.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, November 20, 2011

Wasiirka Caaimaadka Dr. Xuseen Max' ed Xoog: Xukuumaddu May Gaadhin Heer la Canaanto ama La Saluugo,


- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dalka Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Muxumed (Xoog) oo kormeer hawleed ku tegay shalay cusbitaalka guud ee degmada Gabiley, ayaa ku dooday in aanay xukuumadda uu ka tirsan yahay weli gaadhin heer la canaanto amma la saluugo waxqabadkeeda. Dr. Xoog oo abbaaro 10:30am ee shalay gaadhay Gabiley, waxa uu si mug leh ugu kuurgalay dhaqdhaqaaqyada iyo adeegyada ka dhex socda gudaha cusbitaalka magaaladaas oo beryahanba xaaladdiisa laga dayrinayey. Kormeerkaas kadib waxa uu Wasiirka Caafimaadku kulan furan la yeeshay Badhasaabka Gabiley, Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolkaas, Xoghayaha Dawladda Hoose, hawlwadeenada caafimaadka, xildhibaanno ka tirsan golaha degaanka, madax-dhaqameedyo iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Gabiley Dr. Axmednuur Ismaaciil, ayaa ugu horreyn si qoto dheer uga xog-warramay xaaladda guud ee caafimaadka gobolkiisa, cusbitaallada iyo MCH-yada ku yaal degmooyinka gobolka ee shaqeeya, tirada dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha iyo shaqaalaha ka hawlgala goobaha caafimaadka iyo weliba xaaladooda dhaqaale.

Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Maxamed Muxumed (Xoog) isaguna kulankaas ka hadlay, waxa uu tafaasiil ka bixiyey qorshayaasha u dajisan wasaaraddiisa ee ee ku aaddan horumarinta adeegyada caafimaad ee guud ahaan dalka, gaar ahaan Gobolka Gabiley. Waxa kaloo Dr. Xoog uu ku dheeraaday abaalka xukuumaddiisa u hayso shacabka reer Gabiley ee la xidhiidha taageeradii ay xisbigooda u fidiyeen doorashadii madaxtooyada ee KULMIYE hoggaanka dalka ku qabtay.

"Waan ognahay reer Gabiley horreyso iyo dambaysaba taageeradii ay siiyeen xisbiga Kulmiye, oo sannadkii 2003dii ay cod aqlabiyad ah siiyeen oo laga helay madaxwaynaheenan Md. Siilaanyo, laakiin aanay reer Gabiley niyad-jabin ee sidii u sii taageersanaayeen ilaa mar labaadkii ay ka soo saareen oo Md. Siilaanyo ku guulaystay talada dalka.”

“Haddaan xogta dawladda idiinka yar warramo waad ogtihiin in xukuumaddani jirto sannad iyo waxoogay oo aanaan gaadhin heer lana canaanto oo waad ka war hayseen duruufihii aannu dhaxalnay oo aad iyo aad u qallafsanaa iyo culaysyadii na soo fuulay oo waad ka war qabteen shaqaalihii dawladda oo aan shan bilood mushahar qaadan, dayntii raashinka ciidammada iyo mushahar-kordhintii. Markaa muddadaas sannadka ahayd ee aannu jirnay, ee ay nala soo darseen intaasoo duruufood ee Ilaahay nagu asturay darteed xukuumaddu may gaadhin heer lana canaanto ama la saluugo,” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka oo difaacayey xukuumadda uu ka tirsan yahay.

Wasiir Xoog waxa uu ku dooday in xukuumaddiisu muhiimadda koowaad siiso horumarinta ciidammada kala duwan ee qaranka, isagoo dhinaca kalena hoosta ka xarriiqay inay sannadaha soo socdana wadaan qorshayaal kale oo lagu horumarinayo adeegyada bulshada, "Ciidammadeennu maanta iyadoon gaadhin bisha soddonkeeda oo bishu 25 tahay ayey qaataan mushaharka. Ilaa dawladdii hore ee Siyaad Barre ee dunidu ictiraafsanayd may dhici jirin in bil mushaharkeeda la qaato iyadoo 25 ah. Sannadkan wixii ka dambeeya kolba tallaabo ayaannu qaadaynaa oo wixii mashaariic horumarin ah iyo shaqaalaha intaan gunnaysnayn ayaannu sannadkan insha Allaah ugu dari doonaa miisaaniyad-sannadeedkan.”

"Waxa jira Mashruuc hay'adda Worldvision ugu jira qorshaheeda oo ku kici doona saddex milyan oo dollar, kaas ayaa mar aan Nairobi tegay kala hadlay inay la wareegaan gacan-ku-haynta MCH-ka Arabsiyo iyo Agabar, iyadoo hay'addaasi gacanta ku haysa MCH-yada Gabiley, Allaybaday iyo Wajaale. MCH-ka Kalabaydh isaga dhismihiisii wuu jiraa, in yar oo dillaacyo ah ayaa jirta, laakiin wuu xidhan yahay, iyadana waannu u hawlgalaynaa sida ugu dhaqsaha badan.

Gaadhi ambalaas ah in badan ayaan idiin hawlgalay sidii aydun u heli lahaydeen, balse nasiib-darro Gobolka Sanaag oo aad innooga fog ayaa innooga baahi batay maadaama uu cidhif uu ku yaal ayaannu idinka horreysiinay. Salaasada toddobaadkan ilaa toddobaadka dambe ayaannu gaadhi ambalaas ah oo hay'adda Health Unlimited aan ka soo qaadayaa, waanan idiin keenayaa haddii Alle yidhaa.”

Waxa kaloo uu Wasiirku farta ku fiiqay in ay adag tahay in dhakhaatiirtu ku shaqeeyaan gunno yar oo la siiyo, waxaannu qiray in wasaaraddiisu mushahar aad u yar siiso dhakhaatiirta dalka, sidaa awgeed waxa uu qurbo-joogga reer Somaliland ka dalbay inay wax kala qabtaan dawladda sidii loogu raadin lahaa mushaharooyin iyo gunnooyin.

Dakhaatiirta waxaannu siinaa wasaarad ahaan siddeed boqol oo kun Somaliland shillin ah (800,000), markii horena waxa la siin jiray afar boqol oo shillin, waana la iska wada garanayaa in aannu dhakhtarna ku hawlgeli karin siddeed boqol oo kun. Haseyeeshee, waxaan ka codsanayaa qurba-joogga inta ugu badan ka hirgalisay dhismaha cusbitaalka Gabiley inay ka qaybqaataan gunnooyinka la siinayo dhakhaatiirta oo ay qorshe u sameeyaan, kalkaaliyayaalka caafimaadna wixii aan shahaado jaamacadeed haysan waxaannu u qorshaynay in aannu gayno kulliyadda caafimaadka si ay shahaado u qaataan, waliba iyagoo mushaharkooda qaadanaya, sababta oo ah ma oggolin in qof bilaa shahaado ah noo shaqeeyo,” ayuu hadalkiisa ku soo khatimay Wasiirka Caafimaadka Somaliland.

Badhasaabka Gobolka Gabiley Md. Cali Aadan Meecaad, ayaa isaguna ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dibu-dhiska cusbitalka Gabiley, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; "Cusbitaalkan waad ogtihiin in tiinka iyo qashinku ka buuxi jireen, laakiin ay u gurmadeen qurba-joogga reer Gabiley iyo Somalilandba. Waxa kaloo iyaguna ka qayb aatay muwaaddiniinta dalka gudihiisa jooga, Allena waa innagu guuleeyay, maantana quruxdaas uu leeyahay waad arkaysaan, cid kastaana way ogsoon tahay, waana wax Ilaahay loogu mahadiyo.

Waynu isku tashanay, in la isku tashadaana waa lagama maarmaan, balse waxa mushkilad ah in wax beena la sheego, cusbitaalkuna wuu shaqeeyaa, laydhka iyo biyihiina way innoogu jiraan, laakiin baahiyo kaloo uu u baahan yahay ayaa jira, intaana Ilaahay waxaan ka rajaynaynaa inuu innagu guuleeyo.”

Xoghayaha Dawladda hoose ee Gabiley Mr. Cabdiraxmaan, ayaa ka warramay kaalinta dawladda hoose ka qaadato horumarinta adeegyada cusbitaalka, isagoo sheegay inay bil kasta bixiyaan kharashka korontada $200 doollar iyo biyaha.

Waxa kaloo iyaguna kulankaas ka hadlay Boqor Muxumed Geelle Seed iyo Chief-caaqil Cabdi Ciidle Ammaan, kuwaasoo sharraxaad ka bixiyey baahiyaha kala duwan ee yaal cusbitaalka guud ee Gabiley.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: