.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, October 20, 2012

Xukuumada Siilaanyo Mid Ka Liidataa Dalka Ma-soo Marin

 
'' waxay ila tahay taasi is waydiin ma laha ee Siilaanyo hoos buu u sii socdaaye halkuu ina gaadhsiiyo aan eegno, mar kasta hoos bay talabaadiisii u sii socotaa'' Obsiiye 
 
- Gudoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo nabadgalyada ee golaha guurtida Somaliland xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye ayaa sheegay in xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay tahay xukuumadii ugu tayada xumayd ee dalka soo marta, waxaanu tilmaamay in dhaliilihii uu Madaxweyne Siilaanyo ujeedin jiray xukuumadii hore ee Daahir Rayaale ay dalka ka wada dhaceen muddadii uu xilka qaranka hayay, sheegayna inaanu daacad ka ahayn arrimahaasi inuu waxa ka qabto, balse uu sheegay in ujeedada Madaxweyne Siilaanyo ay ahayd sidii uu kursiga Madaxweynaha ugu fadhiisan lahaa.
 
Md Axmed Muuse Obsiiye waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay in siyaasadii uu ku maamulayay xilligii ururkii SNM qaybi oo xukun, uu xilligan shacbiga Somaliland ku maamulo, taas darteedna uu tilmaamay in muddadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu dalka hogaaminayay uu wadanku dib uga dhacay halkii hore ee uu marayay.
 
Md Obsiiye waxa uu sidaasi ku sheegay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta golahooda guurtida, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ;

“Marka hore Afrikaanku marka uu xilka doonayo, waa u caado in wax aanu hadhow yeelayn inuu cid ku dhaliilo, waxay ila tahay Madaxweynaha Qaranku aadbuu ugu dhaliili jiray wakhtigii uu Rayaale haystay dalka, xaga dhaqaalaha iyo arrimo badan, wax Alla wixii uu ku dhaliili jiray waxaad mooda inay hoos ugu sii dhaceen halkii maalintaas, ama tii mid ka sii liidataa timid, Tiradii uu dhaliili jirayna mid ka badan baa timid, Tayadii uu dhaliili jiray Tayo ka xunbaa timid, wax Alle wixii uu odhan jira anigu taaban maayo ee Maaliyada maanta isagay hoos timaadaa, markaas arrintu waxay ila tahay waa Kurisga iiga kac ee maaha waxbaan qabanayaa.”
 
Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo ka hadlaya aragtidiisa la xidhiidha tayada xukuumada madaxweyne Siilaanyo waxa uu yidhi;
 
“Anigu waxaan u malaynayaa in Xukuumada Siilaanyo mid ka Tayo xun oo ka liidataa dalka hore umay soo marin, horena umaynu arag dibna u dhici mayso, waayo kuwii hore Qaranku wuxuu yahay ayay ku socon jireen, Itaalkoodu maalinba awooday tahay ayuun bay qaban jireen, ka soo qaad Siyaasadii arrimaha dibada maanta waa Siiroo, maanta Caalamka waynu ka jaro xun nahay markaad eegto, caalamka oo leh Somaliland way dhamaysay wixii laga doonayey ee Aqoonsi ha la siiyo maanta ma hayno, Labadii Madaxweyne ee ina soo marayna way jireen Labaduba, waxay ila tahay taasi is waydiin ma laha ee Siilaanyo hoos buu u sii socdaaye halkuu ina gaadhsiiyo aan eegno, mar kasta hoos bay talabaadiisii u sii socotaa Kow laba sadex hoos bay u socotaa maxay waxaasi u xumaadeen is waydiin ma laha.”
 
Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo ka hadlaya aqoonta uu u leeyahay hogaaminta siyaasadeed ee Madaxweyne Siilaanyo iyo habdhaqankii uu ku hogaamin jiray ururkii SNM ee dalka xoreeyay, waxa uu yidhi;
 
Markaanu SNM ahayn ee aanu dibada joognay Siilaanyo had iyo jeer qaybinta dadka Xariif ayuu ku ahaa, qaybi oo xukun, maanta tii lafteedii ayaa inagu soo socota inay timaado, waxa jira waxyaabo qofka aynu ugu soo hagaagi karno oo shakhsi ahaan ugu abuuran, markaas anigu Madaxweyne Siilaanyo Aqoon dheer ayaan u leeyahay ilaa 1964-kii ilaa Maanta aqoon baan u leeyahay qoto dheer, markaas ku canaanan maayo halka uu taagan yahay, waayo marka hore ayaanan ka filayn meel kale”
 
Xigasho: Haatuf

No comments: