.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, February 16, 2013

Ma Jirto Wax Argagixiso Ah Oo Usoo Guurtay Bariga Sanaag Iyo Buuraha S/Land: Suldaan Xasan Cali Jibriil (Sanaag-bari)

 
- Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ka mid ah Salaadiinta Bariga Sanaag ee Somaliland ayaa sheegay in deegaamada Bariga Sanaag ay ka jirto Nabadgalyo balaadhan oo aanay jirin wax Argagixiso ah oo u soo guuray dhulkaasi Buuralayda ah, waxaanu ku tilmaamay dacaayado warbaahinta ay ka baahiso deegaamadaasi.Suldaan Xasan Cali Jibriil, ayaa sidaasi ku sheegay Mar uu shalay khadka Telefoonka ugu waramayey Wargeyska Haatuf, waxaanu usoo jeediyey xukuumada Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah in deegaamadaasi oo adeegyada bulshada ka aradan ay yimaadaan, gacana ka geystaan Horumarinta dhulkaasi.
 
Suldaanka Xasan oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Mandaqadan Bariga Sanaag ee Somaliland ah aad iyo aad ayay u fiican tahay nabadgalyo fiican ayaa ka jirta, adigu wakhtigani waa wakhti jiilaal ah oo dadku biyo cab yahay oo dadku ay u baahan yihiin in xaga biyaha laga kaalmeeyo.

Dadka Deegaankaasi waa Dad aad u wanaagsan oo dadkeedu uu yahay dad aad iyo aad nabadgalyada ugu firfircoon oo aad iyo aad colaadaha iyo dhibaatada u neceb.Had iyo jeer warbaahinta waxa aanu ka maqlnaa meelahaa Sanaag Bari ama dhulkaa waxa jooga dad Argagixiso ah oo nabadgalyadeeda ayaa xun, waxaan Cadaynayaa aniga oo ah Suldaan Xasan Cali Jibriil in mandaqadani ay tahay amaan ilaa dhamaan xuduudihii Somaliland ee macruufka ahaa ee la yaqaanay, Ceelaayo, Laasqoray, Mindigale ilaa meesha la yidhaahdo Dhahar ee mandaqadaa Sanaag Bari waxaanu cadaynaynaa intay tahay meel amaan ah oo Al-shabaab iyo Wax wax dilaana ma joogo, markaa caalamka waxa aanu u cadaynaynaa in mandaqadani ay u baahan tahay in hore loo mariyo oo hay’aduhu yimaadaan.
 
Hadaanu nahay dadka masuulka ka ah mandaqadan dhamaantayo Odayaasha, Salaadiinta, Ugaasyada iyo Isimada oo dhan ee hogaamiye dhaqameedka ahi waxaanu diyaar u nahay wax alla wixii wadanka keenaya wax horumar ah in aanu anagu meelwalba gayno, waxaanu leenahay dawlada Somaliland iyadaa xaq u leh mandaqada Sanaag Bari iyo guud ahaanba Somaliland inay ilaaliso oo ay ka war hayso waanay ogtahay in Sanaag Bari ay tahay meel nabadgalyo ah.
 
Markaa waxa aanu ka codsanaynaa hay’adaha caalamka iyo Xukuumada Sharafka leh ee Somaliland inay Mandaqada wixii horumar ah keento haday nabadgalyada tahay taana dadka degan oo dhan oo isku duuban wuu balan qaadayaa, dadkuna waa dad Somaliland ah, dhulku waa dhul Somaliland ah, dawladu nin ala ninka ay doonto ha soo dirto ha eego dhulku waa amaane, dadka Warbaahinta waxaa ka sheegsheegaya ama ha ka hadleen xaga dawlada Somalia ama ha ka hadlo xaga Puntland ma jirto wax Argagixiso ah oo usoo guurtay ma jirto oo umay soo guurin Buuraha Somaliland ee waa nabadgalyo, Sanaag Bari waa nabadgalyo Argagixiso ma joogto”.
 
Suldaan Xasan Cali Jibriil waxa uu ugu baaqay dadka deegaanka Sanaag Bari inay dalkooda difaacaan oo aanay dhag u dhigin umadaa balada sheegaysa, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi; “Anagu waxa aanu joognaa Maydh, waxa aanu ka war haynaa dhamaan magaalooyinka halkaas ah, Laasqoray, dhamaan xeebaha ayaanu ka war haynaa maanaan arag waxa Idaacaduhu sheegayaan, malaha maamulka jaarkayaga ah (Puntland) ayay nagu khaldayaan.
 
” Suldaanka oo aanu waydiinay sida uu u arko war ka soo baxay Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka Cunaqabataynta Hubka Somalia, oo sheegay in Al-shabaab ay Koonfurta Somalia uga soo guureen deegaamadaasi, isla markaana hub uga yimaada Yemen iyo Iran uu xeebahaasi uga soo dago ayaa ku jawaabay “Dadkaasi warka fidinayaa anaga noomay iman meel ay warka ka qaateena garan-mayno, malaha waxa ay ka qaateen dad aan meeshaba iman, anaga ayaa joognee warka ha naga qaateen”.  
 
Xigasho: Haatuf

No comments: