.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, January 25, 2013

Op-Ed: Xirsi-bay wax telefoonka ugu soo qortay”: Axmed Maxamed Siilaanyo

 
(W/d: Mareegaha Farshaxan)
 
- “Goor aan qolka fadhiga dhacadiido ayaa Xirsi iila soo orday  telefoonka,iina sheegay in wax aflagaado ahi ku qoran yihiin,dee adeer anigu garan maayee waxbaa la isku qorqoraa uun baan baryahan maqmaqlaa,hase yeeshee talaabada uu ka qaadayo iimuu sheegin. Waxaanse is idhi hadduu iyada edbiyo malaha kuwa kale waxbay ku qaadani niyadayda ayey soo gashey” ayuu  odhan lahaa haddii wax laga  waydiin lahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo dhacdada  xadhiga Nadra Maxamed Jaamac.

Waagii baa baryey, waxaan is idhi mareegaha  booqo si aad dalkii uga hesho war iyo wacaal.Waxay indhahaygu ku dhaceen  arin aan u qaadan waayey inay  dhici karto. Waxaan dib u jaleecay malaha Soomaliland kama waramayaanee dib u akhri, akhriyey indhahayga iyo maanka ayay dood dhex martay.Waxaan dib u eegay taariikhdii la soo maray iyo wixii laga dagaalamey.Markaasaan haddana eegay dastuurka qaranka oo sheegaya inaan qofna xoriyadiisa muwaadanimo laga qaadin ilaa xeerka dalka la raaco.

Qodobka 8aad  “Sinnaanta Muwaadiniinta “  ee dastuurka ,firqadiisa koowaad ayaa odhaneysa :  Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman”.

Markaad jaleecdo  firqadaasi waxaa indhahaaga ku soo dhacaya erayada  ugu danbeeya ee  ka waramaya in muwaadin kastaa dalka ku leeyahay “xuquuq iyo waajibaad siman”.
 
Intaa markaan arkay ayaan is idhi malaha  Xirsi iyo odaygu waxay  adeegsadeen xeerkii Sirdoonka ee dhawaan dalka laga hirgaliey ,madaxweynuhuna indho la’aan qalinka ugu duugay. Qodobka Todobaad ee Xilka iyo waajibaadka hay’ada sirdoonka ayaa  firqadiisa 10aad odhanaysaa “Ka hortaga dacaayadaha (counter propaganda) lidka ku ah haybada, sumcada iyo sharafta qarannimada JSL”. Markaa Xirsi oo akhrinayey qodobkan ayaa malaha garaadkiisu u tilmaamey inuu kaashado.Maadaama uu ka tirsan yahay  dawlada Soomaliland,aaney dawladuna  xilka u hayso qaranka Soomaliland ayaa aflagaadadiisu waxay la mid tahay  in qaranka wax la yeelay.
 
Waxaan is idhi malaha markuu qaamuuska  dawlada ee eraybixinta baadhey ayey Xirsi iyo Qaran isku macno noqdeen.Mise  dastuurka iyo xeerkan siday isula  hanaqaadayaan ayaa muhmal ka gashey.Markaasaan xasuustay maansadaii Gunaanad ee abwaan Xasan Daahir  Ismaaciil “Weedhsame”  tixo ku jiray :
 
                                          Sharcigana gaarida ammaana
Goonbaartuna derejo dhaanto
Sharcigan dusha laga gudboonyey
Salkana lagu kala gol-roonyey
Sharcigan booliga gasiinta
Xalaashana tola galkeeda
Sharcigan geed weyn ka soomay
Gudmaha yacaygana u haysta
Sharcigan horumarka gardaadsha
Haddana himiladu gamaarto
Sharciga guushana u heesa
Haddana aan dhalinin goolka.
Sharciga saddex gole ka kooban
 
Malaha  abwaanka tiriyey maansada ayuu ka didiyee,aan u soo qabto abwaan kale oo uu soo dhaweyn doono ileyn abwaanada runta ahi way ishal-yaqaanaanee,isagase sidaa lama aha:
                          Iyadoon bartiro jirin
                         Wax la yidhi lixlaha biig
                         Haddii Baashe lagu dilo
                         Marka qaybta laga baxo
                         Boolaynta laga dhigo
                         Shaxda booli-tuugiyo
                         Sharci boob ah lagu wado
                         Afar turub nin barashada
                         Ka bogtaa ku gacan gala
                         Baandheeyaa weligii
                         Wax ku beela qaabkaas
                         Waxa adag ka bowsadey
                         Isagaana badin kara
                         Shaashowdey bilicdii
                        Ban martoo la garan waa
                        Badhxantoo la maydhaan
                        Waxa lagu balllaysimay
                       Indho buuryo-goyseed.
                 ......Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi
 
Maantana waa inoo iyo halkaa, la soco qaybaha danbe ee ku saabsan xeerarka  la jiifyaana banaan lagu hagayo..

Tifatirka  Bahda Mareegaha Farshaxan/janaayo 25,2013

No comments: