.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, April 3, 2012

Xildhibaan Sheegay Inay Xukuumada Siilaanyo Lacag Dibada Dhigato


''Waad la socotaan in Account (akawnt) mucaawimada reer Yurub oo dhani ku dhacdo la sameeyey oo laga furay Dubai'' Rooble.

- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada ee xisbiga KULMIYE, ayaa kashifay akown-xisaabeed uu sheegay in xukuumadda Somaliland uga samasatay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta oo talogalay in lagu shubo lacagaha mucaawanada ah ee Somaliland dibadaha ka hesho. 

Md. Rooble oo ka qaybgalay furitaankii doodda xildhibaannada Golaha Wakiilladu ka yeesheen fadhigoodii Axaddii toddobaadkan waxa kaloo uu sheegay in hab-xisaabeedkaasi xukuumaddu u magacawday guddi ka kooban toddoba xubnood oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Hase ahaatee wuxuu xusay in aan la garanayn cidda akownkaasi maamusha ama lagala xisaabtamayo, isla markaana aan laga sharciyeyn Baarlamanka, sidaa darteedna lagu lunsan karo hantida ummadda loogu talogalay ee caalamka ka timaad.

“Meeshan [golaha] waxaynu u fadhinaa in aynu ummadda u ilaalino dhaqaalaheeda, nabadgelyadeeda, arrimaheeda guud ahaaneed, uma fadhino inaynu sacabka garaacno, waxaan idiin sheegayaa waxa jirta dunida markii hore qaabay inoo caawin jirtay, waxaad ka warqabtaan in qaabkii la beddelay in xafiiska mucaawimadda reer Yurub oo dhani ku dhacdo la sameeyey oo xafiiskaas akawn (Account), looga furay Dubai oo la magacaabay guddi Guddoomiyaheenu xubin ka yahay (Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro).

Waana dhaqaale aad iyo aad u badan oo ka badan miisaaniyaddan aynu ku wareersanahay, xafiiskaas sharciyadiisa garanmayno, waxa loo beddelay oo guddidaa loo sameeyey oo wejigii hore looga beddelay, waxayagu haddaannu Somaliland nahay meeshay maraan gara mayno, dad aad ku kalsoon tihiin soo magacawdaa la yidhi, waynu magacawnay oo ilaa toddoba xubnood baa ku jira.

Xafiiskaas dhaqaalaha intaas le’eg ku soo dhacaayo sharciyadiisa garan mayno oo golahan lagama sharciyeyn, mar haddaannu sharciyad lahayn sinaan iyo caddaalad ma leh oo meel alaale iyo meel akawnkiisu ku yaal, cid daba gelaysa iyo cid xisaabinaysa midina ma jirto, miisaaniyaddana kuma jirto,” ayuu yidhi Md. Siciid Cilmi oo fikirkiisa la xidhiidha ansixinta miisaaniyadda 2012-ka ka dhiibanayey fadhigii Axadii ee Golaha Wakiillada oo mudanayaashu ka doodayeen.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in haddii xukuumadda KULMIYE marto jidkii ay raacday tii UDUB aannu dhicin wax isbeddel ahi, waxaannu ku baaqay in lacagaha mucaawada ahi qayb ka noqdaan miisaaniyadda qaranka, laguna celiyo miisaaniyaddan Wasaaradda Maaliyadda, waxaannu yidhi;

“Miisaaniyadda reer galbeedku 31 bishay xidhantaa daad baa la soo daynayaa, daadkaas lacagta ah cid alaale iyo cid inooga masuul ah garan mayno, Guddoomiyiheenii sharci-dejintuna xubin buu ka yahay, lacagtaasi guddoomiye waa inay miisaaniyadda soo gashaa, nidaam dhan baynu beddelnay wax baynu ku canaananaynay, haddii kii kasta ee yimadaa uu waddadii maro, wax isbeddel ahi ma dhacin, waxaan leeyahay kaana miisaaniyadda ha lagu soo daro oo dib ha loogu celiyo Wasaaradda Maaliyadda, golahana ummadda wuu u dhaartay ee waxooda ha u ilaaliyo.”

Waxa kale oo Md. Rooble tilmaamay in xabsiyeynta maxaabiista budhcad-badeeda ee dibadaha laga keenayo lagu khiyaameeyey Somaliland, maadaama dhaqaalihii dalalka reer Galbeedku ballanqaadeen aan weli laga hayn, iyadoo marka horeba xabsiyada dhibaato ka haysato dawladda iyo shacabkaba ay kuwa ajaanib ahina ugu sii biirayaan.

“Bad baynu galnay oo 19 maxbuus oo imtixaan ah ayaa daf la ina soo siiyey, madaxa ayeynu la galnay waxaynaan garanayn. Maalintii dhawayd jeelka ayaan ugu tegay inamada xidh-xidhan (masuuliyiinta musuqmaasuqa lagu eedeeyey), Taliyaha waannu is aragnay, raashin la’aan, maacuun la’aan;

Waataa dadkii raashinku dadka u keenayaan haddii miisaaniyadda wax noogu jiraan, bacdaa yar iyo dumarkaas is-waydaaranaya iyo kadeedkaas na haysaa may dhaceen ayuu igu yidhi. Iyadoo taas aynu la il-darnayn ayeynu 19 qaaducul dariiqa daf soo nidhi, waxana la inoo sheegay in bilyan doollar ah daba socdaan oo intaasoo jeel la dhisayo, intaas oo cunto la siiaayo. Guddoomiye xoolahaasi kuma yaallaan miisaaniyadda, waddo khaldan baanay marayaan markaa, sannadkan wax la fulinayaana [ansixinayaa] ma jiraan.

Dib ha loogu celiyo miisaaniyadda oo xoolahaas la lagu soo daro oo aynu faa’iido ka helno, inta la keenayo ee miisaaniyad imanayso. Waxaan soo jeedinayaa 43 bilyan ee miisaaniyadda loogu daray, toban ka mid ah maxaabiista ha la siiyo,” ayuu doodiisa ku soo gunaanaday Md. Siciid Cilmi Rooble.

Haseyeeshee, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isagu fadhiga guddoominayey, isla markaana xildhibaanku sheegay inuu ka mid yahay guddida akawn-xisaabeedka mucaawimada Somaliland ku dhici doonto loo saaray, ayaa meesha ka saaray jiritaanka hadalka Md. Siciid Cilmi Rooble.

“Hal qodob baan jeclahay inaan iftiimiyo. Anigu ma ogi sanduuq laga furay Abu Dubai oo mucaawimada Somaliland la siinayo lagu soo shubayo, markaa mudanahu hadduu ogyahay golaha iyo saxaafadda ha u soo bandhigo,” ayuu si kooban u yidhi Md. Cabdiraxmaan Cirro.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: