.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, January 17, 2012

Dagaal Dib Uga soo Cusboonaaday BUUHOODLE


- Warar ka imanaya magaalada Buuhoodle (Somaliland) ayaa sheegaya in dagaal uu saaka dib uga qarxay duleedka Buuhoodle, dagaalkan oo bilaabmay ka dib markii maleeshiyada nabad-diid-ka ahi soo tuurtuureen ciidamada qaranka Somaliland oo kambalka (kadimada) magaalada Buuhoodle la dejiyay. Laba cisho uun ka hor bay ahayd markii ay sidan maanta oo kale maleeshiyadaasi xabado ku soo rideen ciidanka qaranka oo fadhiya xeryahiisa jiida ku xeeran Buuhoodle, dabadeedna ciidanka qaranku u jawaabay ee ay firxadkii dhex galeen magaalada gudaheeda. Halkaas oo uu ciidanka qaranku la wareegay in mudo ah magaalada Buuhoodle. Hase yeeshee ka dib dawlada Somaliland ay go' aansatay in Ciidamada magaalada laga raro oo Kambalkeeda fadhiisimo cusub looga sameeyo.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in hubka jaadadkiisa kala duwan ay is dhaafsadeen ciidanka qaranka Somaliland iyo maleeshiyada samo-diidka ahi. Ciidanka Somaliland oo u TUDHAYA dadkooda ayaa isku dayaya inaan wax khasaare ahi soo gaadhin bulshada ku dhaqan Buuhoodle oo ay maleeshiyadani Gabaad ka dhiganayso. Ma sheegin warku wax khasaare ah oo la ogyhayay.

No comments: