.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, January 31, 2013

Madaxwaynaha Maamulka Somalia (Xasan Sh. Maxamuud) Maxaa Uu Ka Yidhi Khudbadii Madaxwayne Axmed Siilaanyo?! *Dhegta-maal

Hasan sheekh
 
- Madaxweynaha maamulka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo jooga Belgium si uu gargaar yabooh dhaqaale ah uga helo reer Yurub ayaa ay idaacada BBC-Somali waraysatay. Waxana ay wax ka waydiiyeen laba arimood oo kala ah, ujeedada uu u yimid caasimada dalka Belgium (Brussles) iyo, Bal sida uu u arko ama waxa uu ka odhan karo khudbadii sanadka ee uu madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamad Maxamuud '' Siilaanyo'' Shalay (30/01/13) labada gole-qaran (Somaliland) u-jeediyay.
 
Madaxweynaha maamulka Soomaaliya isaga oo si taxadir leh uga jawaabaya su'aasha ku saabsan Somaliland waxa uu yidhi; ''wada-hadal ayaa noo bilaabmay si wanaagsan u qabsoomay, inuu sii socdo ayaan rajaynayaa'' . Waxa kale oo uu ka hadlay qodob kale oo uu madaxwayne Axmed Siilaanyo yidhi oo ahaa, Nama khuseeyo ictiraafka USA-Somalia! Waraysig oo dhan hoosta guji;
 
*Dhegta-maal
 

No comments: