.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, January 16, 2012

Ciidamada Qaranka Somaliland Oo KAMBALKA Buuhoodle La Dejiyay.


''Waxa uu caddeeyey in aanay haatan ciidammada qaranku ku jirin gudaha Buuhoodle, balse fadhiisimo ka samaysteen saddex waddo oo laga galo magaaladaaas''.

- Ciidammada qaranka Somaliland, ayaa hiirtii waaberi ee shalay si buuxda ula wareegay gacan-ku-haynta magaalada Buuhoodle, kadib markii duleedka magaaladaas dagaal ku dhexmaray maleeshiyo ka soo jeeda degaankaas oo aan maamulka dawladdu gaadhin tan iyo intii lagu dhawaaqay madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland ee galay Buuhoodle oo khadka telefoonka ugu warramay weriyaha Jamhuuriya ee Gobollada Bari Mr. Keyse Axmed Digaale, ayaa sheegay in subaxnimadii shalay ciidmmada qaranku gacanta ku dhigeen Buuhoodle, “Kadib markii aannu awood ku jiidhnay difaacii malleeshiyo dagaal nagala horyimi. Khasaaraha ciidanka ka soo gaadhay dagaalkaasi waa waa hal askari oo dhimasho ah iyo afar dhaawac ah,” ayuu yidhi sarkaalkaas oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

Waxa kaloo sarkaalkaasi uu caddeeyey in aanay haatan ciidammada qaranku ku jirin gudaha Buuhoodle, balse fadhiisimo ka samaysteen saddex waddo ee laga galo magaaladaaas.

Dhinaca kale, qaar mid ah dadweynaha reer Buuhoodle oo weriyuhu la xidhiidhay ayaa xaqiijiyey dhimashada afar ka mid ah malleeshiyada degaankaas ee dagaalku dhexmaray ciidanka qaranka Somaliland iyo 9 dhaawac ah, iyagoo xusay in qaar dhaawacyadoodu cuslaayeen loo qaaday dhinaca magaalada Gaalkacayo ee badhtamaha dalka Soomaaliya.

Geesta kale, Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka Somaliland Gen. Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif), ayaa tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey hawlgalka ciidammadiisu ku qabsadeen magaalada Buuhoodle iyo xaaladda degaannada dagaalladu ka dhaceen shalay.

Gen. Jidhif oo isagoo ku sugan jiidda hore khadka telefoonka ugu warramay xalay idaacadda Radio Hargeysa, waxa uu yidhi; “13-kii bishan ayaa madaafiic lagu soo bilaabay ciidammada Qaranka ee jiida Buuhoodle, arrinkaasi wuu sii socday ilaa 14kii bisha, kadib markaa dulqaadii wuu dhammaaday, aniga oo kormeer aan ciidamada ku samaynayey markaa halkaa ku joogay waxaan ciidammada amar ku siiyey in ay soo eegaan waxa madaafiicda nagu soo garaacaya, sidaas ayaanu Buuhoodle ku tagnay.

Maan moodayn runtii in Somaliland ay joogto Al-shabaab, iyaga kooxda fidmo-walayaashu inay ciidammo ay soo direen waa la ii sheegay intii aan jiida marayey, waanan ogaa, laakiin Al-shabaab baa iga maqnayd inay Somaliland joogaan. Buuhoodle waa Somaliland shacabigeeduna waa Somaliland annagu wax dhibaato ah umaanu gaysan ee magaalada ayaanu caadi u galnay.

Markaa niman Al-shabaab ahi way nala dagaalameen, fidmo-wadayaal ninka Cali Khaliif Galaydh la yidhaa uu soo dirayna way nala dagaalameen, annagu dadka waxba maanu yeelin oo waa dadkayagii, magaaladu iminka waa caadi, baayac-mushtaragii iyo isu-socodkiiba waa caadi, ciidankaygu wuxuu degan yahay xeryihii uu Maxamed Siyaad Barre berrigii hore halkaa ka sameeyey, wax dhibaato ah oo annaga iyo shacabka reer Buuhoodle na dhexyaalaana ma jiraan, aniguna iminka (xalay) Buuhoodle ayaan ku suganahay.”

Taliye Jidhif oo la waydiiyey khasaaraha dagaalku sababay, waxa uu ku jawaabay, “Maleeshiyaadka Shabaab iyo shirka Taleex ka socda annaga oo shacabka khasaare ka ilaalinayna waxaannu isku daynay in ay noo soo baxaan oo ay xagayaga u soo kacaan, waanay noo soo baxeen iminka firdhadkoodii Buuhoodle wuu dhaafay oo waxay kala tageen meesha la yidhaa Dherkiin-geeye iyo Xamar-lagu-xidh, wax dadku doonayo may ahayn, sidaad la socotaana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland gogol-nabadeed ayuu fidiyey, sidaa darteed annagu in gogoshaasi burburto maanu doonayn, laakiin waxaannu hubinaynay cadowga Buuhoodle ku dhex jira ee ummaddayada ku dhexjira ee khasbaya oo ay ka mid yihiin nimanka Taleex ku shiraya ee dadka beenta u sheegaya.

Saddex Taangi (kaare) waanu gubnay, tikniko kalena waanu qabanay, annagana khasaaruhu been ma sheegayee lix askari ayaa nagaga dhaawacmay rasaas daaqo nagalaga soo riday markii aannu magaalada dhexmaraynay.”

Ugu dambayn Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland waxa uu farriin u diray shacabka Gobolka Sool, iyo degmada Buuhoodle, “Waxaan dadka u sheegay in aanay qaranimada Somaliland gorgortan gelayn, waxaannu u sheegaynaa in xadka Somaliland yahay kii caalamiga ahaa ee maxmiyadii Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey, waxaan u sheegayaa in aannaan dadka cadow ku ahayn ee aynu nabad ku wada noolaano oodi-ab ka dhawe, waxaan u sheegayaa in nimankan ka yimi Yurub iyo Maraykan ee carruurtoodii jaamacadaha ku jirto in aanay dadka lu’goyn ee ay dugsiyo u dhisaan oo ay wax u qabtaan, laakiin in ay yidhaahdaan ha la xorreeyo gobollada caynkaas ah annagu dhibaato weyn baanu u aragnaa.

Fariinta aan dadka reer Sool u sheegi lahaa waxa weeye inay ku soo dhawaadaan gogoshii nabada ee Madaxweynuhu u fidiyey ee haddii ay waxtirsanayaan ka sheegi lahaayeen, laakiin in dab la geliyo oo boorsooyin lagu qaato meelahaa lagaga faano anigu kula talinmaayo. Annaguna waxaannu nahay ciidankii Qaranka waxaannuna u taaganahay in aanay gorgortan geli karin xuduudka Somaliland,” ayuu ku soo gunnaanaday hadalkiisa Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif).

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Md. Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) oo isaguna u warramay shalay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da, ayaa sheegay in ciidammada Somaliland gacanta ku dhigeen magaalada Buuhoodle

Wasiir Xaabsade waxa uu iftiimiyey in ciidammada Somaliland in ay baacsadeen kooxahii malleeshiyaadka hubaysan ahayd ee hore ugu sugnaa magaalada Buuhoodle, isagoo sheegay in ay firxadkii ku baxsadeen laba baabuur oo tikniko ah, waxaannu tilmaamay in aanay ciidammada qaranku gudaha u galin suuqa oo ay ilaalinayaan amniga shacabka degaankaas ku dhaqan.

“Xalayto [habeen hore] ayey malleeshiyada Buuhoodle joogay soo weerareen ciidammada qaranka ee ku sugnaa jiidda Qori-lugud. Ka bacdi saaka [shalay subax] ayey ciidammada qaranku ku waabariisteen Buuhoodle, waanay qabsadeen, isla markaana kooxdii joogtayna way ka baxsadeen. Xukuumad ahaan way naga go’an tahay sugidda xuduudaha dalka, mana oggolaan doono in cid taako ka mid ah xuduudaha dalkayaga ku soo xadgudubta,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Wararkii ugu dambeeyey ee Jamhuuriya xalay saqdii dhexe ka helay degmada Buuhoodla, ayaa sheegaya inay hadda deggan tahay xaaladda magaaladaas oo labadii maalmood ee la soo dhaafay laga dareemayey saansaan colaadeed, isla markaana dad badan ka qaxeen, balse ay joogsadeen gebi ahaanba dhaqdhaaqyadii ganacsi ee ka socday gudaha Buuhoodle.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: