.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, December 1, 2011

Djibouti: Somaliland gooni isku taaga waa ay ku degdegeen lana mid ma aha South-Sudan!


- Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md Ismaciil Cumar Geelle ayaa wareysi uu todobaadkan siiyay jariirad afka Fransiiska ku soo baxda ee la yidhaahdo Jeune afrique waxa uu uga waramay arrimo dhawr ah oo u badnaa siyaasada Jabuuti.

Qodobada wax laga waydiiyay sidoo kale waxa ka mid ahaa Qadiyada Somaliland oo uu fikirkiisa ka dhiibtay.

Jariirada Jeune afrique ayaa madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle weydiisay sababta uu u aqoonsan waayay dalka ay jaarka yihiin ee Somaliland halka uu Konfurta Suudaan oo ka fog uu u aqoonsaday?

Madaxweyne Geelle ayaa ku jawaabay in konfurta Suudaan ay ka duwan tahay Somaliland oo ay halgan dheer u soo mareen xoriyadooda isla markaana ay wadahadal la galeen Woqooyiga.

Somaliland ayuu yidhi madaxweyne Geelle waa ay degdegeen, waxay iska sameysteen Calan, lacag,  waxa ay isaga dhawaaqeen dal, waxaanay gaadhigii ka hor mariyeen dameerkii jiidayay!!!.

Madaxweynaha Jabuuti mar uu ka waramayay sida iyo waxa uu ku caawin karo Somaliland ayuu yidhi:

“waxaanu u ogolaanay in baasaboorkooda ay dalkayaga ku soo galaan iyo in ay cid metesha halkan u soo dirtaan,waxse intaa dhaafsiisan uma qaban karo”.

Hadalka madaxweynaha Jabuuti ayaa imanaya uun maalmo ka dib kolkii uu madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo booqasho ku tegay dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa u muuqday in uu xukuumada cusub ee Somaliland ee uu madaxa ka yahay Md Axmed Maxamed Siilaanyo ay wadaagi doonaan cilaaqad dhaama xukumadihii ka horeeyay.

Waxase halkan si cad uga muuqata in Madaxweyne Geelle aanu siyaasadiisii Somaliland- diid-ka ahayd ee ku wejahneyd qaranimada Somaliland, aanu haba yaraatee waxba ka bedelin.

Xigasho: Qurbajoog

No comments: