.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, July 23, 2012

BBC: Tabbaro Muhuum Ah Oo La Siinayo Beeralayda Somaliland *Dhegta maal*


- Wasaaradda beeraha ee jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland oo kaashaneysa hay'adda Qaramada Midoobay ee Cuntada iyo Beeraha FAO, ayaa beryahan waxay ka waday xarunta Abu-riin ee Somaliland, tababaro ay siinayso beeralayda ay beerahoodu  ku tiirsan yihiin biyaha roobka, ee gobollada uu ka kooban yahay dalka Somaliland. Waxa mashruucani uu kor u qaadayaa aqoonta iyo xirfada beeralayda si ay wax-soosaar badan uga goostaan beerahooda. Waxa kale oo la wadaa isla mashruucana qayb ka ah in hadhuudhka noocyadiisa kale duwan laga soo ururiyo dalka Somaliland iyo waliba Kenya oo iyada 5-nooc oo kale oo hadhuudh ah laga keenay, ujeedaduna waxa ay tahay sidii loo heli lahaa dalagga (hadhuudh) ugu tayoda wanaagsn

Dhanka kale, muddo haatan bil laga jooga ayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ugu baaqay hay'adaha caalamiga ah inay gurmad la garaan qoysas uu sheegay in jiidaha ay deganyihiin ay abaar kululi ku dhufatay. Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa ka wareystay tababaradaasi wasiirka wasaaradda beeraha ee Somaliland Faarax Cilmi Geedoole.

*DHegta maal*

No comments: