.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, December 12, 2011

Somaliland: Urur Diimeed Lagu Magacaabo Xisbulaahi Oo Hargeysa Lagaga Dhawaaqay


- Urur Diimeed la magac baxay Xisbulaahi oo ay gadhwadeen ka yihiin qaybo ka mid ah Culumida Somaliland ayaa shalay lagaga dhawaaqay Caasimadda dalka ee Hargeysa. Urur Diimeedkan ayaa la sheegay in nidaamka uu ku shaqayn doonaa ay tahay Shareecadda Islaamka, kaas oo Madaxda ururkaasi ay bulshada Somaliland ugu baaqeen in Guud ahaan la laalo Distuurka dalka, isla markaana la qaato ku dhaqanka Shareecadda Islaamka.

Sidoo kalena Masuulyiinta Ururka XISBULAAHI ayaa waxa ay tilmaameen in aanay iyagu ahayn urur siyaasadeed, isla markaana ay Guud ahaanba ka soo horjeedaan Nidaamka Somaliland ku dhaqanto ee Dumuquraadiyada oo ay sheegeen inuu yahay dhaqan Gaalaad aan haboonayeyn.

Ururkani Islaamiga ah ayaa waxa munaaasibad lagaga dhawaaqayey waxa ay ka qabsoontay Hotelka Xaraf ee Caasimada Hargeysa, munaasibadaasi oo ay ka soo qayb galeen Culimo tiro badan oo urukaasi ka tirsan, iskuguna jirta rag iyo dumarba.

Gudoomiyaha ururka XISBULAAHI Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle oo munaasibadaaasi ka hadlay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixyey ujeedooyinka Ururkaas Islaamiga ah, isaga oo arintaas ka hadlayana, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Ururkani XISBULAAH wa urur Diimeed, waxaana aanu si cad ugu baaqaynaa in Ummadda lagu dhaqmo Shareecada Islaamka, Dastuurkeenuna waa Samaawi ILAHAY-baa inoo soo dajiyey, Qofka Muslinka ahi inuu sharci iyo dastuur kale qaato uma banaana hadii qaatana wuu ku gaaloobayaa”.

Guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Waxa laga yaabaa in lays weydiinayo maxaa ururkani kaga duwan yahay Urur siyaasadeedyada kale, waxaan leehay adeer wax siyaasad la yidhaaba ma jirto, cidii taa ka murmaysaana adeer fagaarayaaasha saxaafada aynu iskugu nimaadno oo ka doodno, oo ummada ha taabsiino oo ha yidhaahda waa taas siyaasadi, Diinta Maxamadiya Meel ay siyaasadi kaga jirto Qur’aan iyo xadiis midna ma jirto, waana dahaadh ay Munaafiqiin iyo gaalo ay dulmiga ku dahaadhaan”.

Sido kale Gudoomiyaha Urur Diimeedka XISBULAAHI waxa uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ugu baaqay inuu Dastuurka laalo, isla marknaana uu ku dhaqaaqo inuu dalka ku dhaqo xukunka shareecada Silaanka.

Dhinaca kale waxa iyaguna Madasha ka hadlay Culimo badan oo dhamaantood ka wada hadlay faa’idada in la isku xukumo Kitaabka Alle (SWT).

Si kastaba ha ahaatee ururkan Xisbulaahi ayaa markii uu dhamaaday shirkii caadiga ahaa waxa goobtii xafladda furitaanka shir kale ku galay dumar badan oo iyaguna ka hadlayey ujeedada furitaanka ururkaas, kuwaas oo isla falanqeeyey faa’idada ay shareecada Islaamku u leedahay ummada Somaliland.

Xigasho: Haatuf

No comments: