.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, March 9, 2012

UN: $140 Million Ayaa S/Land La Galiyey, Waxaan Shaqaalaysiinay 450 Shaqaale Ah Oo 90% Ay Yihiin Muwaadiniin


- Shir ay Qaramada Midoobay soo qabanqaabisay oo ay ku soo bandhigeen waxqabadka 19-ka hay’addood ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa uga hawlgala Somaliland, isla markaana lagaga wada hadlay xidhiidhka wada shaqayneed ee UN-ka iyo Warbaahinta dalka ayaa shalay lagu qabtay Hutel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, kaas oo ay ka soo qaybgaleen Xidhiidhiyaha Arrimaha Bini aadamnimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr Mark Powden, Masuuliyiinta ugu saraysa ee Hay’adda Qaramada Midoobay ee dalka ka hawlgala, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo qaybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka.

Kulankaas ayaa dhinacyadii ka qaybgalayey dhamaantood ay isla garteen in Mihiimadda Xidhiidh joogta ah oo ay wada yeeshaan Saxaafadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay, isla markaana lagu soo bandhigay baahiyaha Warbaahinta dalka ee ay ka caawinkarto Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaa. U qaybsamaha Arrimaha Binu-aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somalia Mr Mark Powden ayaa isagu sharaaxaad ka bixiyey arimaha ay dalka u joogaan iyo doorka ay ka qaataan Homarka Somaliland, kaas oo sheegay inay UN-ku ay Waxqabad Laxaadle oo la taaban karo dalka ka sameeyaan mudadii ay jirtay Somaliland.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo Shirkaas ka hadlay ayaa hay’adaha Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa uga mahad celiyey Taageerada dhinacyada badan leh ee ay ka fuliyaan, waxaanu ka codsaday inay gacan wayn ka gaystaan kobcinta aqoonta iyo horumarinta Saxaafadda Somaliland.

Ugu horayna Mark Powden oo ka hadlaya shirkaas, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “kulankani waxa uu fursad u yahay inaynu kaga wada hadalno doorkeena dimuqraadiyadaynta iyo caqabadaha laftoodaba oo aynu si wada jir ah uga shaqayn lahayn, marka koowaad aan ku bilaabo doorka hay’adaha halkan Somaliland jooga iyo doorkooda, kuwaas oo qayb laxaadle ka qaata horumarinta Somaliland, ururo qaramada midoobay ka tirsan ayaa ilaa 1960-kii joogay Somaliland, waxaanay soo mareen wakhtiyo adag kaba soo bilow 1980-nadii, waxyaabihii soo wajahay ama dadkii”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata Mr. Mark Powden, waxa uu ydhi ”Aniga laftigaygu waan joogay aniga oo aan u shaqaynayn Qaramadda Midoobay waanan arkay dhibaatooyinkii iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland, waxa aad shaashada ku aragtaan 19 urur oo ka tirsan Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa oo ka qaybqaata horumarka Somaliland.

 Hadii aynu dib ugu yar noqono 1980-kii anigu waxa aan arkay horumarka Somaliland ku soo talaabsatay marka laga soo bilaabo 80-aadkii, aniga iyo asxaabtayda taasi waxay u noqatay dhiirigalin dheeraad ah markaanu aragno horumarka ka hirgalay halkan, waxaananu halkan u joognaa si aanu dawladda uga caawino si ay dadka ugu adeegto si wanaagsan, sidii ay horumarin Somaliland u gaadhi lahayd iyo si aanu u caawino dadka laga tirada badan yahay si ay noqdaan bulsho ka mid ah dadkan”.

Xidhiidhiyaha Arrimaha Bini aadamnimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr Mark Powden mar uu ka hadlayey doorka UN-ka ee shaqaalaysiinta Muwaadiniinta dalka, waxa uu yidhi “Tiro ahaan Qaramada Midoobay waxa ay shaqaalaysiiyaan 450 shaqaale oo 90% waa muwaadiniin reer Somaliland ah, waxaanay Qaramada Midoobay ka hawlgashaa lixda gobol ee ay Somaliland ka kooban tahay, imikana waxaanu eegaynaa sidii aanu xafiisyo kale uga furan lahayn meelo kale oo ka mid ah Somaliland, shalayna waxaan joogay Burco oo aan ka soo furay xafiiskayagii ugu horeeyey ee aanu ku yeelano Magaaladda Burco.

Qorshayahayga iyo ujeedadayaduna waa sidii aanu u samayn lahayn Kabasho dagdag ah iyo horumarin dhinacyada dhaqaalaha iyo Nabadgalyadaba, waxaanu heshiis la galnay inaanu xukuumadda Somaliland ka caawino dhinacyada dhaqaalaha, isla markaana waxa aanu ka soo ururinayo maaha wax aanu kalidayo ka soo ururinayno hay’adaha u shaqeeya UN-ta laakiin waa qaar toos uga imanaya Qaramadda Midoobay”.

Mar uu ka hadlayey dhaqaalaha ay Somaliland galiyaan, waxa uu yidhi “Hadaynu eegno sanadkii ugu danbeeyey 140 Malyan oo Doolar ayaa Somaliland la galiyey, waxaanan rajaynayaa inay sanadkan soo socda ka sii badan doonto Caawimada aanu Somaliland siinaa, imikana waxaanu eeganaynaa waxyaabaha aanu ka caawino Somaliland. Waxa kale oo ay UN-ku Somaliland kala shaqeeyaan oo ay ka taageeraan meelo badan oo ay ka mid yihiin Xoolaha, Beeraha, Caafimaadka, Biyaha, Nabadgalyada iyo Waxbarashada.

Waxa kale oo jira dad badan oo reer Somaliland ah oo aanu ka caawino dhinaca Waxbarashada si aanu dadka Aqoonta leh kor ugu qaadno, waxa kale oo aanu qayblaxaadle ka qaadanaa Tababarada Ciidanka Bilayska. Qaramada Midoobay waxa ay door wayn ku leeyahay fulinta hawlaha dawladda iyo NGO-yada iyo ururada bulshadda, waxaananu la shaqaynaa qaybaha kala duwan ee hay’adaha dawladdu ka kooban tahay”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Shalay waxa aan soo eegay Barnaamij ku saabsan dhalinyarada khatarta ugu jira inay dhibaato ku dhacdo ee Magaaladda Burco, waxaanan la kulmay Maayarka Magaaladaas, taasina waxay Tusaale fiican u noqonaysaa sida ay u wada shaqaynaysaa hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Maayarada Magaalooyinka Somaliland. Waxaanu Somaliland ugu talo galnay 5 sano ee soo socda Waxqabadkii ay Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaa ay u qaban lahayd, waxaananu u qorshaynay qorshaha horumarinta Somaliland ee shant sano ee soo socda.

Taasina waxa ay suurta galinaysaa in horumar la taaban karo la gaadho anaga oo kaashanayna Dawladda Somaliland iyo NGO’s-ka, waxaana mihiim ah inaanu ka qaybqaadano qorshaha aanu ugu talo galnay Nabadaynta Somalia oo aananu doonayno inaanu gaadhno, waxaana mihiima inaan idin xasuusiyo inay Somaliland horumar wayn ka samaysay ujeedooyinka horumarineed saddex meelood oo mihiim ahna waanu ugu talo galnay oo ay ka mid yihiin Adeegyada Bulshada iyo Xadaynta dadka”.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo madashaa ka hadlay, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Xidhiidhiyaha arrimaha Bini aadamnimo ee Qaramada Midoobay Mr Mark Powden waxa uu halkan ka jeediyey Warbixin ka hadlaysa doorka ay Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaa ka qaadato Horumarka Somaliland ka hirgalay, waxaan halkan ka cadaynayaa in Dawladda Somaliland ay aad ugu mahad naqayso gacan qabashada iyo dhiirigalinta ay shacbigani ka heleen Qaramada Midoobay.

Horumarka dalkan ka jiraa waxa uu cadaynayaa heerka uu leeg yahay horumarka xukuumadda iyo shacbiga Somaliland ay ku talaabsadeen ee ay ka midka yihiin in Waxbarashada Aas-aasiga ah laga dhigo mid Free ah oo bilaa lacag lagu dhigto, waxa kale oo yaraaday dhimashada Caruurta da’doodu ka yar tahay shanta sano ee caafimaad la’aanta u dhimata oo imika sanadkii marayso 50 caruur ah, halka ay wakhtiyadii hore ka ahaan jirtay 152. waxa kale oo meel fiican maraysa oo hoos u dhacay inkasta oo wali heerkii aanu rabnay aanay gaadhin hooyooyinka umusha ku geeriyooda.

Waxa kale oo kordhay xirfada shaqaalaha Somaliland iyo Ciidamada Nabadgalyada, arimahaas oo dhan Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa iyo laamaheeda kala duwani waxa ay ka ciyaareen door aad u mihiim ah”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya sida uu noqon doono xidhiidhka Qaramadda Midoobay iyo Warbaahinta dhexmara Mustaqbalka, waxa uu yidhi “Markaan u soo noqdo nuxurka shirkeenan oo ah Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa iyo doorka Warbaahinta Somaliland waxaan jeclahay inaan waxyar ka yidhaahdo, saxaafadda Somaliland waxa ka muuqatay intii Somaliland jirtayba horumar xawaare sare ku socda oo soo kordhaya.

Markaad eegto xirfada ay adeegsadaan iyo sida ay uga turjumaan hawlaha qaranka ee halkan ka socda, sida laga warqabo Somaliland waa dal nabad ah oo xasiloon laakiin ku yaala Mandaqada ay ka jiraan arimo badan oo nabadgalyada khatar ku ah, markaa waajibka ugu wayn ee warbaahinta Somaliland horyaalaa waa sidii ay ka hortaga khatartaas door wayn uga qaadan lahaayeen, maxaa yeelay waxa ku jira arimahaas horumarka iyo sare u kaca warbaahinta Somaliland, Waxaanan jecelahay inay hawlaha warbaahinteena ay ka muuqdaa arimaha haga waajibaadka iyo xuquuqda saxaafadda.

Waxaanu noqonayaa waajibka saarani in wararkoodu ay noqdaan kuwo dhab ah oo xaqiiqda ku salaysan oo cadayn hadii loo baahdana ay u heli karaan. Waana qoraalada ay warbaahintu baahinaysaa ay noqdaan kuwo kobcinaya garaadka dadka la socda wararkooda, waana inay noqdaan wararka ay qorayaan kuwo dhex ah oo labada dhinac ee wax laga qorayaba xuquuqdooda siinaya”.

Dr. Maxamed C/laahi Cumar isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Waxaan ku kalsoonahay in saxaafadda Somaliland ay isticmaasho Shuruucda iyo Mabaadiida aas aaska u ah Warbaahinta, isla markaana ay ka shaqayeen arintaas ururada ay saxaafadu leeyihiin. Hay’adaha mucaawimada iyo kuwa kale ee Caalamiga ahbana waxaanu ugu baaqaynaa inay door wayn ka qaataan kobcinta, taageerida iyo tababarida Suxufiyiinta Somaliland.

Waxaanu jecelnahay in saxaafada Somaliland la siiyo fursado ay kaga qaybgalaan shirarka Caalamka oo ay arkaan sida warbaahinta caalamku ula falgasho arimaha waawayn ee dunida iyo gobolkaba ka jira. Shirkii Midawga Africa ee dhawaan ka dhacay Magaalada Adis ababa Waxaan arkay oo aan ku farxay oo ka qaybgalay Suxufiyiin reer Somaliland oo uga qaybgashay sida Suxufiyiinta Caalamka oo kale, ugu danbayn waxa aan ugu baaqaynaa hay’adaha la shaqeeya Somaliland inay fursadaha u kordhiyaan Warbaahinta dalka oo ay jaanisyo fiican siiyaan”.

Xigasho: Haatuf

No comments: