.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, January 27, 2013

Dad Alle Doortay Oo Uu Galladay-baanu Nahay!: Cali Aw Xuseen

 
''Mudane Maxamad Baashe waxa uu si dadban u sheegayaa in Xamar oo lagu noqdaa ay malaha inoo dhaami laheyd sidan (“malaha waxaa ba la qaadan lahaa in Xamar lagu noqdaa”!). Cali Aw Xuseen
 
- Somaliland waxa ay ku caan tahay, oo kusoo caanamaashay, oo ay burbur iyo halaagba kaga gudubtay hab gaar ah oo ay u furdaamiyaan  dhibaato kasta oo lasoo darista. Hanaanka ah  in geed hoostii la dooyeysto  oo la rogrogo murran kasta oo ka dhex aloosma, weeyaan ta ay ku liibaantay ee ay kaga mudhay qeyrkeed.Waa galLad uu Ebaheen, SWT, ku maneystay ummadeena.

Tiiyoo ay sidaa tahay  ayaa waxa jira dad aan badneyn oo iyagu si kale uga kaluumeysta mar kasta oo ay dhibaato ama turunturooyin cusub soo waajahaan Somaliland. Ashkhaastaasu markasta oo murran yimaadba waxa ku andacoodaan oo hoos u dhigaan horumarka iyo wanaaga usoo qabsoomay Somaliland. Ashkhaastaasu waxa ay si khaldan u tilmaamaan oo u eekeysiiyaan in mabda’ii Somaliland, ee lagu qabowsaday,  ee rafaadkii dheeraa lagaga reystay, aanu dhinacna inoo wadeyn. Qoomkaasu waxa ay sawiraan in xaalka Somaliland iyo Somalia aanu faraq buurani u dhaxeyn.
 
Waxa ay waliba saadaaliyaan in mugdi inaga horeeyo, sidaa daraadeedna loo bahanyahay in laga tabaabusheysto. Waxa ay qoomkaasu kol kol ku taliyaan in Xamar oo arrin loogula noqdaa lafteedu aanay dhibi ku jirrin. Qoomkaasu waxa ay isku dayaan in ay ummadda niyad jabiyaan oo jahawareeriyaan si ay uga noqdaan go’aankoodii ahaa dib ulasoo noqoshada xoriyadoodii ka dayaccantay 1960.
 
“Ilaahayow na dil oo ha na Doorin” Hal heys haweenku ay yidhaahdaan!
 
Qoomkaas waxa ka mid ah qoraaga la yidhaa Maxamed Baashe oo dhowaan warbaahinta kusoo tuuray maqaal uu ugu magac darray “Alla Dooribaan ahay”. Qoraagu waxa uu tilmaamayaa oo uu inoo sheegayaa in Somaliland ay rajo la’aan taagantahay oo ay haboontahay in fekerkaas si kale looga wareego. Mudane Baashe waxa uu si dadban u sheegayaa in Xamar oo lagu noqdaa ay malaha inoo dhaami laheyd sidan (“malaha waxaa ba la qaadan lahaa in Xamar lagu noqdaa”!)  Waxa kaliya ee taa imika inaga horjoogaana ay tahaybuu tilmaamayaa, deganaansho la’aanta halkaa ka jirta (Oo ri’yo hadday dib leeyihiin saw dabadooda ku ma aanay qarsadeen iyo ninka aad kab ka tolanayso kabihiisaa la eegaa”. Fasiraada fekerkiisaasu waxa weeyaan: ha loo jarmaado Xamar haddii ay hagaagto.
Mudane Baashe kolka uu sidaa ku talinayo malaha waxa uu isleeyahay maadaama uu halgankii SNM qeyb laxaadleh kasoo qaatay in fekerkiisa khalad loo qaadan karrin oo nasteex u yahay ummadda Somaliland. Laakiin iyaba waxa jira qaar badan oo halgankii ku jiray oo maanta baadi ku ah xero aan laga dooneyn.Waxanse qabaa in ay kuwaasu kaba wanaagsanyihiin oo ay mabda’ooda  daacad u yihiin oo Xamar iska xaadiriyeen,  isaguse tiisu ay tahay dhuumasho dhabarku muuqdo.
Mudane Baashe maaha kolkii ugu horeysay ee uu sidan ku taliyo.Waagii ay maxkamaduhu mudada yar ka talinayeen Xamar wuxu ku tallin jiray in loo gurmado oo laga difaaco cadowgooda oo xidhiidh lalala yeesho. Waagii qaadhaanka loo ururinayeyna dadka ay abaaruhu haysteen ee Somaliyana, waxa uu afka iskaga duubi jiray cid kasta oo tidhaa :” Masaakiinta Somaliland oo loo qaadhaamo ayaa ka horeysa inta loo xaydanyahay masaafo kumanaan kun oo kilometer dad inoo jira”
Gunaanad
Maxamed Baashe waxa haboon in uu badheedho oo uu Xagaayada Xamar iyo xeebta liido u qabowsi doonto. oo uu ka daba tago kuwii horeba u joogay, oo uu reer Somaliland kala tago shugux-shuguxda uu ruxayo iyo niyad jabinta uu la daba joogo kol wal oo dhibaato yari timaadba. Saaxiib iska tag waliba duco iyo tusanbaanu nu kugusii sagootiyiye.
''Allaa Mahad Leh''
Cali Aw Xuseen Cumar

No comments: