- Raiisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon
ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC ku sheegay in uu ku faraxsan yahay in
baarlamaanak Soomaaliya ay ansixiyeen xukuumaddiisa. Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay go'aanka ay xildhibaannada ku taageereen
dowladiisa oo uu sheegay in tirada sabab uu u yareeyay ay tahay sidii ay
isbeddel deg deg ah u keeni lahayd. Raiisul Wasaare Saacid, waxa uu sheegay in markii uu eegay duruufta
Soomaaliya iyo dhaqaalaha dalku heysto ay qasab ku noqotay dowlad kooban. Waxa kale oo uu ka hadlay sababta uu uu xukuumaddiisa ugu soo daray, Fawsiya
Yusuf Xaaji Aadan oo ka soo jeedda Somaliland. Raiisul Wasaaruhu waxa uu yiri; "aniga ma qabo in Fawsiya ay ku jirtay kala
go'a, oo ay olole gaar ah gashay waxaan arkay dastuurka xisbigeeda"
Waxa uu sheegay in sabab uu uga shakiyo aanay jirin Fawsiya iyo dadka kale ee
ka tirsanaa jabhaddii SNM.
*Dhegta maal
No comments:
Post a Comment