.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, January 18, 2012

Hawlgallada Ciidanka Qaranka ee Sugidda Xuduudaha Dalka Oo Soo Afjaray Shirkii Taleex iyo Kooxda Cali Khaliif oo Meel ay ka Baxaan Raadinaya


- Hawlgallada Ciidanka Qaranka Somaliland ku sugayaan xuduudaha dalka, gaar ahaan degaannada xadka Soomaaliya ee Gobolka Sool iyo Buuhoodle, ayaa sababay in si degdeg ah loo soo ajaro shirka ujeeddadiisii la majara-habaabiyey ee qaybo ka mid ah beelaha Dhulbahante uga socday magaalada Taleex, kadib markii kooxaha siyaasiyiinta ah iyo qurba-joogga ah ee ka soo horjeeda madaxbannaanida Somaliland kaga dhawaaqeen shalay magaca maamul-goboleed dhalanteed ah oo ay doonayaan inay caalamka kaga qadhaabtaan.

Ciidanka Qaranka Somaliland oo hawlgalkooda sugidda xuduudaha Axaddii kula wareegay gacan-ku-haynta magaalada Buuhoodle oo ahayd dhufayska ugu muhiimsan ee laga darawaliyo shirqoollada ka dhanka ah madaxbannaanida iyo qarannimada Somaliland, sidoo kalena ka socda degaannada Gobolka Sool ee ku teedsan xuduudka Somaliland la wadaagto dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa la xaqiijiyey in ay welwel iyo walaac weyn ku abuureen siyaasiyiinta iyo qurba-joogga dabada ka riixaya maamul-goboleed aan midho-dhalka ahayn oo kooxda Cali Khaliif Gallaydh kaga dhawaaqeen Taleex, iyagoo cabsi ay ka qabaan dhaqdhaqaaqa ciidammada qaranka darteed si degdeg ah u soo gebagebeeyey shirkaas ay majarihiisii afduubeen.

Isla markaana ku dhawaaqay maamul-goboleed u bixiyeen Khaatumo State of Somalia, sidaa awgeedna kooxaha Cali Khaliif gadhwadeenka ka yahay ee dibaha ka yimi damceen inay si dhuumasho ah meelo kala duwan ugaga baxaan dalka Somaliland ee ay fidnada la yimaaddeen, kuwaas oo qaarkood dirqi kaga badbaadeen shalay inay gacanta ku dhigaan ciidammada Somaliland ee heeganka culus ugu jira difaaca dalkooda.

Laba xubnood oo ka mid ah siyaasiyiinta iyo qurba-joogga hagayey shirka Taleex oo magacyadooda la kala yidhaahdo Jaamac Abshir (Juxa) iyo Cali Xaaji Cige, ayaa dirqi kaga badbaaday ciidammada Somaliland ee ku sugan degmada Yagoori ee Gobolka Sool, kadib markii uu fashilmay qorshe ay ku doonayeen inay si dhuumasho ah ugaga dhoofaan madaarka magaalada Berbera oo hore ciidammada ammaanku ugu qabten mid ka mid ah kooxda Cali Khaliif Galaydh oo hadda ku xidhan Berbera.

Haseyeeshee, labadaa nin oo helay xogo ku saabsan in ciidanka qaranka ee ku sugan Yagoori ka warhelay socdaalkooda dhuumashada ah, sidaa daraadeedna dib gaadhi ugu baxsadeen dhinaca magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland oo sida la sheegay ay iyadana qarsoodi ku galeen.

Dareennada baqdinta leh ee soo wajahay kooxda Somaliland diidka ah ee Cali Khaliif Galaydh ayaa sida ilo xogogaal ahi Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxa ay ka dhalatay kadib markii ciidammada hawlgallada ciidammada Qaranku gaadheen jidadka iyo daafaha magaalada Taleex ee uu ka socday shirka Taleex ee ku dhammaaday ku dhawaaqista magaca maamul-goboleed dhalanteed ah oo meesha ka saaray rajadii laga qabay go’aamo dhaxalgal ah oo beesha Dhulbahante ka gaadho danaheeda arrimaha horumarka iyo wax la qaybsiga qaranka Somaliland ee ay ka tirsan yihiin.

Sidoo kale, ilaa hadda si cad looma oga siyaasiga Cali Khaliif Gallaydh ee shukaanta u hayey shirkaas iyo xubnaha siyaasiyiinta iyo qurba-joogga ah ee ku wehelinayey fikirkiisa in ay weli ku sugan yihiin madasha shirka Taleex ee dhammaaday iyo inay dhuumasho meel kale ugu jihaysteen, maadaama aanay si fudud u dhexmari karin dhulka Somaliland iyo weliba maamul-goboleedka Putland oo iyaguna ugaadhsanaya cid kasta oo ka qaybgashay shirkaas.

Dhinaca kale, kooxda Cali Khaliif Gallaydh ee cabsida darteed u soo afjaray shirkii Taleex ayaa ku dhawaaqa natiijada ajandahooda ay shalay ku dhawaaqeen waxa ay ku sheegeen magaca maamul-goboleedka dhalanteedka ah ee ay wataan oo ay xuseen inuu yeelan doono saddex madaxweyne oo marba si meerto ah xilka u hayn doono iyo dhismaha golayaal xukuumad ka kooban 6 wasaaradood iyo baarlaman aanay caddayn tiradiisa, balse cabsida ay ka qabeen dhaqdhaqaaqyada ciidanka qaranka Somaliland uma suurtogelin inay madasha shirka kaga dhawaaqaan magacyada cidda loo qoondeeyey inay dibaha kaga shaqaysato magaca maamul-goboleedka aan salka lahayn ee qorshihiisa qurbaha laga soo waariday.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: