''Waxa soo baxaya saddexda urur/xisbi ee ugu tirada yaraada isku darka guud ee kaalmaha toddobada urur/xisbi ka galaan lixda gobol ee dalka''. Xeerka JSL.
Hargeysa (Jam)- Xisbiyada iyo ururrada siyaasadda ee ka qaybgalaya doorashada
golayaasha degaanka ee Somaliland ka qabsoomaya 28ka bishan November oo ku
beegan Arbacada toddobaadkan, waxa kala-reebistooda loo adeegsanayaa xeerka
hab-dhaqanka doorashadaee iftiiminta qodobka 6aad ee xeerka nidaamka ururrada
iyo asxaabta siyaasadda, kaasoo hoggaamiyeyaasha ururrada iyo xisbiyadu
saxeexeen.
Haddaba, waxa uu wargeyska Jamhuuriya akhristayaashiisa iyo dadweynaha reer
Somaliland u soo gudbinayaa iftiimin iyo faahfaahin la xidhiidha xeerka
hab-dhaqanka ee lagu sharraxay qodobka 6aad ee xeerka nidaamka ururrada iyo
asxaabta siyaasadda si bulshada codaynaysa, murrashaxiinta iyo ururrada
tartamaya loogu bayaamiyo qaabka loogu talogalay in lagu kala reebo toddobada
urur-siyaasadeed ee doorashada ka qaybgalaya, isla markaana ka soo dhex bixi
doonaan saddexda xisbi qaran ee dalku yeelanayo tobanka sannadood ee soo socda.
Sida ku cad Xeerka Hab-dhaqanka Doorashada oo ay 9 October 2012 si wadajir ah
u saxeexeen guddoomiyeyaasha toddobada urur/xisbi ee doorashada ka qaybgalaya
iyo toddobada xubnood ee Guddida Diiwaangelinta, waxa ururrada iyo xisbiyada
tartamaya lagu kala saarayaa hannaanka isku darka boqolalyda oo ku salaysan
kaalinta urur walba ka galo lixda gobol ee dalka, iyada oo aan muhiimad gaar ah
la siinayn codadka guud ee ururka amma xisbigu ka helo gobol kasta oo ka mid ah
lixda gobol ee dalka Somaliland, marka laga reebo in laba urur darajo isku mid
ah ka helaan laba gobol amma wax ka badan, kuwaasoo lagu kala saarayo siday ugu
kala codad badan yihiin dalka.
Sida xogaha Jamhuuriya helay iftiiminayaan, waxa saddex xisbi qaran u gudbaya
saddexda urur ama xisbi ee ugu tirada yaraada isku darka kaalmaha toddobada
urur/xisbi ka galaan lixda gobol ee dalka. Tusaale ahaan; haddii urur kaalinta
1aad ka galo Gobolka Awdal, kaalinta 3aadna ka galo Maroodi-jeex, 4aadna uu ka
fadhiisto Togdheer, gobolka Sanaag-na 3aad galo, Gobolka Saaxil-na 4aad iyo Sool
oo uu galo kaalinta 2aad, waxa la isugu geynayaa kaalmaha uu ka galay lixda
gobol oo ah 1+3+4+3+4+2, iyadoo isku darka darajooyinkiisu noqonayaan 17,
ururkaasina wuxuu ka sarraynayaa mid kale oo lixda gobol ka galay kaalmaha
1+4+6+3+5+2 oo isku darka darajooyinkiisu noqonayaan 21, (17 iyo 21 waxa xisbi
qaran u gudbaya 17), sidaa darteed marka xisbi amma urur kasta la isugu geeyo
kaalmaha uu ka galay lixda gobol, waxa saddex xisbi qaran u gudbaya saddexda
isku darka darajooyinka gobolkasta ugu yaraada.
Sida ku cad qodobka 8aad ee xeerka anshaxa, Komishanka Doorashooyinka
Qaranka, ayaa awood u leh qabashada doorashada iyo tirinta codadka, intaas
kadibna waxay natiijada oo gobolaysan oo ay ku cad yihiin urur amma xisbi kastaa
codadka uu helay iyo inta xildhibaan ee u soo baxday, ayaa loo gudbinayaa
Guddida Diiwaangelinta oo kala saaraya ururrada/xisbiyadda, isla markaana ku
dhawaaqaya saddexda urur ee xisbiyo qaran u gudbay oo shahaadada xisbinimo la
guddoonsiinayo.
Qaabka loo kala reebayo ururrada ee ku salaysan qodobka lixaad ee xeerka
anshaxa doorashada, waxa si weyn u bogaadiyey deeq-bixiyeyaasha ka taageera
Somaliland arrimaha doorashooyinka, kuwaasoo ururrada/xisbiyada ugu baaqay inay
u hoggaansamaan natiijada qodobkan ee sida wadajirka ah loo saxeexay.
Dhinaca kale, doorashada maalinta Arbacada dhacaysa waxa lagu dooranayaa
xildhibaannada golayaasha degaanka dalka, kuwaasoo aan kuraasta ugu kala
guulaysanayn sida ay u kala cod badan yihiin. Tusaale ahaan; golaha degaanka
Hargeysa oo 25 kursi ka kooban, kuma fadhiisanayaan 25 murrashax ee ugu codka
bata caasimadda, laakiin xisbi amma urur kastaa tirada kuraasta uu helay ayuu
siinayaa murrashaxiintiisa ugu codka badan, iyadoo lagu salaynayo saamiga
boqollayda ururka amma xisbigu helay.
Xigasho: Jamhuuriya
No comments:
Post a Comment