.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, October 25, 2012

Madaxwaynaha Somaliland Oo Hambalyoda Ciida Carafo U-diray Dadka Reer Somaliland Iyo...

 
Hambalyo: Ciida-Carafo!
 
- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed M. Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dhambaal Hambalyo ah u diray guud ahaan dadka muslimka ah gaar ahaan-na, dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan dibad iyo gudo! Waxa madaxwaynuhu ilaahay uga rajeeyay Xujaajda gudanaysa Faralka inuu u aqbalo, walaaltinimadooda iyo is-ahaantoodana uu ilaahay wanaajiyo, qoraal ku saabsan hambalyadan oo ka soo baxay Madaxtooyada ayaa u dhigna sidan;
 
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ku hadlaya magaciisa, magaca golayaasha kala duwan ee qaran, iyo guud ahaanba magaca shacbiga Somaliland, meel kasta oo ay joogaan wuxuu hambalyo iyo bogaadin ku saabsan munaasibada islaamiga ah ee Ciidal Odxada u dirayaa guud ahaanb islaamka gaar ahaana dadka reer Somaliland, waxana madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Siilaanyo uu illaahay ka rajeeyey in dadka islaamka ah ee taagan yoomal carafada cibaadadooda uu u aqbalo,  Muslimiintana wada jirkooda iyo nabadoodaba uu kor u qaad, shacabka Somaliland-na sanadkan kiisa kale uu ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo.” Aamiin
 
WYL-News

No comments: