.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, January 10, 2012

Madaxweyne Siilaanyo Oo Tv-ga Dalka Turkiga U Sheegay Inaanu Jirin Wax Laga Dhex-dhexaadiya Somaliland iyo Soomaaliya..


- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa u sheegay telefishinka dalka Turkiga oo  todobaadkii hore waraysi la yeeshay, inaanu jirin khilaaf taagan oo ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo u baahan in la dhex-gaalaa ama la dhex-dhexaadiyaa, hase yeeshee ayuu yidhi, rafaadka abaaraha iyo Colaadahuba ay ku kooban yihiin dalka Soomaaliya. Isaga oo soo koobaya hadalkana waxa uu madaxwaynuhu yidhi; '' Ma jiro colaad hada ka dhex-aloosan labadan dal ee Somaliland iyo Soomaaliya, dhibtan hada caalamku maqlayaa ama arkayaana waxa ay u gaar tahay dalka Somaliya''.

Dadka  ku dhaqan dalka Somaliland  waxay go, aan ku gaadheen inay dalkooda iyo dawladoodaba dhistaan 1991-kii , waxaanay hiigsanayaan inay beesha caalamka ka mid noqdaan. Iyada oo sidaasi ah hadana, anagu reer Somaliland ahaan waxaanu taageersanahay dedaalada caalamiga ah ee lagu doonayo in xasilooni lagu soo celiyo Soomaaliya, isla markaana waanu soo dhaweynaynaa haddii ay dawlada Turkigu ka qayb qaadanayso soo dabaalista nabada ee gayigaasi(Soomaaliya) .” Ayuu Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ka hadlay qaddiyada ictiraaf raadinta Somaliland oo uu ku tilmaamay arin leh laba dhinac, kaasoo uu sheegay mid ka mid ah dhinacyadana in ay dalka iyo dadkuba haystaan, sida inay iyagu u madax-banaan yihiin jiritaankooda oo aanay cidna u daba-fadhiisnayn, qabsanayaana hawlahooda iyaga oo u xor ah. 

Dhinaca  kalena waa mid ku xidhan aduunwaynaha oo waxa uu madaxwaynuhu yidhi waxa aan ka rajaynayaan beesha caalamka iyo wadamada jaarka la ah Somaliland-ba inay dhawaan garawsadaan danta ugu jirta iyaga iyo Somaliland-ba inay aqoonsi Siyaasadeed siiyaan dalka Somaliland.

Gabogabdii barnaamijka, waxa uu mudane madaxweyne Axmed Siilaanyo amaan balaadhan u jeediyay dalka Turkiga iyo Dadkiisa oo ku hanbalyeeyay sida hagar la'aanta ah ee ugu gurmadeen Soomaaliya.

-Waayeelnews.

No comments: