.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, February 24, 2013

Somaliland Ka Qayb-gali Mayso Shir Aanay Ka Dhex Arkayn Danteeda!

 
- Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa daboolka ka qaaday in aanay isku mid ahayn shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee bisha May ee sannadkan 2013 ka dhaca Ingiriiska iyo wadahadallada Somaliland la yeelanayso Soomaaliya.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Wargeyska Jamhuuriya u waramay, waxa uu tilmaamay in shirka bisha May ee socota yahay mid u gaar ah xaalada Soomaaliya, balse aannu ahayn wadahadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo xusay in ilaa hadda aanay muuqan wax dano ah oo Somaliland ugu jira ka qaybgalka shirkaas arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee dawladda Ingiriisku martigelinayso.

Ugu horreyn, Wasiirka oo la waydiiyey waxa xukuumad ahaan uga qorshaysan shirka dawladda Ingiriisku bisha May u qabanayo Soomaaliya iyo inuu jiro wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya shirkaas iyo wadahadalladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu ku jawaabay, “Shirka Ingiriisku ku baaqay bisha May waa shir ku saabsan Soomaaliya oo ay dunidu kaga hadlayso xaaladda Soomaaliya imminka marayso, dalwadda Soomaaliyana ka hadlayso baahiyaheeda kala duwan haddii ay tahay dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo arrimaha kalee bulshada iyo dagaalka ay kula jiraan kooxaha xagjirka ah iyo wixii ay u baahan yihiin. Markaa shirkaasi ilaa imminka arrimaha aannu ka ognahay ee laga sheegay waa kuwaas.

Somaliland ka qaybgalkeeda iyo ka qaybgal la’aanteedu wuxuu ku xidhan yahay marka la miisaamo danaha shacabka iyo dalka Somaliland ugu jira, markaa sida imminka ka muuqata hadduu shirku sidaa noqdo dano badan oo Somaliland ugu jiraa runtii ma muuqdaan, meel aan dani ugu jirin dalkana siduu Madaxweynuhuba u caddeeyey Somaliland ma tagayso, wixiise dani ugu jirto ee wax uga soo kordhayaan ee sharafteeda iyo jiritaankeeda lagu ilaalinayo waa arrimo la tashiyo laga galayo, laakiin weli halkaasi ma gaadhin.

Tan kale ee shirka iyo wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, waa laba arrimood oo kala duwan. Dadka waxaannu u sheegaynaa shirkan lagu baaqay ee London maaha mid wadahadal Somaliand iyo Soomaaliya ah ee waa mid u gaar ah Soomaaliya ee yaan la isku khaldin. Wadahadalladii labada geesood weli qorshahoodii baa lagu jiraa waqti iyo munaasibado gaar ah iyo weliba meelo gaar ah ayey noqonayaan, ilaa imminkase arrimahaasi qaar dhammaaday ma aha, markay dhammaatana shacabka waannu la socodsiin doonnaa.”

Waxakaloo La waydiiyey Dhowaan markii wefti Madaxweynuhu hoggaaminayey oo aad ka mid ahayd tagteen magaalada London waxyaabihii dawladda Ingiriisku idinkala hadashay shirka bisha May ka mid buu ahaa oo way idinku casuuntay, xukuumad ahaanna waxaad sheegteen in aad talo qaran ka yeelanaysaan, markaa ilaa hadda ma bilowdeen wadatashiyo arrintaasi ku saabsan?

Wasiirka Khaarajigu Wuxuu su’aashaas ka jawaabayey Oo uu yidhi, “Talada qaranku waxay imanaysaa marka shirka ujeeddadiisa iyo siyaasaddiisa si wanaagsan loo helo qoraalkiisa. Waa run oo dawladda Ingiriisku shirka way nala soo qaadday oo waxay naga codsatay Somaliland inay tixgeliso ka qaybgalkiisa, laakiin Madaxweynuhu wuxuu sheegay in arrintaasi tahay mid uu ka tashan doono oo haddii ay dani ugu jirto uun Somaliland ka qaybgeli doonto. Markaa la tashigu wuxuu bilaabmayaa markaannu xogta iyo faahfaahinta shirka si wanaagsan uga dheragno.

Haddii aannu u aragno in aan loo baahnayba shirka qaybgalku aanay dani ugu jirin qaranka markaa la-tashi ku daalin mayno dadka, laakiin faahfaahintiisa ayaanaan ka dhergin oo aan dawladda Ingiriisku weli soo dhammaystirin.”

Mar la waydiiyey in Somaliland ka qaybgalayso shirkaasi haddii shirku noqdo mid ay Somaliland ugu jirto dano dhaqaale aanay ka maarmayn, maadaama la doonayo in dib-u-dhis loogu sameeyo Soomaaliya, laakiin shirka hoggaamintiisa madaxda dawladda Soomaaliya qayb ka noqdaan, waxa uu ku jawaabay; “Shir Soomaaliya hoggaaminayso oo dunida kalena dhegaysanayso waxaan filayaa in aan Somaliland ka qaybgalayn, Somaliland waxay ka qaybgalaysaa oo qudha marka shirku noqdo mid maslaxadi ugu jirto sida mid dhaqaale, siyaasadeed iyo mid nabadgelyaba oo Somaliland dawlad ahaan ay siman yihiin uga qaybgalayso, laakiin aanay noqonayn dawlad marti u ah dawladda Muqdisho, haddii uu sidaa yahay Somaliland horena ugamay qaybgelin, iminkana kama qaybgalayso.”

Dr. Maxamed Cabdillaahi oo ka jawaabayey su’aal ahayd siday uga dhaadhicinayaan dawladdaha Ingiriiska iyo Maraykanka in khatarihii ammaan-darro ee ay hore uga digeen inay Somaliland ka jireen meesha ka baxeen kadib hawlgalladii dadka badan lagu qabqabtay ee Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Boolisku ku sheegeen inay xididdada u saareen cabsidii jirtay iyo weliba waxa ka jira dawladahaasi kala shaqaynayeen hay’adaha ammaanka hawlgal culus oo beryahanba ka socday Somaliland, waxa uu yidhi, “Markii dhawaaqaasi soo baxay laba hawlgal ayaannu galnay oo mid ahaa safar aan ku tagay dalka Itoobiya oo aan kulan kula yeeshay safaaradda iyo hay’adaha amniga Ingiriiska ee fadhigoodu yahay magaalada Addis Ababa iyo ka labaad oo ahaa safarkii weftigii Madaxweynuhu hoggaaminayey ee aannu ku tagnay dalka Ingiriiska.

Labada kulanba waxyaabaha aannu ka wadahadalnay waxa ugu waaweynaa arrintan oo wixii ka soo baxayna uu ahaa in labada dal ee Ingiriiska iyo Somaliland ay fuliyaan hawlgallo wadajir ah oo markay dhammaadeen ee lagu qancana ay taladii dhinaca safarrada ee Ingiriisku halkeedii ku soo noqonayso.

Nasiib-wanaag hawlgalladaasi beryahan si fiican ayey u socdeen oo iminkana ay gebogabo marayaan, waxaannu sugaynaa waxa weeye sida wararka aannu helnaynaa muujinayaan in dareenno Ingiriisku aamminsanaan inay jireen iminka ay meesha ka baxeen ama yaraadeen, markaa waxaannu dhawaan dawladda Ingiriiska ka rajaynaynaynaa in ay arrintaas ka soo saarto hadal ay ku muujinayso taladeedii hore ee safarrada iyo halka looga wareegayo, waxaannuna filaynaa inay halkaasi ku dhammaanayso arrintani muddo gaaban gudaheed isha Allaahu.

Wasiirka oo la weydiiyey su’aal ahayd’ ‘arrimaha siyaasadda dibadda ee idin sugaya sida go’aan ka gaadhista shirka London ee bisha May iyo weliba sii ambaqaadida wadahadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, hase ahaatee waxa dalka gudihiisa ka jira loollano ay ka mid yihiin tartanka xisbiga KULMIYE gudihiisa ka socda iyo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka, markaa waxyaabaha gudaha dalka ka dhacayaa ma u muuqan karaan inay idinka mashquulinayaan waxqabadkii arrimaha dibadda,’ waxa uu ku jawaabay;
 
 “Arrimahan aad tilmaantay waa qaar siyaasadeed oo had iyo jeer dalka ka socda haddii waqti hore tahay, haddii ay iminka tahay iyo haddii mar dambe tahayba, waana hawlo xukuumadda iyo hay’adaha kale ee qarankuba ay ku filan yihiin oo waa arrimo u baahan in wadatashi iyo wadashaqayn lagaga gudbi karo oo aan aaminsanahay inay yihiin kuwa xal loo heli karo, waxaanse filayaa in aanay noqonayn wax ka mashquuliya xukuumadda hoggaanminta dalka sida arrimahan aad sheegayso ee wadahadallada Soomaaliya iyo guud ahaan siyaasadaha kale ee arrimaha dibadda,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland. - '/Jamhuuriya''

No comments: