.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, October 24, 2012

Somaliya Oo Talyaani-goodii U Soo Noqday

 
- Madaxweynaha Somaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ku tilmaamay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibedda Talyaaniga, Giulio Terzi ee Muqdisho inay tahay bilowga soo nooleynta xidhiidhka labada dal ee Talyaaniga iyo Somalia. Madaxweynaha ayaa wafdiga wasiirka arrimaha dibedda ku qaabilay magaalada Muqdisho. Kulanka kadib ayaa Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Talyaanigu ay la hadleen saxaafadda. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa waxa uu sheegay in uu rajaynayo in dadka Somaliya ay arki doonaan dowladda iyo dadka Talyaaniga oo nala qeybsanaya hawsha baaxadda leh ee dib u dhiska dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga, Giulio Terzi ayaa isna sheegay in uu Madaxweynaha u xaqiijiyay sida dhabta ah ee ay dowladdiisa uga go'an tahay xidhiidhkii iskaashiga labada dal oo la soo nooleeyo isla markaasna Somalia loo gaadhsiin hor-u-markii ka baaqday ilaa iyo lixdankii. Wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga, Giulio Terzi ayaa ah kii ugu sareeyay ee ka socda dowladda Talyaaniga ee booqasho ku yimaada caasimadda Somaliya ee Muqdisho muddo ka badan labaatan sano oo ay burbursanayd.
 
- Somalilandpatriots/Media

No comments: