Sidoo kale, Bulsho weynta samaha iyo wanaagaba jecel ee Jam. Somaliland si weyn ayay ula socdaan ugana dheregsan yihiin ujeedooyinka iyo ajendaha fog ee ay leeyihiin Shakhsiyaadka iyo Shabakadahan iyagu ku bahoobay xumaha, wararka pro-bagandaha, xaalad abuurka iyo iska-horkeenka bulshada Somaliland. Kuwaasoo iyagu intaa xumaanta iyo xag-xagashada aan sal iyo raad toona lahayn sida joogtada ah ula daba socda Wasiirka Arr. Dibedda laga bilaabo malintii uu xilka qabtay. Hal baase hubaal ah, hana ogaadaan in wax kasta oo ay ku tallaabsadaan aanay Wasiirka ka joojin karayn inuu ka rumeeyo kana midha dhaliyo himilooyinkiisa siyaasadeed.

Wasiirkana Waxaan Leeyahay: “Waxaad la timid Gobannimo Siyasadeed oo ay ku dheeantahay, Hawlkarnimo, isku Kalsooni iyo Aqoon dihin oo casri ah, taasoo aad Qaranka Somaliland kaga bedbaadisay go’doonkii iyo jaahwareerkii ka haystay xagga Siyaasadda Arrimaha dibedda 8-dii sano ee ka horreeyey xukuumadda M/weyne Siilaanyo ee aad ka tirsantahay.

Ninkii Hadlayaaba Ha iska hadlo, Haybad Eebbe ku siiyeyna Hebello kaama Qaadi karaan! Waad haysaa hilinkii Aqoonsi raadiska Dalkeenna ee Halganka iyo Himiladaada wacanba halkaa ka sii wad. INSHA ALLAH waanad guulaysan doontaa”

''Somaliland Republic : Guul, Horumar iyo Ictiraaf Caalami ah''

By. Architectural-Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)
UK

No comments: