- Waxa tagay dhawaan dalka Maraykanka (USA) gaar ahaan magaalada New York ninka ku magacaaban inuu hor-fadhiye ama gudoomiye ka yahay kooxda lagu magacaabo TFG-da ee magaalada Muqdisho ee Soomaaliya ay ciidamada Afrikaanku ku ilaaliyaan Taangiyada. Wadaadkan oo magaciisa la yidhaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta qudbad ka jeediyay Golaha Amaanka ee Jamciyada Qurumaha ka dhaxaysa, oo kulan gaar ah lagaga hadlayay arimaha haatan ka taagan Soomaaliya, ayaa waxa uu golaha ka dalbaday in maamulkiisa loo gargaaro oo weliba la ogolaado dastuurka ku meel-gaadhka ah.
Waxa kale oo uu isla halkaa ka sheegay in dawladiisu ay wado-hadalo la galayso walaalaha reer Waqooyi ee Soomaaliya oo iyagu isku dayay inay goostaan (waa sida uu hadalka u yidhiye), isaga oo ka codsaday caalamku inuu wax kala qabto sidii ay Soomaalidu guud ahaan u wada heshiin lahayd, isla markaana midnimada dalka Soomaaliya loo ilaalin lahaa. War-bixintaasi oo kooban oo ay soo diyaarisay Somali-voa hoosta ama dusha guji si aad u dhagaysto.
*Dhegta maal*
No comments:
Post a Comment