.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, April 23, 2012

Madaxweyne SiIlaanyo iyo Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Maxaa ka Khaldamay?


''Haddaba, maxaa khaldamay, ma mabd’a, mise farsamo? Waxaan arkaa oo ku kalsoonnahay in waxa khaldan yahay mabd’a iyo farsamo laba jibbaaran''. Aadan 

- Runtii maan rabin in aan manta ka hadlo dhinaca Somaliland, waxaan rabay inaan taas Soomaaliyeed ee gubanaysa, wax uun ku biiriyo. Waxay iga ahayd bal inta yar ee aan ka ogahay meesha cudurka hayaa kaga dhacay in aan wax ka tilmaamo. Marka cudurka la garto xalka iyo dawaddana waa la garan karaa. Soomaalildu waxay tidhaahdaa; “mantag meesha aad doonayso kuguma simo, roobkuna meeshaad rabto mar walba kuma da’o! Khaladka KULMIYE ka dhacay oo salka ku haya kuwii hore u dhacay oo isbiirsaday baan ka gubtay oo igu simi waayey inaan maanta ka hadlo sidii aan ballanqaaday ee ahayd “kala duwanaanshihii SNM iyo SSDF.” Waanan ka xumahay.

Somaliland: hor iyo horraan, waxaan leeyahay, dhaliisha iyo is-dhaliilku waa inuu ka dhacaa hooska ama hadhdka geedkii weynaa ee uu inoo beeray madaxweyne M.X. Ibrahim Egal, ee ma aha in aynu xayndaabka dhaqanka Somaliland ee dib-u-heshiisiinta debedda uga baxno, taasi waa khaladka ugu weyn ee dhacay, waana khalad mabda’ ah.

Markii madaxweyne A.M. Silaanyo ku guuleystey kursiga, welise aannu maamulka la wareegin ayaan ugu tegey si aan ugu hambaleyeeyo, hadal yar oo talo-bixin ahna aan ugu tuuro. Waxaan ku idhi, “Waxaad tahay Madaxweynhii ugu horreeyey abid taariikhda Soomaalida ee xagga tacliinta jaamacadda kadib sameeyey daraasad waxbarasho (Post-graduate studies). Waxa lagaa sugaayaa inaad wax weyn qabato.” Waxaan u raaciyey, “Waxaan filayaa inaad noqon doonto Nelson Mandelaha Somaliland.” Waxaan kaloo aan u raaciyey; “Waxa fiican in haddaba magacawdo guddi qaran oo dib-u-heshiineed.” Ahmed wuxuu iigu jawaabey; “innagu (Somaliland) ma nihin sida South Africa oo u kala qaybsan dadyow kala duwan.” Taasi waxay I xasuusisay Gabaygii Ali Duux… “Dhankaan ka hadlay waa kaa Qamaan dhaafay hadalkiiyee!”

Haddaba, maxaa khaldamay, ma mabd’a, mise farsamo? Waxaan arkaa oo ku kalsoonnahay in waxa khaldan yahay mabd’a iyo farsamo laba jibbaaran.

Dhanka mabd’a: Geedkii hadhka weynaa ee M. Ibrahim Cigal inoo beeray, waxa waraabiya oo nafaqada siiya waa laba xidid oo hal-bowle ah, dhismaha hay’adaha dawlanimo iyo mabda’dibu hashiisiinta oo ku dhisan dhaqanka bulshada. Xagga dhismaha hay’adaha dawladnimo waxaad u kala duwan abuuristooda iyo kobcintooda. Cigal wuu inoo abuuray lakiin weli waa curdan koritaankoodu waxa uu ku xidhan yahay geeddi-socod dheer (a difficult and long historical process) tiro ahaan iyo xagga tayada intaba. Weli waxa hadhsan oo aan fari ka cawayn dhinaca tayada oo baahida ka jirtaa tahay kala-saaridda shaqada saddexda rukun ee dawladda, fulinta, sharci-dejinta iyo madaxbannaanaynta buuxda ee garsoorka ama sharciga. Arrinkani waa qaddiyad aasaas ah oo aynu in badan ka hadli doono.

Haddaba bal, aynu isla eegno meesha ugu sarraysa ee khaladku ka bilaabmay. Markii KULMIYE la waereegay talada dalka waxay kala garan waayeen, dadka u shaqeeya dawladda iyo xukuumadda, waxa la siyaasadeeyey shaqaalaha dawladda oo dhan. Waxay beddeleen dhammaan wixii dawladda u shaqaynayey (State Bureaucracy) oo ahaa dadkii aan siyaasadda shuqul ku lahayn ee aqoonta iyo waayo-aragnimada lahaa, waxay ku beddeleen dad ay ku doorteen inay iyaga daacad u yihiin keliya, waxay beddeleen dadkii saldhigga u ahaa dhismaha hay’adaha dawladnimo ee dalka (the National Establishment), khibrad ahaan iyo oqoon ahaanba, kuwaas oo aannu xisbina xaq u lahayn inuu beddelo, marka laga hay’adaha dhismo dawladeed casri ah oo ku dhisan aqoon iyo khibrad. Dunida waxa jira wax kala xadeeya ama cahdi, af Ingiriiska la yidhaa (Nomenclature) oo kala qeexa shaqaalaha dawladda (political nominee iyo State Bureaucracy ama civil servants).

Shaqaalaha siyaasd ahaan loo magcaabo mooyee (political nominee) xisbina ma beddeli karo. Waan garan karaa in xukuumaddii hore shaqaalha dawladda ku riixday inay ololaha doorashad ka qaybqaataan. Taasoo khalad weyn ahayd, laakiin KULMIYE ma khalad mid ka sii daran ku sax bay ahayd, wixii uu ballanqaaday oo isbeddelka ahaa ma waxay ahayd dib-u-gurasho mise horumar? Dhibta maanta taagan oo xal u baahan waa iyadoo doorkan dambey xisbiga doorashada ku guulaysta uu xaaqi doono dhammaan shaqaalaha dawladda, mar labaadna la isku khaldo dawladda, xukuumad iyo xisbiga. Taas oo keeni doonta in aanay dawladba inoo saldhigin, khibrad la’aan iyo aqoon yari darteed.

Maalin ayaan u tegey Guddoomiyaha Aqalka Hoose Abdirahman Cirro. Waxaan ku idhi, ‘Waxa loo baahan yahay in aad samaysaan sharci kala xadeeya xukuumadda iyo dawladda oo qeexaya in aan xisbi beddeli karin shaqaalaha dawladda, ama waxa loo yaqaan (Nomenclature).” Ilaa hadda ma maqal wax ka soo baxay golahaas. Waxaan leeyahay Abdirahman Ciro, adiguna ma waxaad rabtaa inaad markaaga beddesho saldhigga dhismaha dawladnimo (state Establishment), sida KULMIYE hartaaba yeelay, meeyey sharcigii kala xadaynayey dawladda iyo xukuumadda dadka u shaqeeya?

Khaladka kalee laxaadka leh waa arrinka ku saabsan, dhisme-xisbiyeedka (party building) iyo khaladka ka dhacay KULMIYE, oo ah arrinku ma mabda’ baa mise waa farsamo (Principle or Procedural)?  Waxaan qabaa iny tahay mid labadaba kulminaysa. Haddii aan xagga mabda’ wax yar ka taabto, waxaan leeyahay, xisbi aan dimoqraadi ahayni ma dhiso, mana wadi karo dawlad dimoqraadi ah. Waxa dunida jira wax la yidhaa dimoqradiyadad gudaha ee xisbiga (Inner-Party Democracy), waana mabda’ iyo farsamo isku dhafan.

Dhinaca farsamada: Waxa jirta qawaaniin caalami ah oo xibiyada dimooraadiga ah ku dhaqmaan (universal procedural party Norms), waxana lagu sargooyaa xaaladaha KULMIYE la soo gudboonaday oo kale. Xaaladda Somaliland oo kale waxa dhibtan oo kale lagaga bixi karaa laba midkood; in la raaco qanuunkaas xisbinimo ee caalamiga qaab ka mid ah ama in la raaco, teenii soo jireenka ahayd ee dhib-u-heshiissinta. Tan hore, haddii ruux madax ah oo xubin ka ah guddiga fulinta (mataal ahaan) lagu helo inuu ku xadgudbey xeerarka xisbiga, waxa la maraa qaab xisbinimo (Institutional Norms) oo ah; Guddida Fulinta ayaa ka shirta, waxana la siiyaa, haddii lagu helo canaan afka ah, haddii uu intaas ku waantoobi waayo waxa la siiyaa canaan qoraal ah, haddii taas uu ku waantoobi waayo waa la ganaaxaa, (tilmaan ahaan) in aannu shirarka ka soo qaybgeli larin muddo cayiman sida laba bilood oo kale.

Markaas kadib waa in warqad arrinkiisa ku saabsan lagu faafiyaa dhammaan xubnaha xisbiga, iyadoo loo gogol-xaadhayo rayual-caamka xisbiga iyo taageerayaashiisa qo’aanka laga qaadhi doono. Haddii ruuxu isku daafici waayo afka ama qoraal ahaan, taas oo xaq loo siinayo inuu u soo bandhigo hay’adaha xisbiga ee sare.

Mar haddiise xaaladdeenna oo kale aannu jirin xibi dhisan oo xubnihiisu ay cayiman yihiin, is-haraatiga xisbigana si joogto ah u bixiya waa in looga wareegaa dhaqankeenna saldhigga u ah habka dib-u-heshiisiinta. Ujeeddadu waa tixgelin la tixgelanayo xuquuqda xubnaha xisbiga, dhawrista isu dheellitirka danaha kala duwn ee dadka dhexdiisa iyo tan reerahaba.  Ugu dambayn, waxaan leeyahay waa maxay adduun-aragga Madxweyne A.M Silaanyo iyo Guddoomiye Muse Biixi, xagga dawlad-dhiska iyo dib-u-heshiisiinta oo ah labada tiir ee Somaliland ku dhisan tahay?

Dimoqraadiyaddu waa in go’aan-qaadashado (Decision-making process) noqotaa talantaali, min hoos ilaa kor. Taas macneheedu waa in qof walba ka dhex arkaa inuu wax ku leeyahay go’aan-qaadashada, taasina waxay ka dhigan tahay isu dheellitirka danaha cid waliba ay leedahay (Consensus based) ama go’aan-wadareed; marba, heerka iyo madasha la joogo ku aaddan.  Taas la’aanteedu waxay keentaa, in dadweynaha iyo madaxdu kala shakiya, kadib dhexdooda kalsoonidu ka baxdo, ka dibna madaxda waxa u soo hadha askarta, qoriga, maxkamadda iyo barlamaanka oo dhammaantood nin keli ah siidhiga u hayo. Halkaas ayey ka bilaabantaa fashilka dawladeed (Frailer of the State). Waar Ilaah baan idinku dhaariyey ee ha innagu celinina waddadii ay Africa soo martay iyo filimadii aynu hore u soo daawanay.

W/q: Aadan Muuse Jibriil.

---

Posted by Abdilahi

No comments: