.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, February 22, 2013

Abwaan Hadraawi; ''Gumaysiga Ayaa Dawgii Inaga Leexshay''

 
- Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo hadal waano iyo wax-sheeg ahaa oo aad u qiimo badan ka jeediyay madashii lagu kulmay ee barnaamijkii ''Qiimee Qofkaaga', ee boqolka qof ee reer Somaliland ugu wax-tarka badan lagu sharfayay ayaa waxa uu ku yidhi abwaan Hadraawi sidan;
 
Waxa la yidhi; ''nin lahaa  xil kama dhicin, nin hadhsadayna kama tagin''. Himalada aduunyada nin hadaafa lama odhan howsha noloshu kaa xidhan! Biyo dhacuna waxa weeyaan qofku heer kasta oo uu joogo iyo wax kasta oo uu barto iyo si kasta oo uu yahay inta uu dul joogo aduunyada waxaa faran waajib, kaas oo ah, inuu fuliyo ujeedada Alle u abuuray.

Abwaanku, waxa kale oo uu khudbadiisa ku soo qaatay halka bulshada uu kaga yimid dhalan roga dhaqan, dhaqaale iyo kartiyeed taasoo uu sheegay in gumaystihii ingiriisku wadadii aan haynay ee aan inagu lahayn inaga  leexiyay, isaga oo arintaa faahfaahinayana waxa uu yidhi;.
 
“Ummadu waxay ahayd ummad wanaagsan oo gob ah, waan ka war haynaa gumaysigii carriga yimid ayaa ummada iyadoo Islaama, iyadoo karti leh, iyadoo dhaqan leh, iyadoo dhaqaale leh, iyadoo taariikh leh, iyadoo af-tahamo leh, iyadoo murti leh waa kii gumaysigii yimid ee waddadii ka leexiyay ilaa maantana waxaynu haynaa tubtii gumaysiga iyo dhaqankii gumaysiga aragtidii gumaysiga ilaa maanta waddadaas ayaynu haynaa”, ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.
 
Waxa uu intaasi ku daray isagoo hadalka sii watay wuxuu yidhi; “Malaha waxa fiican inaynu wadadaa ka soo noqono ummad baynu nahay kaalin baynu nolosha ku leenahay dhaqan baynu leenahay, diin baynu leenahay, waxaana ila fiican oo badbaado aakhiro iyo adduun kuba ku jirtaa inaynu waddadaa ka soo noqono, in wanagsan baa joogta laakiin inyaroo koobanoo aan wali ka bixin xadkii maxayse kuugu taalaa hadii dadka intiisa badani hayaan waddadii gumaystaha, waxa fiicnaan lahayd aragtidaa maanta curatay in la joogteeyo, in ummada waddadaa ay hayso laga soo leexiyo, laakiin waxaas oo dhan waxay u baahan yihiin hogaamin garasho leh oo daacad ah oo garanaysa waajibaadka iyo xilka saaran” , ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.
 
Somaliland.Org

No comments: