.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, January 15, 2012

Ciidanka Somaliland Oo Qabsaday BUUHOODLE.


- Ciidanka qaranka  Jamhuuriyada Diimuqraadiga ah ee Somaliland ayaa saaka aroortii hore ku waabariistay oo ku ruqaansaday dabdeedna qabsaday, gabi ahaanba Magaalada Buuhoodle, halkaasi oo la sheegay inuu ka dhacay dagaal culus oo aan illaa imika la xaqiijin khasaaraha ka dhashay, waxa intaa warku ku darayaa in uu ku dhacay maleeshiyaadkii halkaa joogi jiray jab iyo jahowareer. Siday sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Buuhoodle waxa gudaha u galay magaalada Buuhoodle Ciidan beeleed dhawaan la qarameeyay oo uu Hoggaaminayay Sarkaal hore uga tirsanaa maleeshiyadii burburtay ee SSC oo la yidhaahdo Curi iyo Ciidanka qaranka oo is garabsanaya.

Waxa warku intaasi ku daray in dhawaaqa rasaastu uu hadheeyay magaalada waxaana dayaanka hubka iyo rasaasta laga maqlayay kaantaroolka laga galo magaalad Buuhoodle. Inta la ogyahay waxa ay magaaladan Buuhoodle meelaha ay ku dhuumaalaystaan kooxaha sama-diidka ah ee aan jeclayn wada-jirka iyo nabada dhul waynaha Somaliland ee isku magacaaba SSC.

Waxa xil qaran oo aan gorgortan lahayni ka saaran xukuumada Somaliland inay ka hor tagto wax kasta oo lidi ku ah jiritaanka qaranka, wax kasta oo isku dhac ka qarxa  bulshada reer Somaliland abuuri karaya, wax kasta oo curyaaminaya horumarka dhan kastaba leh ee ka hano qaaday dalka iyo wax kasta oo doc-wareen ku ah ahaanshaha iyo lahaanshaha dad waynaynaha reer Somaliland.

- Waayeelnews.

No comments: