.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, October 13, 2012

Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Magacaabay Wasiiro Cusub Iyo Xaglo-Toosiye Oo...

 
- Madaxweynaha Jamhuurriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa magacaabay Wasiiro cusub oo uu ka dhex muuqdo Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglo-toosiye) oo ka mid ahaan jiray kooxdii nabad-diidka ahayd ee lagu magacaabi jiray SSC! War-saxaafadeed hadaba ku saabsan warkan oo caawa laga soo saaray xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa waxa uu u qornaa sidan;

"Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa digreeto uu soo saaray ku magacaabay wasiiro iyo wasiir ku xigeen cusub;-

Madaxweynuhu:-

- Markuu arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa 2aad ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland,
 
- Markuu tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ee ay  wasaaraduhu u leeyihiin dalka iyo dhismaha qaranka,

- Markuu arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka hoosta ku xusan,

- Markuu ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,
 
- Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilka loo magacaabay,

Wuxuu go’aansaday;

1) In Mudane, Saleeban Ciise Axmed laga bilaabo maanta uu ahaado Wasiirka Wasaarada Dib-u-dejinta ee JSL.

2) In Mudane, Cabdirasaaq Cali Cismaan laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warshadaha ee JSL.

3) In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta ee JSL.
 
Allaa Mahad Leh
Axmed Saleebaan Maxamad
Af-hayeenka madaxtooyada JSL

No comments: