.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, February 2, 2013

Somaliland Waxa Ka Sii Gudhaysa Waddaniyadii Iyo Isku Duubnidii!

 
''Aqoonyahanadii, siyaasiyiintii iyo dhaliyaradii waddanka, waxay noqdeen kuwo kaalintoodii gabay oo ku dhex milmay beelahooda...'' Xaaji Axmed
 
- Somaliland waxaa hore loogu yiqiin qiiro waddaninimo iyo dal jacayl, waxaadse hadda moodaa in ragii dambe ee u kacay lagu khasaaray oo ay dib ugu guryo noqdeen qabyaalad indho iyo dhaga la’ iyo yooyootan ay ugu beretamaan miidiyaha, loona arko ficilkooda inay yihiin dad go’aansaday inay ku kala guuraan dalka kuna guryo noqon rabaan Xamar, sidii riyadii iyo saadaalinta reer Xamarku tahay, taasi oo hore loo yidhi gabaygii ahaa:-
 
Maanaa Xuseenow mar kale Xamar u xiisooda.
Maanaa Xunyahow ley yidhaa aniga oo xay ah.

Somaliland waxa ka muuqda inaysen siyaasiyiin, guurti, dhalinyaro iyo aqoonyahan toonna lahayn ee ka feyow cudurka qabyaaladda, ee curyaamisay lana hadhay, dalkii caanka ku ahaa geesiyada taariikhda waddaninimo iyo halgankii Somaliland-nimo lagu xasuusto ilaa iyo maanta, taasoo isu rogtey, halkii Aar ka kacay Atoor Fadhiisay.
 
Aqoonyahanadii, siyaasiyiintii iyo dhaliyaradii waddanka, waxay noqdeen kuwo kaalintoodii gabay oo ku dhex milmay beelahooda, iyadoo aad moodo inay Uurkii hooyooyinkood kala soo baxeen, kuna soo dhasheen, halkii laga filayay inay baro dheereeyaan raggii hore oo ay dalka u horseedaan, midnimo, isku duubnaan iyo dal jacayl waddaninimo ku dhisan, kana soo horjeestaan, siyaasiyiin ku sheega damaca qabyaaladeed madax-maray, waxaana hore loo yidhi:- “Ninkii ragi wuu ka soo reyn jiray ee sawkan dib u raacay raadkii qabiilnimo.
 
Dadka reer Somaliland waa dad iyagu isu xun oo aan is-qadderin, hase yeeshee u wanaagsan dadka kale ee ajaanibka ah ama shisheeyaha ay u rixiyaan, iyadoo tusaale loo soo qaadan karo murtidan xaaji Aadan Axmed ee taariikhda huwan:- “Dadka kale ninkiisii waxtara waa tixgeliyaan, idinkuna caqliga taabudka ah waad ku tumataane, tartar baa ka dhaaftaan ninkii toos idiin wada, taako iyo mayl kala fog baad mid u taqaaniine”
 
Waxaad mooda inuu xaajigu Alle ha u naxariistee uu ka sii hadlayey maanta waxa jooga ee is-maqal la’aanta, is-tixgelin la’aanta iyo deegaan kala sheegashada cudurka dilaaga ah oo kale noqday, taasoo keentay in xataa dhulkii hantida qaran ee goobaha, Ciyaaraha, Suugaaneed, Dalxiis. Warshadeed iyo cilmi baadhiseed Hab qabiil loo kala sheegto, lana galiyo muran qaranimada liddi ku ah, waxaana caado xun noqotay in lays xanto oo aan runta laysu sheegi karin oo aan cidda qaldan ee loo arko inay qaranimada waxyeelayaan, loo sheego inay cagaha dhigaan oo ay is-dajiyaan, una hogaansamaan aqalabiyada badan iyo maslaxada guud, haddii kale dhinac looga soo wada jeesto.
 
Xaaji Axmed Saalixi Al Rashiidi

No comments: