.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, February 21, 2013

Kastamka Boorama Oo La Isku Qabsaday Cashuur Iyo Dakhli La Lunsan Jiray Oo Khasnada Lagu Shubay

 
- Masuuliyiinta Kastamka Boorama ee wasaarada Maaliyada iyo ciidamda ilaalada cashuuraha ayaa la sheegayaa in ay isku dhaceen ka dib markii ciiddamada ilaalada cashuuruhu ay ka biyo diideen qaabka loo cashuurayo qaadka yimaada magaalada Boorama.
 
Sida ay shabakada Awdalpress u xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada maaliyada oo diiday in magacooda la sheego, kuwaas oo sheegaya inuu khilaaf soo kala dhex galay madaxa ciidanka Ilaalada cashuuraha iyo madaxa kastamka, ka dibna waxaa la isku raacay in Diiwanka maaliyada la geliyo dakhliga oo aan waxba lagala hadhin, waxaana lagu khasbay madaxa kastamka in uu cashuuro qaad si qarsooodi ah loo marsiin jiray kastamka, taasi oo dakhligii kastamka Boorama ka dhigtay maalintaasi 25 milyan oo shilinka Somaliland ah, halka maalmihii ka horaysay ee 17 bishan uu dakhligu ahaa 18 milyan ila 17 milyan!
 
Waxaana halkaasi ka soo baxay farqi lacageed oo lagu lunsan jiray Kastamka Boorama, lacagtaasi oo maalintii u dhiganta Kun doolar oo lacagta maraykan ah. Hadaba mar aan isku daynay in aan Arimahaas wax ka weydiino maamulaha Kastamka Boorama Mubaarak Maxamed Liibaan ayaa waxa noo suuroobi weyday in aan heli, ka dib markii uu iska xidhay telefoonkiisa gacanta, sidoo kale waxaa la sheegayaa in shaqaalaha kastamka Boorama ee ka socda wasaarada maaliyada Somaliland iyo maamulaha kastamka uu ka dhextaagan yahay khilaaf maamul oo la xidhiidha dhinaca wadashaqaynta, waxaanay shaqaalaha qaarkood ku eedaynayaan in maamuluhu yahay masuul hawsha uu hayaa ka culus tahay, isla markaana boos walba oo shaqada ah uu rabo in uu isagu buuxiyo, oo aanay waxba dhaafayn.
 
Si kastaba ha ahaatee, Maamulaha kastamka Boorama ayaa isagu ku yimid isku bedel uu sameeyay Wasiirka maaliyada Somaliland sanadkii hore markii loo magacaabay xilka wasiir Samaale, ilaa iyo hadana wax kormeer shaqo ah kuma iman wixii ka dambeeyay bishii lixaad ee sanadkii dhamaaday, wakhtigana wuxuu wasiir Samaale u xaydan yahay xilka gudoomiyaha Kulmiye, waxaana dhici karta in xilyadaasi looga faaiidaysto arimo musuqmaasuq, waxa kale oo jira warar iyaguna ka imanaya dhanka Kastamka Saylac oo la sheegayo in uu musuqmaasuq xoogani ka dhacay.
 
Awdalpress

No comments: