.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, December 13, 2011

Somaliya: Shariif Xasan Sheekh Aadan Oo Xilkii Laga Qaaday *Dhegta maal/Akhri*


Xarunta Gollaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay yeesheen 283 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka KMG ee Soomaaliya. Xidhibaannadan ayaa ka dooday mooshin ay wadeen qaar ka tirsan xubnaha baarlamaanka oo ka dhan ahaa guddoomiyaha baarlamaanka. Dood dheer kaddib 280 xildhibaan ayaa u coddeeyay in xilka laga qaado guddoomiyaha baarlamaanka KMG ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Adan. Laba xildhibaan ayaa ka aamusan coddeyntaasi halka hal xildhibaanna uu diiday. Xildhibaannadan ayaa isla kulankan waxay shir guddoon ugu doorteen Xildhibaan Madoobe Nuunow oo isna ka tirsan baarlamaanka.

Go'aankan ay qaateen xildhibaannadan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Shariif Xasan uu ka maqan yahay dalka lamana oga jawaabta uu ka bixin doono arrintan. Tallaabadan ayaan la ogeyn inay waafaqsan tahay Axdiga KMG ee Soomaaliya iyo in kale.

Guji halkan hoose/sare:
http://media.voanews.com/audio/Warbixinta+Xilka+Qaadista+Guddoomiyaha.mp3

No comments: