.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, January 26, 2013

Maxaad ka Taqaan Dhaqan-xumadii Iyo Gabayadii Uu Wadaadkii Ina Cabdalla Xasan Ku Caayay Xaasaskiisa

 
- In dumarka la caayaa oo waliba si qaawan oo mutaxan loo aflagaadeeyaa loona faaleeyaa haween-nimadooda waa wax caariye ku ah qofka inuun dadnimo, anshax iyo dhaqan suubani meel kaga soo duulay! Bal ka waran hadaba, ninka isaga oo sheekh qaari ah  sheeganaya hadana, gabayo iyo maansooyin aanu waxba la-hadhin ku ceebeeyay haween Soomaaliyeed oo isaga u dhaxay oo Ooryo u noqday!
 
Ina-Cabdalla Xasan, oo dadka qaar ay Sheekh ku sheegaan! Hab-dhaqankiisuse ka fogaa  akhlaaqda dadka muslimka lagu yaqaan, hoosta ka akhri labo maanso oo gaagaaban oo uu ku caayayo dumar xaasas u noqday!! Dabdeed markaa adba xukun qofka uu ahaa Ina-Cabdalla Xasan?!

 -Ina Cabdalla Xasan, Gabaygan hoose waxa uu u tiriyay gabadh uu qabay oo xaaskiisa ahayd oo la odhan jiray; Caasha Keenadiid
 
Nimanyohow si daran buu qalbigu ii saddimayaaye
Sirqadii uu dhalay keenadiid sawdka laga keenay
Iyo silica ay tahay dhilladu waa si kala dheere
Saadada intay caayi iyo subacyadii diinta
Intay nimanka saalixiyada sare u keeneyso
Sibiisheeda ay kala wadhwadhi sacabka may saar to
Suyuceeda uri baa wadnuhu nala sureeraaye
Sunnaadheeda waa lagu bakhtiyi madax sanbiilleeye
Sanka waxa iga galay dooraday nagu sammuutaynne
Siilkeedu saaxaha ka weyn sina qabaalleeye
Waxay ugu saftaan sidii horweyn kaalin loo simaye
Soddon dowlis baa lagu shubaa saacad iyo leyle
Ilko suruqa bay leedihiyo foolal saawirahe
Sanbab weeye ceedhin afkii suuliga ahaaye
Sullankeed la naar waa waxay sabuhu dhuuqaane
Waxa saarta soomaalidii saaruqa ahayde
Sarkaalkiyo subeydaarradiyo sowjarkaa kuda e
Maxaan siil qadhmuun kala hadlaa waaba saaniyade

*- Gabaygan kalena, Ina Cabdalla Xasan Waxa uu u tiriyay xaas kale oo uu qabay oo uu iyadana si foolxun u caayay, waxa magaceeda la odhan jiray; Dhiimo Ciise.  

Inkastoo rasaas lagu ganoo lagu garaacaayo
Inkastoo ka goor iyo ka goor gamasyo loo haysto
Dhiimaa god loo qoday anaan laabta gelineyne
Haddaahay cadaawaha gardaran ugu garbaysaaye
Haddaahay gasiinkaan lahaa gunno u dhiibtaaye
Haddaahay nin geeskaa ka mari gaar u dhugataaye
Haddaahay sidii goodir dhalay godolka xiistaaye
Haddaahay garraarko furfuri garacii Looyaane

Haddaahay ku guuxdaa wasmada gacaladeediiye
Haddaahay ku wada goohayaan gudo gariirtiiye
Haddaahay guskii kula jiraan goborta weynaaye
 
 Maxaa akhristoow kaaga baxay anshax-xumadaa wadaadkii Ina-Cabdalla Xasan, maxaadse kaga jawaabi lahayd su'aashii uu qoraaga wayn ee Cabdiraxmaan Barwaaqo buugii uu qoray ee SOOYAAL oo ay ku qoran yihiin gabayadan iyo arimo badan oo kale, uu dadka ku waydiiyay ee ahayd; Ina-Cabdalla Xasan Ma Sheekh buu ahaa mise.....?
 
Tixahan waxan ka soo xigtay qoraal uu qoray C.raxmaan Barwaqo.
 
W/q; Xaashi C/qaadir ( Hargaysa/jSL).
 
-----
 
F.G; Bloggan Waayeelnews, uma samaysna in aflagaado, ceebayn ku socota cid/koox ama qof gaar ah lagu faafiyo, hase yeeshee hadana, waxii taariikh guud oo dhacday ah ma inkiri karno soo daabaceeda, Sidaa darteed anaga oo aan ku raacsanayn aragtiyaha qorayaasha maqaalada noo soo dira waan soo daynaynaa qoraalkoodu hadaanu weerar toos ah ahayn oo xuquuq/karaamo cid/qof ama koox gaar ah wax loogu dhimayo.

No comments: