.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, April 6, 2012

Col. Maxamed Cismaan Xudhuun: AWDAL-State Warkeedu Waa Been


- Taliyihii hore ee ciidanka qaranka xeebta galbeed ee gobollada Awdal iyo Salal ee Somaliland Col. Maxamed Cismaan Xudhuun, ayaa si adag uga hadlay warar ay baahiyee qaar ka mid ah shabakadaha wararka internerta kooxaha ku qadhaabta magaca Awdal State ku sheegeen inuu taageersan yahay, isagoo ku tilmaamay been abuur iyo wax la iska yidhi. Col. Xudhuun oo shir-jaraa’id ku qabtay shalay magaalada Boorama, waxa uu sheegay inuu yahay askari ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland, isla markaana uu daacad u yahay dalkiisa iyo dawladiisaba, waxaannu ugu baaqay kooxaha qurba-joogga ah inay tanaasulaan fikradaha raqiiska ah oo ay taageeraan bulshada abaaruhu tabaaleeyeen ee gobollada ay ka soo jeedaan.

“Ma aha wax sax ah in nin ciidan ahi uu shir jaraa’id qabto. Waxay ahayd in aan taliyahayga waydiiyo balse waxa igu kalifay wax aniga ii gaar ah oo ah hadalo aan sal iyo raad lahayn oo ay website-yada qurbuhu baryahan dambe iga faafinayeen. Waxa aan leeyahay waxaan ahay askari askariguna dawlad walba waa la shaqeeyaa oo daacad ayuu u yahay. Anigu askari baan ahay ninka ku tallogalay inaan siyaasi ahayow maya ee askari baan ahay, nabadii dalka gaar ahaan xeebaha laga dhaliyayna kow baan ka ahaa dalkaygana dhibaato uma ogoli, ninka sidaas ku fikirayoona been baad sheegatay,” ayuu yidhi Col. Xudhuun.

Maxamed Xudhuun waxa uu beeniyey wararka la xidhiidhiyey kooxaha qurba-joogga ah ee Somaliland ka soo horjeeda, waxaannu yidhi, “Waxay yidhaahdeen Awdal state ayuu hawl u wadaa waana waxaan waxba ka jirin, anigu waxaan ahay Somaliland, dalkayga iyo dawladaydana waxba ku doorsan maayo, daacadna waan u ahay.”

Waxa kale oo uu ka hadlay daacadnimada uu u hayo dalkiisa iyo Madaxwaynaha iyo Madaxwayne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu yidhi, “Waxaan idiin ahay daacad iyo diyaar, waxa jira warxumo tashiil, had iyo jeerna runta waxa ka dheeraysa beenta, daacadana waxa ka dheeraysa daacad daradda, dawladaydana daacad baan u ahay, 15-kii sanno ee u dambaysay ilaa xukuumadii Cigaal dhinacayga ayuun baan hayey welina kuma fikirin inaan dibin-daabyeeyo. Anigu taas uma dhalan, dadkayguna uma dhalan, daacad baan idiin ahay mudanayaal [Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka].”

Col. Xudhuun waxa uu ku tilmaamay wararka shabakadaha Internetku baahiyaan qaar been ah oo aan inta badan xaqiiqada ku fadhiyin, “Anigu caadiyan ma galo website-yadda balse waxaan ogahay in 90% waxa lagu qoraa ay been yihiin oo aanay sal iyo raad toona lahayn, nimanka qurbaha jooga waxaan leeyahay dadkiinii abaaraa haysta ee kuwaas wax ka soo tara oo qayrkiin wax la qabsada, naftiinana ku filnaada intaad fadeexado fidinaysaan. Ogaada meelna waxba ka tarimaysaan cidna wax tari karimaysaan ee naftiina dib ugu noqda.”

“Waxaan ahay Ina xudhuun mana jecli beenta, dalkii aan 15-ka sano soo dhisayey maanta dibin-daabyayn maayo, dawladii dhalatana daacad baan u ahay, dawladaydana nin aan waxba tarayn ku doorsan maayo, sanad iyo badh ayaa wax la iga sheegayay waanan aamusnaa intaas, ninkii si xun wax u sheegi jirow maanta ogow in aanad waxba tarayn dalkaygana aan difaaciisa diyaar u ahay. Waxaan leeyahay kooxaha qurbo-jooga ah ka tanaasula fikradaha raqiiska ah oo dadkiina wax tara,” ayuu hadalkiisii ku soo afmeeray taliyihii hore ee ciidanka qaranka ee xeebaha galbeedka Somaliland Col. Xudhuun.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: