- Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyo) ee 5 bishan u kicitimay dalka UK ayaa maanta ku soo laabanaya
dalkiisa Somaliland, kaas oo marka uu ka soo dego gagida diyaaradaha sidii
caadadu ahayd uu ku soo dhaweyn doono Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada
Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici. Weftiga
Madaxweynaha ayaa intii ay ku sugnaayeen Dalka Ingiriiska iyo Kenya kulamo la
yeeshay Madaxda dawlada Britain iyo Safiirka USA u fadhiya Nairobi, isla
markaana iska waraystay xaalada guud ee Somaliland iyo sidii loo xoojin lahaa
wada shaqaynta Somaliland la leedahay dawladahaasi ee la xidhiidha amaanka
Mandaqada.
Dhinca kale Madaxtooyada Somaliland, ayaa Shalay
War-saxaafadeed ka soo saartay kulan la sheegay in Madaxwayne Axmed Siilaanyo la
yeeshay qurba-jooga reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska.
War-saxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed
Saleebaan Dhuxul ayaa u dhignaa sidan;
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa kullan xog-wareysi ah la yeeshay Jaalliyadda Somaliland ee ku dhaqan Dalka UK. kullankaasi oo ay madaxweynaha ku weheliyeen Wasiirrada Arrimaha Dibada Dr. Maxamed C/llaahi Cumar, Wasiirka kalluumaysiga iyo kheyraadka Badda. Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Gudoomiye-xigeenka 2aad ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye, Xildhibaan, Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan iyo Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), Safiirka Wareega ee Somaliland Ambassor, Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee UK Xasan Xariir Xirsi, iyo masuuliyiinta Jaalliyadda Uk iyo Madax-dhaqameedyada reer Somaliland qaar ka mid ah. Ugu horayn Madaxweynaha JSL Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo halkaasi khudbad aad qiimo badnayd ka soo jeediyay ayaa ugu mahad-celiyay qurbajooga reer Somaliland ee dedaalka ugu jira difaaca Qadiyadda Qarannimada Somaliland iyo horumarinta Dalkooda hooyo.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa kullan xog-wareysi ah la yeeshay Jaalliyadda Somaliland ee ku dhaqan Dalka UK. kullankaasi oo ay madaxweynaha ku weheliyeen Wasiirrada Arrimaha Dibada Dr. Maxamed C/llaahi Cumar, Wasiirka kalluumaysiga iyo kheyraadka Badda. Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Gudoomiye-xigeenka 2aad ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye, Xildhibaan, Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan iyo Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), Safiirka Wareega ee Somaliland Ambassor, Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee UK Xasan Xariir Xirsi, iyo masuuliyiinta Jaalliyadda Uk iyo Madax-dhaqameedyada reer Somaliland qaar ka mid ah. Ugu horayn Madaxweynaha JSL Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo halkaasi khudbad aad qiimo badnayd ka soo jeediyay ayaa ugu mahad-celiyay qurbajooga reer Somaliland ee dedaalka ugu jira difaaca Qadiyadda Qarannimada Somaliland iyo horumarinta Dalkooda hooyo.
Madaxweynuhu waxa uu si kooban uga waramay Wax-qabadka
muuqda ee xukuumadiisu ay ku tallaabsatay muddadii ay tallada dalka hayeen
isagoo xusey in dhinac kasta ay wax ka qabteen haday tahay dhinacyada
Caafimaadka, Wax-barashada, Dhaqaalaha, iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida
wadooyinka iyo Madaarrada. Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu markii u horeysay ka
hadlay shirka Soomaaliya loo qabanayo bishan May ee sannadkan, isaga oo si
faah-faahsan ugu caddeeyay shacbiga reer Somaliland in aanay Somaliland ka qayb
gali doonin shirkaas haddii ay u arkaan inuu yahay mid ka hor imanaya Danaha iyo
Maslaxadada Dadka iyo Dalka Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu cadeeyey oo uu ku yidhi hadalkiisa
Kama Qayb Gali doono haddii uu shirkaasi yahay mid aan Maslaxada Qaranka
Somaliland aanay dani ugu jirin, kama Qayb gali doono haddii aanu u aragno in
shirkaasi uu yahay mid hoos u dhigaya karaamada Somaliland, cidna uga habran
mayno inaanu u sheegno aragtidayada shirkaasi la xidhiidha ee ku wajahan ka
qayb-galkiisa, balse waxa aanu ka qayb gali-doonaa oo kaliya haddii aanu u
aragno ama aanu ka dhex aragno danaha qarankan Somaliland, maslaxadiisu ay ku
jirto oo aanu weliba aad uga baraan degno kana yeelano talo Qaran” ayuu
Madaxweynuhu kulankaasi dhexmaray Jaaliyada Somaliland ee Uk ka sheegay, isaga
oo ka hadlaaya mawqifka Shirkaasi Somaliland ay ka taagan tahay.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu xusay in xukuumadiisu ay ku
dhisan tahay talo wadaag oo sidii horeba ay u yeeshay, ay hadana tallo wadaag
Qaran laga yeelan doonto marka ay gaadho wakhtigeeda la xidhiidha Shirkaasi.
Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu Shacbiweynaha reer Somaliland ee dalka Dibadiisa
iyo dalka Gudihiisa ku sugan uu ku Borriyay in ay u midoobaan, meelna uga soo
wada jeestaan Horumarka Dalkooda hooyo oo ay sii laban laaban dedaalka ay ugu
jireen Qadiyada madaxbanaanida Somaliland. Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay
Gudoomiye-xigeenka xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo) iyo
xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) oo ka war bixiyey waxyaabaha
xukuumadda hada talada haysaa ay qabatay mudadii ay tallada dalka haysay iayag
cadeeyeena in ay qabatay wax lagu faani karo marka loo eego xukuumadihii ka
horeyey, waxayna Qurbo jooga reer Somaliland kula dardaarmeen in ay danta guud
ka horreysiiyaan wax kasta, oo ay isku duubnadaan.
Wasiirku-xigeenkii hore ee Arrimaa Dibada ee Somaliland
Mudane Maxamed Yoonis oo isna halkaasi hadal dheer ka soo jeediyay ayaa nasiib
darro ku tilmaamay in tiro yar oo Qurbo-jooga ka mid ahi ay had iyo goor
saxaafada ku qoraan waxyaabo halis ku ah Qaranimada Somaliland loona baahan
yahay in meel looga soo wada jeesto ka midho-dhallinta Qadiyadda Somaliland.
Sidoo kale waxa isna halkaasi hadalka soo jeediyey
Wasiirka kalluumaysiga Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) oo isna
halkaasi ka hadlay ayaa ku canaantay xubnaha ku guuldaraystay doorashadii
degaanku in ay u hogaansanadaan sharciga dalka isla markaana aan loo baahnayn
khilaaf dhexdeena ah balse loo baahan yahay wada jir iyo horumar.
Intaas ka dib waxaa hadalkii la wareegay Wasiirka
Wasaarada Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi
Cumar oo ka waramay ujeedada Socdaalkooda iyo natiijooyinkii ka soo baxay kullan
ay la yeesheen wasiirka wasaarada arrimaha dibadda ee Ingiriiska, kaasi oo uu ku
tilmaamay mid ku dhamaaday guulo la isku afgartay, waxyaabihii ay ka wada
hadleen labada dhinac, isagoo xusay in Ingiriisku durba wax ka badaleen
digniintii dhinaca socdaalka ee ay soo saareen isla markaana ay labada dhinac
sii xoojin doonaan wada shaqayntii ka dhexeysay. Sidoo kale waxa uu xusay
wasiirku in ay ka wada hadleen shirka Soomaaliya loo qabanayo bishan May ee
sannadkan oo aan ilaa iminka Ajandihiisa la dejin, wax Martiqaad ahina aanay soo
gaadhin Somaliland. Wasiirku waxa uu uga mahadceliyay dalladda SSE oo qoraal
tallo ah u gudbisay weftiga, isagoo u soo jeediyay in ururada kalena ay ku
daydaan.
Ugu danbayntii madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa
uu uga madaceliyay Qurba jooga reer UK soo dhawaynta fiican ee ay mar kasta kala
kulmaan ka xukuumad ahaan.
Xigasho: Haatuf
No comments:
Post a Comment