.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, December 26, 2012

Golaha Degaanka Ee Gabiley Oo Loolan Adag Ka Dib Doortay Maayar Iyo Ku Xigeen Ka Soo Kala Jeeda Kulmiye & Ummada

 
- Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Gabiley ee dhawaan la soo doortay ayaa shalay si rasmi ah loo dhaariyay, waxaanay munaasibada dhaarinta ka dib doorteen maaayar iyo maayar ku xigeen. Fadhigaas ay iskugu yimaadeen Xildhibaanada cusub golaha deegaanka Gabiley ayaa waxay shirkoodaas ku qabsadeen hoolka shirarka ee dawlada hoose, taas oo ugu horayn ay Mudanayaasha ku dhaariyeen garsooreyaal ka socday Maxkamada gobolka Maroodi jeex,isla markaana ay dhaarta ka dib ku doorteen Guddoomiyaha iyo ku xigeenka Golahoodaas hogaamin doona oo ay u kala doorteen Shucayb Maxamed Muuse oo Maayar ay u doorteen,kana soo baxay xisbiga KULMIYE iyo maayar ku xigeen oo ay u doorteen Cabdi Yuusuf Goole oo ka soo baxay urur siyaasadeedka UMMADA.
 
Sidoo kale Munaasibadaas Xildhibaanada lagu dhaarinayey, isla markaana ay masuuliyiinta hogaamin doonta ay ku doorteen ayaa waxaa goob joog ka ahaa 21-ka xubnood ee golaha deegaanka degmada Gabiley, badhasaabka gobolka Gabiley Axmed Cali Nuur, badhasaabka ku xigeenka, taliyaha qaybta ee ciidanka booliska, maayarkii hore, xoghayaha dawlada hoose, garsooreyaal ka socday maxkamada gobolka Maroodi Jeex iyo saraakiil ka tirsan qaybaha kala duwan ee booliska degmadaasi.

Badhasaabka gobolka Gabiley Axmed Cali Nuur, oo munaasibada dhaarinta muddaneyaasha ka dib la hadlay ayaa u soo jeediyay sida uu sharcigu dhigayo in uu shir guddoomiyo fadhiga koowaad ee golaha deegaanka xildhibaanka ugu da’da wayn. Dhinaca kale Shir guddoonkii fadhiga golaha hagayay ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay cod gacan taag ah u qaadaan labada xubnood ee jagadaasi u wada tartamayay, iyada oo uu Shucayb Maxamed Muuse uu helay 15-cod oo uu ku jiro codkiisu, halka Md Cali Maxamed Sheekh Salaabaan, isna helay 6-cod oo uu la socday codkiisu, sidaas ayaana Xildhibaan Shucayb Maxamed Muuse ugu guulaystay in uu noqdo maayarka degmada Gabiley ahna duqa magaaladaasi.
 
Intaasi ka dib ayaa Shir guddoonkii fadhigaasi shir guddoominayay waxa uu mar kale ku wargeliyay muddaneyaasha inay is-taagaan xildhibaanada u tartamaya jagada maayar ku xigeenka, iyada oo ay shaaciyeen in ay u tartamayaan Md Cabdi Yuusuf Goole oo ka soo baxay ururka UMMADA iyo Md Cumar Cali Obsiiye oo isna ka soo baxay xisbiga UCID. waxaanu Md Cabdi Yuusf Goole helay 13-cod oo uu ku jiro codkiisu, halka Md Cumar Cali Obsiiye isna helay 7-cod oo uu la socdo codkiisu, sidaas ayaanu jagada maayar ku xigeenka ugu guulaystay Md Cabdi Yuusuf Goolle.
 
Dhinaca kale badhasaabka gobolka Gabiley Axmed Cali Nuur, oo markii fadhigaasi uu soo dhamaaday ka dib halkaasi ka hadlay ayaa hadalo dardaaran iyo duco isugu jiray u jeediyay xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka Gabiley ee la dhaariyay iyo maayarka cusub in ay si cadaalad ah ugu shaqeeyaan shacabkii soo doortay, waxaanu Md Axmed sheegay in golaha cusub uu noqdo mid ka shaqeeya horumarinta degmada waxqabad muuqadana ay sameeyaan muddada ay xilka hayaan si hadhaw loogu xasuusto. badhasaabka Gabiley ayaa Sidoo kale amaan iyo mahad naq u soo jeediyay golihii deegaanka ee hore iyo maayarkii hore.
 
Taliyaha qaybta booliska ee Gabile iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka nabad geliyada oo iaygna halkaasi ka hadlay ayaa iyagna ku amaanay golaha cusub qaabka dimoqraadiyada iyo ssshufnaantu ku dhaahan tahay ee ay u qabsadeen doorashadooda isla markaaana aanay ka muuqan is qab-qabsiga iyo muranku.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: