.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, January 7, 2012

Xaaji Cabdi Waraabe Oo Kooxaha Dhulbahante Ee Ku Shiraya Taleex Uga Digay Inay Ku Kacaan Wax Kasoo Horjeeda Gooni Isku Taaga S/land


''Laascaanood iyo Burco ma kala go’i karaan, dawladnimo ka gaar ah Somaliland ma jirayso''

- Xaaji C/kariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn xubnaha labada gole ee Baarlamaanka Somaliland ayaa uga digay shirka beelaha Dhulbahante ee kooxaha Somaliland diidka ahi ay ka abaabulayaan degmada Taleex ee gobolka Sool inay ku talaabsadaan falal ku lid ah qaranimada Somaliland, isla markaana siyaasiga Cali Khaliif Galaydh ee mabda’a Somaliweyn u ololaynayana ku eedeeyay inuu talo qaladan u horseedayo shacbiga deegaankaasi.

Xaaji Cabdi Waraabe ayaa sidoo kale cadeeyay in dhulka Somaliland aanu u guuri doonin dalal kale, balse Galaydh iyo shakhsiyaadka la socdaa meesha ay doonaan tagi karaan. Waxaanu intaasi ku daray in Madaxdhaqameedyada Sool iyo Buuhoodle ay ka mid ahaayeen ragii doorka wayn ku lahaa go’aankii gooni isku taaga Madaxbanaanida Somaliland lagu gudoonsaday shirweynihii Burco ee 18-kii May 1991-kii.

Xaaji Cabdi waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay Haatuf ugu waramay xarunta golahooda, ayaa sidoo kale garabyada xisbiga Udub ee khilaafku ka dhex aloosan yahay ugu baaqay inay joojiyaan khilaafka ka dhex oogan, wada hadalna ku dhameeyaan.

Ugu horayn isaga oo ka hadlaya shirka Taleex waxa uu yidhi “Shirkaasi waxaan leeyahay goor la buuqo ma joogtaan qoxooti iyo colaad dagaal waayo arag baad u tihiin, waxaan idiinka digayaa in shaydaan durbaan idiin tumo, Somaliland idinkaa dhisay wixii tabasho ahaa ee aad qabteen miiska soo dhiga, waxa uu yidhi Qalinlle Xirsi dad waxa u liita Caaqil Mucaarida, Laascaanood iyo Burco ma kala go’i karaan, dawladnimo ka gaar ah Somaliland ma jirayso.

Garaad Abshir Saalaxna waxa uu ka mid ahaa xubnihii Baarlamaanka Somaliland ku jiray, waxaan leeyahay Cali Khaliif Galaydh taladu maanta way kaa qaloocan tahay dhulku ma guuree dadkuse way guuraan, sidaa darteed Galaydhow Somaliland madaxtinimadeeda ka qaybgal oo ka daa ummada fawdada iyo jahawareerka”.

Xaaji Cabdi Waraabe oo aanu waydiinay sida uu u arko khilaafka cakiran ee xisbiga Udub ka dhex dilaacay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay qolada xisbiga Udub waxaydin isku haysaan waa wax fudud, Ucid-baa khilaaf iyo muran ku shiiqday idinkuna hays baabiinina ee isku tanaasula idinkoo xisbul xaakimkii dawladnimo soo hayay ahaa waa idinku ceeb in maanta khilaaf iyo iska horimaad aad abuurtaan, waxaan idin kula talinayaa inaydun ka fogaataan khilaaf iyo burbur oo aydin wada hadashaan, axsaabta siyaasaduna waa inay khilaafaadka ka fogaadaan”.

Xigasho: Haatuf

No comments: