.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, January 28, 2013

JSL: Xukuumadda Oo Jawaab Cad Ka Bixisay Warkii Ingiriisku Ka Soo Saaray Nabad-galyada Jamhuuriyada Somaliland

 
  Press Release.
 
– Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay hadal maanta ka soo baxay Xafiiska arrimaha dibadda iyo Barwaaqa sooranka dalka Britian, kaasi oo loogaga digayay muwaadiniinta u dhashay dalka Britian ee jooga Somaliland in aanay u socdaali karin Somaliland. Wasiirka arrimaha dibada iyo is kaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in aanay wax nabad geliyo daro ah ka jirin Somaliland isla markaana ay ku kalsoon yihiin nabad geliyada dalka ka jirta.

Dr. Maxamed C/laahi Cumar, ayaa shirkiisa jaraa’id kaga hadlay qodobo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen war murtiyeedka ay dawlada Ingiriisku ugaga digayso muwaadiniinta u dhashay dalkaasi in aanay u socdaali karin Somaliland kuwa joogana ay ka soo baxaan iyo kulan uu magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya kula yeeshay weftiyo ka socday dawladaha Maraykanka iyo koonfurta Suudaan oo shirkaasi ka qayb gelayay.
 
Wasiirka arrimaha dibada iyo is kaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Waxa uu sheegay in aanay jirin wax mushkilad nabad geliyo daro ah ama dareen cabsiyeed ah oo ka jira Somaliland isla markaana nabad geliayda Somaliland ay tahay mid sugan oo ay gacanta ku hayaan ciidamada amaanku, isaga oo xusay in ay xukuumad ahaan kalsooni buuxda ku qabaan nabad geliyada Somaliland.waxaanu yidhi ;
 
“Waxaanu maanta helnay fariin ka timid dawlada Ingiriiska taasi oo muujinaysa dareen xagga nabad geliyada ah, gaar ahaana arrimaha guud ee argagixisada, shacabka reer Somaliland iyo ajnabiga kale ee dalka ku nool iyo beesha kale ee caalamkaba waxaanu u sheegaynaa in xukuumada Somaliland aanay haynin wax mushkilad ah ama dareen cabsiyeed ah oo la xidhiidha nabad geliyada dalkan, Nabadgeliyada Somaliland waa mid sugan, waa mid ku jirta gacanta ciidamada iyo hay’adaha kale ee nabad geliyada u qaabilsan dalka, waxaanan u sheegaynaa in aanu kalsooni buuxda ku qabno haddii aanu nahay xukuumada Somaliland nabad geliyada dalkayaga, xuduudeheeda iyo guddeheedaba”.
 
Wasiirku waxa kale oo uu intaasi ku daray in ay baadhitaan ku samaynayaan nabad geliyo darada ay sheegtay dawlada Ingiriisku in ay ka jirto Somaliland, isaga oo cadeeyay in ay xukuumad ahaan kalsooni buuxda ku qabaan nabad geliyada dalka, waxana uu yidhi;
 
“dareenkan nabad geliyo darada ah ee ay dawlada Ingiriisku sheegtayna waanu baadhaynaa, hay’adaha nabadegliyada ee dalku waxay ku samayn doonaan daba gal iyo baadhitaan, laakiin wax cabsi ah oo aanu ka qabnaa ma jirto ee kalsooni buuxda ayaanu ku qabnaa nabad geliyada dalka, waxaanan u sheegaynaa in ay dadku sidaa ula socdaan, beesha caalamka iyo dadka ajnabiga ah ee dalka ku noolba waxaanu u sheegaynaa in dalku yahay mid dal nabad geliyo ah” ayuu yidhi wasiirku.
 
Wasiirka arrimaha dibada iyo is kaashiga caalamiga ah ee Somaliland, mar uu ka hadlayay masuuliyiinta ka socday dawlada maraykanka ee uu Addis ababa kula kulmay iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen, waxa uu yidhi “Waxaan ka soo noqday safar aan ugu maqnaa dalka Itoobiya, oo uu ka socday shirka ururka midawga Afrika ee sanad laha ah, intii uu shirkaasi socday aniga iyo weftigii kale ee ila socdayba waxaa noo suurta gashay in aanu la kulano wefti ka socday dawlada Maraykanka”.
 
Dr. Maxamed C/laahi Cumar Wasiirka arrimaha dibada iyo is kaashiga caalamiga ah ee Somaliland, waxa kale oo uu sheegay in weftiga dawlada maraykanka ay kawada hadleen aqoonsiga ay dhawaan dawlada maraykanku u fidisay dawlada cusub ee Soomaaliya, “sida laga war qabo waxaa dhawaan dawlada Maraykanka iyo dawlada cusub ee Somaliya dhex maray xidhiidh aqoonsi arrintaasi oo halkan (Somaliland) dood ka abuurtay si aanu u xaqiijino xidhiidhkii ka dhexeeyay Somaliland iyo maraykanka, waxa uu weftigaasi noo sheegay in ay kala hadleen madaxwaynaha Soomaaliya ka hor intii aanay dawlada Maraykanku u fidin aqoonsiga in aanu aqoonsigaasi saamayn ku yeelan xidhiidhkii iyo wadashaqayntii jamhuuriyada Somaliland iyo maraykanka, markaa waxaanu jecelnahay in ay dadku sidaas u ogaadaan arrintaasi” ayuu yidhi Dr. Maxamed C/laahi.
 
Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in weftiga ka socday dawlada Koonfurta Suudaan ay isla soo qaadeen wada hadalo hore oo u socday, kuwaasi oo la xidhiidhay sidii ay labada dale e Somaliland iyo Koonfurta Suudaan isku dhaafsan lahaayeen safaarado.
 
Waxaanu wasiirku tilmaamay in ay heshiis kuwada gaadheen dawlada Koonfurta Suudaan in ay Somaliland safaarad ka furto magaalada Jubba isla markaana ay sida ugu dhakhsaha badan xafiiskaasi u farayaan, waxaanu yidhi;
 
 “Waxa kale oo aanu la kulanay weftigii ka socday dawlada Koonfurta Suudaan ee ka qayb gelayay shirka waxaanu ka wada hadalnay wada hadalo horeba noogu socday oo ah in labada dal ay is dhaaf sadaan xafiisyo iyo safaarado taasi oo mudaba qabyo ku ahayd dhinaca Koonfurta Suudaan oo hore u sheegtay in aanay farsamo ahaan diyaar u hayan bal se aanu mabda’iyan isla qaadanay, waxaanan shacabka Somaliland u sheegayaa in labada dalba ay ku heshiiyeen in sida ugu dhakhsaha badan dawlada Somaliland loo ogol yahay in ay safiir iyo safaaradba ka samaysato magaalada Jubba ee dalka Koonfurta Suudaan, laakiin ay dawlada Koonfurta Suudaan muddo ku qaadan doonto arrin dhinaca farsamada ah awgeed.”
 
Xigasho: Somaliland.org

No comments: