.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, November 29, 2012

Goob-joogayaasha Caalamiga Ah Oo Ka War-bixiyay Doorashadii Degaanka *Dhegta-maal

 
- Goob-joogayaasha Caalamiga ah ee eegayay sida ay u socotay doorashada degaanka ee shalay  (28/11/2012), ka dhacday dalka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa guud ahaan amaanay sidii ay doorashadu uga hir-gashay lixda gobol ee dalku ka kooban yahay. Goob-joogayaasha caalamiga ahi waxay aad ula dhaceen sida dadku ugu soo baxay doorashada iyo sida nabad-gelyada ah ee ay ku dhamaatay!
 
Dhanka kale waxa iyaguna Somaliland yimid dad ka socda dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, kuwaas oo u yimid dalkeena inay casharo ka qaataan oo ay  ka bartaan xirfada sare ee ay dadka reer Somaliland soo bandhigeen ee ku saabsan ku dhaqanka diimuqraadiyada iyo cod-bixinta. Dadkaa Soomaalida ah ayaa sida ay sheegeen arkay wax  maskaxdooda ka waynaaday oo ay la yaabeen, taasoo ah, sida dadwaynaha reer Somaliland u bislaadeen. Dalka Somaliland oo dhamaanba ay shalay ka qabsoontay doorashadu si nabadgelyo ahna ay ku dhamaatay, ayaa haatan waxa lagu mashquulsan yahay tirintii cododka, hadaba war-bixin ay Somali-voa ka diyaarisay arintan hoosta ka dhagayso.
 
*Dhegta-maal

No comments: