Dood ay qabatay idaacada Somali-Voa oo ku saabsan shir beeleedka hada ka socda tuulada magaceeda la yidhaa Taleex ee gobolka Sool ee Somaliland, oo la dhex dhigay dad kale duwan oo kala ah, Xildhibaan ka socda Qaranka Somaliland, nin sheegay inuu u hadlayo maamul beeleedka Puntland iyo nin la yidhi waxa uu ka mid yahay dadka shirka wax ka qabanqaabiyay, oo shalay (Jimce) idaacada ka baxay ayaa waxa si caaqiibo leh madashaa (doodaa) wacdaro uga dhigay mudanaha ka socda Somaliland.
Waxa hadaladiisii ka mid ah '' dhulka Somaliland taariikh iyo Sooyaal ayuu leeyahay cad oon la bedeli karin, qaranka Somaliland-na ogolaan maayo in dad fidmo-abuur ahi ay dadka ku wada nool magaalada Ceerigaabo kala dhex dhigaan xuduud sida Gaalkacayo. 'Gacana Nabad ayaan ku haynaa midna Colaad''
*Dhegta-maal*
No comments:
Post a Comment