.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, December 18, 2011

Midowga reer Yurub Oo Lacag Gaadhaysa 30 Milyan Oo Dollar Ugu Deeqay Dalka Somaliland


- Midawga Yurub ayaa dalka dimuqraadiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland ugu deeqay 30 Milyan oo Dollar oo loogu tallo galay mashruuca biyo galinta afar magaalo oo kala ah Hargeysa, Burco, Wajaale iyo Ceerigaabo, sidaasi waxa maanta shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u wada qabteen ku sheegay Wasiirrada Macdanta iyo biyaha, wasiirka Qorshaynta iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

Wasiirka Macdanta, biyaha iyo tamarta Md. Xuseen Cabdi Ducaalle,oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa faah faahin ka bixiyay sidii ay Hargeysa uga bixi lahayd biyo yaraanta, mudadaba ragaadisay wuxuu yidhi “Waxaanu maanta halkan u fadhinaa inaanu ka hadalo mashruuc in door ah socday oo noo soo dhammaaday, Wasaaraddan Biyuhu waxay dalka u haysaa dhawr hawlood oo ay ka mid yihiin Biyaha, Macdanta iyo Tamar, baahida biyuhu aad bay u saamaysay, dalka oo dhan waxaanu ahmiyadda saarnay sanadkii u dambeeyay wuxuu ahaa sidii biyo loogu heli lahaa deegaanadda Miyiga iyo Magaalooyinkaba.

Khaas ahaan magaaladan caasimadda ah oo dadka ugu badani ku nool yihiin waxana ka muuqatay baahi badan oo biyood. Muddo badan ayaanu ku mashquulsanayn in magaaladda Hargeysa ay hesho nidaam biyood oo dhaama sidan imika ay tahay.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi . “Imika waxaanu u qabanay biyaha Hargeysa toban ceel oo carabta markii aan anigu tagay, madaxweynuhuna uu booqashada ku tagay Imaaraadka carabta waxay inoogu deeqeen 18 ceel biyood, waxaana toban ceel waxaanu ka qoday deegaanada la yidhaahdo Xumbo-weyne iyo Jaleelo, halkaasi oo ILAAHAY biyo aad iyo aad u badan inaga siiyay waxaana aanu ka helay illaa 9 kun oo mitir kuyuub ah. Magaaladda Burco laftooda waxaanu ka qodnay sideed ceel oo imaaraadku inoogu deeqeen, midna waxaanu u qoday wakaalada biyaha Berbera.”

Wasiirku wuxuu sheegay inay Midowga Yurub ansixiyeen mashaariic ku wajahan biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa, Burco, Ceerigaabo iyo Wajaalle, waxaanu yidhi “Waxaan anigu aad uga hawl galay dhibaatadda biyo yaraanta Hargeysa bishii October ee sanadkii hore waxaan aniga iyo Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa aanu tagnay magaaladda Nairobi, waxaanu halkaasi ku soo bandhignay sidii magaalada Hargeysa biyo cusub loogu samayn lahaa, waxaanu halkaasi ku shirinay deeq bixiyeyaasha aanu is nidhi way u dhego nugul yihiin arrintan.

Deeq bixiyeyaashaasi waxa ka mid ahaa midowga Yurub nasiib wanaag aad iyo aad ayay u xiiseeyeen qorshihii aanu soo bandhignay. Midowga yurub dhowr jeer ayay dalka yimaadeen oo ay ceelasha iyo wakaaladdaba yimadeen. Nasiib wanaag maalin dhawayd ayaan email-kaga furay waxa iigaga soo baxay farriin odhanaya haddii aad wasaarada macdanta iyo biyaha aad tihiin mashruucii aad sanadka iyo badhka ka dabo wareegayseen.

Waxaanu idiinku bushaaraynaa in mashruucii biyo balaadhinta Hargeysa iyo mashaariic kale oo ay ka m id yihiin Burco, Ceerigaabo iyo Wajaalle, waxaanay yidhaahdeen talaabadii ugu dambeeyay ee mashaariicdaasi lagu ansixinayay Midowga yurub way dhamaatay.”

“Waxaan ugu bushaareynayaa shacbiga ku dhaqan caasimada Hargeysa, waxaynu ku soo dhawaynay inaynu nidaam cusub oo biyo balaadhin ah aynu Hargeysa u samayn doono, lacagta midowga Yurub ansixiyay ee la aqbalay waa 30 Malyan iyo badh Dollar, lacagtaasi waxa ugu weyn mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa oo loo qoondeeyay 21 Malyan iyo 300 oo kun oo Dollar oo loogu tallo galay in lagu fuliyo wajiga koowaad.

Waxaana lagu qaban doonaa Ceelashii geedeeble oo la hagaajiyo, ceelal kale oo la qodo, kuwa xuna la hagaajyo iyo in beebkan weyn ee wakaalada biyaha dhibaataddu ka haysato la bedelo. Waxa kale oo ku jira in kaydad waaweyn la sameeyo,”

“Waxa kale oo lacagtan ku jira 2 Malyan iyo 600 oo kun oo dollar, oo loogu tallo galay wakalada biyaha Burco, waxaana ugu jira in sare loo qaado oo dhuumaha biyaha qaada la bedelo, in kaydad loo sameeyo iyo ceelal biyood loo qodo. Magaaladda Ceerigaabo qudheeda biyo balaadhinteeda waxa mashruucan ugu jira 1 malyan iyo 600 oo kun Dollar oo loogu tallo galay biyo balaadhinta. Waxa kale oo ku jira 2 Malyan oo Dollar oo loo qoondeeyay magaalada wajaale oo dhibaato aad iyo aad u weyn oo dhinaca biyaha ahi ka jiraan,”ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu.

Wasiirku wuxuu sheegay inay ku faraxsan yihiin in lacagtaasi midowga yurub aqbaleen.

“Runtii waxaan filayaa mashruucaasi marka uu fulo in Biyaha Hargeysa wax weyni iska bedeli doonaan oo biyaha imika soo galaa ay laban laab noqon doonaan. Mashruucani wuxuu Hargeysa u keenayaa illaa toban kun oo mitir kuyuub oo dheeraad ah. Marka ay mashruucan midowga Yurub iyo mashruuca imaaraadku noo wado ee xumbo-weyne iyo Jaleelo biyaha Hargeysi waxay noqon doonaan sadex laab,”ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka macdanta iyo biyuhu wuxuu sheegay in midowga Yurub ay qandaraas caalamiya mashruucan ku bixin doonaan bisha march ee sanadka fooda inagu soo haya ee 2011-ka, waxaanu tilmaamay fulinta mashruucaasi uu wakhti qaadan doono.

Md. Xuseen Cabdi Ducaale waxa kale oo uu ka waramay mashruucii ay todobaadkii hore bilaabeen ee lagu sahminayay biyaha dhulka hoostiisa ku jira ee deegaanadda dalka,

Maareeyaha wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis, oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin sida uu midho dhalay mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa oo uu ku dooday inay muddo dheer daba socdeen.

“Xumbo weyne 12 Ceel ayaa laga qoday waana la dhamaystiran oo bamamkiina waa lagu wada riday la iskuna xidhay, wajigii koowaad ee mashruucaasi wuu dhamaystirmay, wajiga labaad waa in dhuumihii biyaha soo qaadayay lagu xidho isla markaana baraagihii laga sameeyo, waxaanu jecelahay in dhawaan wefti Imaaraadka carabta ah oo dalka iman doonaa ay xadhiga ka jaraan wajiga koowaad ee mashruuca Xumboweyne, ka dibna waxa loo gudbi doonaa wajiga labaad,”ayuu yidhi Maareeyaha wakaaladda Biyuhu.

Maareeyuhu wuxuu sheegay inay mishiinadda biyo soosaarka Geedeeble ay shaqeeyaan 23 saacadood, isla markaana ay ku dedaalaan sidii Magaalada loogu qeybin lahaa biyaha, hase yeeshee wuxuu ku dooday inay magaalada Hargeysa ay fiday isla markaana ay kala badan yihiin dadka ku dhaqan iyo xadiga biyaha soo gala magaaladda.

Sidaas oo kale, Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Md. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inuu ku farxay mashruucan midowga yurub ku bixinayaan biyo balaadhinta afar magaalo oo Somaliland ah, waxaanu dhambaal hambalyo ah u diray Wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Maareeyaha wakaalada Biyaha oo uu tilmaamay inay ka midho dhalinta mashruucan juhdi badan geliyeen.

Xigasho: SLM

No comments: