.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, July 27, 2012

Wasiir Duur Oo La Kulmay Urur Diineed Xag-jir Ah (Al-islaax) Oo HARGAYSA Lagaga Dhawaaqay!


-  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraalle Duur ayaa la sheegay shalay in uu la kulmay Wadaada kooxda Al-islaax ee dhawaan shirka xaasaasiga ah ku qabsatay Hargeysa, kuwaasoo ay xukuumaddu ku war heshay Go’aamadii ay ka soo saareen shirkooda ee ay saxaafadda ka baahiyeen. Si rasmi ah looma Oga Wasiir Duur iyo Kooxdaas Culimada ahiwaxay kaga wadahadleen kulankooda, hase yeeshee Ilo wareedyo Waaheen heshay ayaa sheegaya in uu Madaxweyne Siilaanyo Wasiirkiisa Arrimaha gudaha faray in uu xog ka helo kooxdan isla markaana uu talaabo ka qaado.

Inkasta oo aanu isku daynay wasiirka Arrimaha Gudaha inaanu arrintan wax ka weydiino hadana noomay suurtogelin Telefoonkiisa oo uu ka jawaabi waayay awgeed, balse sida wararka la xidhiidha talaabadan ay xukuumaddu qaaday sheegayaan wax aka muuqata in aanay Xukuumaddu si weyn ula socon falalka ka socda dalka gudihiisa ee ay dhacdada kooxda Al-islaax ugu danbaysay. Hore Kooxda Al-islaax waxay shirk an oo kale ah ugu qabsadeen Hargeysa iyagoo ka soo saaray bayaan aad u dheeraa oo dadweynaha Reer Somaliland dareen shaki leh ka muujiyeen wakhtigaasi, balse xukuumaddu wax talaabo ah kamay qaadin, taasina waa ta keentay in kooxdani mar kale shirk u qabsato Hargeysa iyadoonay wax cabsi ahi ka hayni Nidaamka Dawliga ah ee Dalka ka jira.

Dhinaca kalena dareeno ay ka bixiyeen dadweynaha Somaliland talaabada Koxdan Al-islaax shirarka ugu qabsanayso Hargeysa ayaa sheegaya inaanay jirin cabsi wakhtigan ay ka qabaan Xukuumadda, halka wakhtiyadii hore Ragga Hormoodka ka ah Kooxdan ee ka yimi Goboladda kale ee aan Somaliland ahayni ay adkayd shir ay ku qabsadaan sOmaliland’e inaanay cagaha soo dhigi kari jirin Dalkaba. Si kasta ha ahaatee inkasta oo ay wakhtigan jiraan Dabaylo siyaasadeed oo aan la saadaalin karini halka ay u jamjeedhsan doonaan, hadana xukuumadda Somaliland waxa looga fadhiyaa inay Mugdiga ka saarto waxyaabaha qaarkood, sida ay qabaan Beelaha Heshiiska ku ah Somaliland, kuwaasoo dhaqdhaqaaqyada socda diiradda ku haya, iyadoo ay cadahay go’aamo ka soo baxay shirarka beelaha qaarkood, gaar ahaana kii ugu danbeeyay ee Buurta Daallo ka dhacay.

Xigasho: Waaheen

No comments: