.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, December 3, 2012

Xukuumad Oo Ka Hadashay Dadka Sharci-Dara-da Ku Jooga Somaliland Oo Soo Badanaya

 
“Ma jiraan dambi abaabulan oo dadkaas Ajanabiga ahi ay ka galaan Somaliland, laakiin..''. W/X, C/laahi Abokor
 
- Wasiir ku xigeenka Amniga Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland C/laahi Abokor Cismaan ayaa ka waramay ujeedooyinka ka danbeeya inay dalka ku soo fatahaan dadka ajanabiga ah ee sida sharci-darada ah ku jooga ama ku dhexmara, kaas oo sheegay in jaanisyo shaqo ka helaan Wadanka, isla markaana ay qabtaan shaqooyinka hoose ee aanay muwaadiniintu qabanin.
 
Wasiir C/laahi Abokor waxa tilmaamay inaanay jirin dambiyo ay dadka ajanabiga ahi ka galaan bulshadda Somaliland, kaas oo tilmaamay inaanu sharciga wadanku fasaxaynin inay dadka ajanabiga ay si sharciga baalmarsan ugu noolaadaan dalka, kaas oo ku dooday inay daruufo badani sababeen inay wakhtigan Somaliland ku sugan yihiin Ajaanib badan oo sharci daro ku joogaa. Ugu horayna isaga oo hadlaya ujeedada ay dalka u yimaadaan, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay;
 
“Dadka ajanabiga ah ee xuduudaheena inta badan ka soo talaabaa sadex mid ayuun bay Somaliland u yimaadaan, inay ka xoogsadaan oo ay shaqooyinka yaryar ee hoose ay qabtaan, inay ina sii dhexmaraan oo ay dhinaca Puntland iyo dhinaca Yemen ama Djibouti inay inoo sii dhaafaan iyo inay dawarsadaan”.
 
Wasiir ku xigeenka Amniga Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland C/laahi Abokor Cismaan mar wax laga waydiiyey dambiyada ay ka galaan dalka dadkaasi heerka uu taagan yahay, waxa uu yidhi;
 
“Ma jiraan dambi abaabulan oo dadkaas Ajanabiga ahi ay ka galaan Somaliland, laakiin sida dhacda dadka ajanabiga ahi way gali karaan danbi oo taas dadka ayey kala siman yihiin, isla markaana ma jiraan dambiyo gaar ah oo ay bulshadu kaga sii cabanayso dadka ajanabiga ahi”.
 
Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas ku daray “Sharcigeenu ma ogola inay dadka ajanabiga ahi ay si sharciga baalmarsan ay ugu noolaadaan Somaliland ama ay u dhexmaraanba, laakiin imika daruuf ayuun baa jirta, run ahaantiina arimaasi waa kuwa aan wax ka qaban doono Insha Allaah”.
 
Waxaanu sidaas ku sheegay Wasiir ku xigeenka Amniga C/laahi Abokor mar uu shalay Xafiiskiisa ugu waramayey HCTV.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: