.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, January 11, 2013

UAE: Wasiirka Macdanta Somaliland Oo Lagu Marti-qaaday Shir Caalami Ah Oo Lagaga Hadlayay Shidaalka


'' Hoosta ka daawi Khudbada; Youtube''.
 
UAE- Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa ka qeyb galay shir lagaga hadlayay tamarta shiidaalka oo lagu qabtay dalka Imaaraadka carabta oo Somaliland si ramsi ah loogu soo casuumay.
 
Shirkan oo ay ka qeyb galeen Wasiirro ka socday qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika iyo Geeska Afrika, waxa Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga waramayo himilada Somaliland ee la xidhiidha in la soo saaro khayraadka dalka ee ay macdanta iyo baasiinku ka mid yihiin.

Wasiirku waxa uu Wasiirka Tamarta ee dalka Imaaraadka carabta uga mahad celiyay marti-qaadka uu Somaliland ku soo casuumay shirkan oo uu xusay inuu ahmiyad u leeyahay horumarinta waddammada afrika iyo adduunkaba. Wasiirku waxa uu sheegay in sidii Somaliland ula soo bixi lahayd shiidaalka iyo macdantu ay u baahan tahay malaayiin dollar in lagu kharash gareeyo.
 
Md. Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu sheegay in shirkadaha Genel Energy iyo Petrosoma ay baadhis ka bilaabayaan deegaamada Somaliland kuwaasi oo xukuumadda ay ka heshiiyeen qorshaha baadhista shiidaalka.
 
Wasiirka Tamarta – UAE, Mudane Maxamed Bin Dhaen Al Haml, Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, Tanzania, Prof. Sospeter Muhongo Wasiirka Tamarta, Mozambique Mudane Salvador Namburete iyo Dr. Tony Hayward, Chief Executive Officer, Genel Energy oo ka mid ah shirkadaha shiidaalka baadha ee caalamiga ah.
 
*Halkan Hoosta Ka Daawo Khudbadii Wasiirka;
http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=FP7lEhBFG2U#

No comments: