.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, February 5, 2013

War-saxaafadeed: Gudoomiyayaasha Gobolada Oo La Isku Shaandheeyay

 
- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed M. Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay isku bedel iyo isku shaandheyn balaadhan ku sameeyay Badhasaabadda goboladda dalka Somaliland, isku bedelkaasi oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah intii uu xukunka qaranku ku jiray gacanta Xisbiga Kulmiye. Warsaxaafadeed ku saabsan arintaa oo uu baahyay Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa u dhignaa sidan:-
 
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1568/022013 uu isku bedel ku sameeyey Badhasaabada Dalka qaar ka mid ah
.
Madaxwaynahu:
 
- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
- Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
- Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
 
- Markuu Garwaaqsaday: In baahi loo qabo in isku-beddel lagu sameeyo Gudoomiyeyaasha Gobollada dalka si loo horumariyo hanaanka Dawladnimo;
 
- Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;
 
- Markuu Arkay: In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;
 
Wuxuu go’aansaday
 
1. In Mudane, Maxamed Maxamuud Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee JSL. (Horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Sool)
 
2. In Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland. (horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee JSL)
 
3. In Mudane, Maxamed Faarax Aden, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.
 
4. In Mudane, Cabdoo Axmed Aayer, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland. ( horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee JSL)
 
5. In Mudane, Axmed Muxumed Geelle (Dacar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.
 
6. In Mudane, Yuusuf Ibraahim Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.( horena u ahaa Gudoomiaha Gobolka Oodweyne).
 
7. In Mudane, Jamaal Xuseen Hurre, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Hawd)
 
8. In Mudane, Cabdilaahi Faarax Maydhane, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.
 
9. In Mudane, Ibraahim Xasan Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Saraar)
 
10. In Mudane, Axmed Cali Nuur laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saraar ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Horena u ahaa Gudoomaha Gobolka Gabiley).
 
Xilka Qaadis
 
Madaxweynuhu waxa uu Xilkii Gudoomiye nimo ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Awdal Mudane, Axmed Xadi Sidci oo uu madaxweynuhu uga mahadnaqay mudadii uu xilkan qaranka soo waday haatana uu xilka ku wareejiyo Gudoomiyahan Cusub.”

Dhamaad

Allaa Mahad Leh

Axmed Saleebaan Dhuxul
(Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland)

No comments: